Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: 赦し深いお方章   節:
إِنَّ ٱلسَّاعَةَ لَأٓتِيَةٞ لَّا رَيۡبَ فِيهَا وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يُؤۡمِنُونَ
59. Hubaal Saacadda (Qiyaame) waa imaanaysaa, shaki kuma jiro, dadka badankiisuse ma ay rumaysna.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَقَالَ رَبُّكُمُ ٱدۡعُونِيٓ أَسۡتَجِبۡ لَكُمۡۚ إِنَّ ٱلَّذِينَ يَسۡتَكۡبِرُونَ عَنۡ عِبَادَتِي سَيَدۡخُلُونَ جَهَنَّمَ دَاخِرِينَ
60. (Allaah) Rabbigiin wuxuu yidhi: I barya12 waan idinka aqbaliye (baryada); hubaal kuwa iska weyneeya baryadeyda13, waxay geli Naar iyagoo dullaysan.
12. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Barya Alle idinkoo yaqiinsan in la idinka aqbalayo baryada, oo ogaada inuusan Alle aqbalin baryada qof maahsan".
13. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Baryadu waa cibaado”.
アラビア語 クルアーン注釈:
ٱللَّهُ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلَّيۡلَ لِتَسۡكُنُواْ فِيهِ وَٱلنَّهَارَ مُبۡصِرًاۚ إِنَّ ٱللَّهَ لَذُو فَضۡلٍ عَلَى ٱلنَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَشۡكُرُونَ
61. Alle waa Kan idiin yeelay habeenka inaad ku xasishaan, maalintana idiinka yeelay iftiin si aad wax u aragtaan. Alle waa u Roon yahay dadka, dadku badankooduse kuma mahdiyaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمۡ خَٰلِقُ كُلِّ شَيۡءٖ لَّآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ فَأَنَّىٰ تُؤۡفَكُونَ
62. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin, Abuuraha wax walba, Ma jiro ilaah (Xaq ah) aan Isaga ahayn. ee xaggee baa la idiinka iilay?
アラビア語 クルアーン注釈:
كَذَٰلِكَ يُؤۡفَكُ ٱلَّذِينَ كَانُواْ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ يَجۡحَدُونَ
63. Sidaas oo kale baa loo iilay kuwii Aayadaha Alle diiday.
アラビア語 クルアーン注釈:
ٱللَّهُ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَرۡضَ قَرَارٗا وَٱلسَّمَآءَ بِنَآءٗ وَصَوَّرَكُمۡ فَأَحۡسَنَ صُوَرَكُمۡ وَرَزَقَكُم مِّنَ ٱلطَّيِّبَٰتِۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمۡۖ فَتَبَارَكَ ٱللَّهُ رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
64. Alle waa kan idiinka dhigay dhulka meel aad degtaan, cirkana saqaf, oo idin suureeyey wanaajiyeyna suuradahiinna, oo idinku arsaaqay waxyaalo wanaagsan. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin, ee waxaa khayr iyo barako badnaaday Allaah Rabbiga uumanka.
アラビア語 クルアーン注釈:
هُوَ ٱلۡحَيُّ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ فَٱدۡعُوهُ مُخۡلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَۗ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
65. Waa Noolaha Daa'inka ah. Ma jiro ilaah (Xaq) ah aan Isaga aheyn, ee barya idinkoo u Keli yeelaya cibaadada. Ammaan idilkeed waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.
アラビア語 クルアーン注釈:
۞ قُلۡ إِنِّي نُهِيتُ أَنۡ أَعۡبُدَ ٱلَّذِينَ تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ لَمَّا جَآءَنِيَ ٱلۡبَيِّنَٰتُ مِن رَّبِّي وَأُمِرۡتُ أَنۡ أُسۡلِمَ لِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ
66. Dheh: Aniga waa la iga reebay inaan caabudo kuwaad u yeedhataan (baridaan) Alle sokadi, markay xujooyin cad iiga yimaadeen xagga Rabbigay, waxaana la i amray inaan isu dhiibo Rabbiga uumanka.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: 赦し深いお方章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる