Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: 家畜章   節:
قُلۡ أَيُّ شَيۡءٍ أَكۡبَرُ شَهَٰدَةٗۖ قُلِ ٱللَّهُۖ شَهِيدُۢ بَيۡنِي وَبَيۡنَكُمۡۚ وَأُوحِيَ إِلَيَّ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانُ لِأُنذِرَكُم بِهِۦ وَمَنۢ بَلَغَۚ أَئِنَّكُمۡ لَتَشۡهَدُونَ أَنَّ مَعَ ٱللَّهِ ءَالِهَةً أُخۡرَىٰۚ قُل لَّآ أَشۡهَدُۚ قُلۡ إِنَّمَا هُوَ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞ وَإِنَّنِي بَرِيٓءٞ مِّمَّا تُشۡرِكُونَ
19. Dheh: Maxaa u weyn Marag? Dheh: Alle baa ah Maragga dhexdeenna aniga iyo idinka; waxaana la ii waxyooday Qur'aankan inaan idiinku digo idinka iyo cid kasta uu gaadho. Ee idinku ma waxaad ka marag kacdaan inay Alle la jiraan ilaahyo kale? Dheh: Anigu kama marag kacayo. Dheh: Waa uun Ilaah Keliya, aniguna waxaan barii ka ahay waxaad la wadaajisaan (Alle cibaadada).
アラビア語 クルアーン注釈:
ٱلَّذِينَ ءَاتَيۡنَٰهُمُ ٱلۡكِتَٰبَ يَعۡرِفُونَهُۥ كَمَا يَعۡرِفُونَ أَبۡنَآءَهُمُۘ ٱلَّذِينَ خَسِرُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ فَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ
20. Kuwa aan siinnay Kitaabka (Yuhuudda iyo Nasaarada) waxay u gartaan (Nabi Muxammad ee ku yaal kutubtooda) siday u gartaan carruurtooda. Kuwa khasaari nafahooda (Aakhirada) ma rumeynayaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبًا أَوۡ كَذَّبَ بِـَٔايَٰتِهِۦٓۚ إِنَّهُۥ لَا يُفۡلِحُ ٱلظَّٰلِمُونَ
21. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle ama beeniya Aayadihiisa? Hubaal daalimiintu ma liibaanaan.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَيَوۡمَ نَحۡشُرُهُمۡ جَمِيعٗا ثُمَّ نَقُولُ لِلَّذِينَ أَشۡرَكُوٓاْ أَيۡنَ شُرَكَآؤُكُمُ ٱلَّذِينَ كُنتُمۡ تَزۡعُمُونَ
22. Maalintaan kulmineyno (dadka) dhammaan, markaas baan ku odhan kuwii la wadaajiyey (Alle) cid kale cibaadada: Meeye shurakadiinna aad ku andacooteen (inay Alle shariigyo la yihiin).
アラビア語 クルアーン注釈:
ثُمَّ لَمۡ تَكُن فِتۡنَتُهُمۡ إِلَّآ أَن قَالُواْ وَٱللَّهِ رَبِّنَا مَا كُنَّا مُشۡرِكِينَ
23. Markaas ma ahaan doono cudurdaarkoodu waxaan ahayn inay dhihi: Wallaahi, Rabbigayow, ma aanu aheyn gaalo mushrikiin ah.
アラビア語 クルアーン注釈:
ٱنظُرۡ كَيۡفَ كَذَبُواْ عَلَىٰٓ أَنفُسِهِمۡۚ وَضَلَّ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَفۡتَرُونَ
24. Eeg Siday uga been sheegeen nafahooda, ugana dhumeen waxay been abuuran jireen (oo ilaahyo aan jirin ah).
アラビア語 クルアーン注釈:
وَمِنۡهُم مَّن يَسۡتَمِعُ إِلَيۡكَۖ وَجَعَلۡنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ أَكِنَّةً أَن يَفۡقَهُوهُ وَفِيٓ ءَاذَانِهِمۡ وَقۡرٗاۚ وَإِن يَرَوۡاْ كُلَّ ءَايَةٖ لَّا يُؤۡمِنُواْ بِهَاۖ حَتَّىٰٓ إِذَا جَآءُوكَ يُجَٰدِلُونَكَ يَقُولُ ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّآ أَسَٰطِيرُ ٱلۡأَوَّلِينَ
25. Waxaa ka mid ah kuwo ku dhegaysta, waxaana yeellay quluubtooda daboollo si ayan u fahmin (Xaqa), iyo culeys dhegahooda; hadday arkaan calaamo (mucjiso) kasta ma rumeynayaan, heer markay kuu yimaadaan way uun kula doodaan, waxay kuwa gaalooba yidhaahdaan: Kani (Qur’aanka) ma aha waxaan ahayn sheeko-xariirtii kuwii hore.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَهُمۡ يَنۡهَوۡنَ عَنۡهُ وَيَنۡـَٔوۡنَ عَنۡهُۖ وَإِن يُهۡلِكُونَ إِلَّآ أَنفُسَهُمۡ وَمَا يَشۡعُرُونَ
26. Waxay ka reebaan dadka (rumeynta Nabiga iyo dhageysiga Qur’aanka) iyaguna ka sii fogaadaan, mana halligayaan waxaan aheyn nafahooda, mase dareensana.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَلَوۡ تَرَىٰٓ إِذۡ وُقِفُواْ عَلَى ٱلنَّارِ فَقَالُواْ يَٰلَيۡتَنَا نُرَدُّ وَلَا نُكَذِّبَ بِـَٔايَٰتِ رَبِّنَا وَنَكُونَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ
27. Haddaad arki lahaydna iyagoo la dul joojiyey Naarta, markaas waxay odhan: Alla haddii naloo celin lahaa (adduunka), ma aan beenin lahayn Aayaadaha Rabbigayo, waxaana ka mid noqon laheyn mu’miniinta.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: 家畜章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる