Check out the new design

クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub * - 対訳の目次

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

対訳 章: 家畜章   節:
وَقَالُواْ هَٰذِهِۦٓ أَنۡعَٰمٞ وَحَرۡثٌ حِجۡرٞ لَّا يَطۡعَمُهَآ إِلَّا مَن نَّشَآءُ بِزَعۡمِهِمۡ وَأَنۡعَٰمٌ حُرِّمَتۡ ظُهُورُهَا وَأَنۡعَٰمٞ لَّا يَذۡكُرُونَ ٱسۡمَ ٱللَّهِ عَلَيۡهَا ٱفۡتِرَآءً عَلَيۡهِۚ سَيَجۡزِيهِم بِمَا كَانُواْ يَفۡتَرُونَ
138. Waxay yidhaahdeen: Kuwani waa xoolo iyo beer reebban, aysan wax ka cuneyn ciddaan doonno maahee – sidaas bay ku andacoodaan - iyo xoolo la xarrimay dhabarradooda iyo xoolo aan lagu xusin Magaca Alle - iyagoo ku been abuuranaya. Wuu ka jaazeyn waxay been abuurteen darteed.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَقَالُواْ مَا فِي بُطُونِ هَٰذِهِ ٱلۡأَنۡعَٰمِ خَالِصَةٞ لِّذُكُورِنَا وَمُحَرَّمٌ عَلَىٰٓ أَزۡوَٰجِنَاۖ وَإِن يَكُن مَّيۡتَةٗ فَهُمۡ فِيهِ شُرَكَآءُۚ سَيَجۡزِيهِمۡ وَصۡفَهُمۡۚ إِنَّهُۥ حَكِيمٌ عَلِيمٞ
139. Waxay (gaaladu) yidhaahdeen: Waxa ku jira uurarka xoolahan (caano ama ilmo) waxaa gaar u leh labkayaga keliya, waana ka xaaraan xaasaskayaga, hadduu baqti yahayna, way wadaagaan dhammaantood. Wuu ka goyn waxay been u nisbeeyeen (Alle). Hubaal, Alle Waa Xakiim Fal iyo Odhaah san, wax kasta Ogsoon.
アラビア語 クルアーン注釈:
قَدۡ خَسِرَ ٱلَّذِينَ قَتَلُوٓاْ أَوۡلَٰدَهُمۡ سَفَهَۢا بِغَيۡرِ عِلۡمٖ وَحَرَّمُواْ مَا رَزَقَهُمُ ٱللَّهُ ٱفۡتِرَآءً عَلَى ٱللَّهِۚ قَدۡ ضَلُّواْ وَمَا كَانُواْ مُهۡتَدِينَ
140. Waxaa khasaara dhab ah ku sugan kuwa u dilay carruurtooda caqli xumo aqoon la’aan darteed [10], xaaraameeyana waxa Alle uu siiyey, iyagoo ku been abuuranaya Alle. Way lumeen, mana aha kuwo hanuunsan.
10. Waxaa ka mid ahaa Carabta qaar ku sugnaa diintii Ibraahiim. Wuxuu Alle amray Ibraahiim inuu gowraco wiilkiisa Ismaaciil, kaddib waxay ka dhigeen madaxdii hoggaamineysey diintooda arrinka gowraca waxaan caddeyn sababta keentay, ilaa ay la wanaagsanaatay raaceenkoodii inay gowracaan ilmahooda Alle u dhowaansho darteed inkastoo sababta runta ay aheyd inay ka cararayeen faqri iyo ceydh.
アラビア語 クルアーン注釈:
۞ وَهُوَ ٱلَّذِيٓ أَنشَأَ جَنَّٰتٖ مَّعۡرُوشَٰتٖ وَغَيۡرَ مَعۡرُوشَٰتٖ وَٱلنَّخۡلَ وَٱلزَّرۡعَ مُخۡتَلِفًا أُكُلُهُۥ وَٱلزَّيۡتُونَ وَٱلرُّمَّانَ مُتَشَٰبِهٗا وَغَيۡرَ مُتَشَٰبِهٖۚ كُلُواْ مِن ثَمَرِهِۦٓ إِذَآ أَثۡمَرَ وَءَاتُواْ حَقَّهُۥ يَوۡمَ حَصَادِهِۦۖ وَلَا تُسۡرِفُوٓاْۚ إِنَّهُۥ لَا يُحِبُّ ٱلۡمُسۡرِفِينَ
141. (Alle) waa Kan soo saara beero (canab ah) dhis leh iyo kuwo aan dhis lahayn, iyo geedo timir, iyo sarac leh miro muuqaal iyo dhadhan kala duwan, iyo zaytuun, iyo rummaan, isu eg (nooc ahaan) kuse kala duwan (dhadhan ahaan), Wax ka cuna midhahiisa markay soo saaraan midho, bixiyana xaqa lagu leeyahay maalinta goyntiisa, hana xad dhaafina, Alle ma jecla kuwa xad dhaafa.
アラビア語 クルアーン注釈:
وَمِنَ ٱلۡأَنۡعَٰمِ حَمُولَةٗ وَفَرۡشٗاۚ كُلُواْ مِمَّا رَزَقَكُمُ ٱللَّهُ وَلَا تَتَّبِعُواْ خُطُوَٰتِ ٱلشَّيۡطَٰنِۚ إِنَّهُۥ لَكُمۡ عَدُوّٞ مُّبِينٞ
142. Waxaa ka mid ah xoolaha (uu Alle abuuray qaar) xummuul qaada iyo kuwo u suubbada in la qasho oo keliya. Wax ka cuna waxa Alle idin siiyey, hana raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal wuxuu idiin yahay cadow cad.
アラビア語 クルアーン注釈:
 
対訳 章: 家畜章
章名の目次 ページ番号
 
クルアーンの対訳 - ソマリ語対訳 - Abdullah Hassan Yaqoub - 対訳の目次

訳 - Abdullah Hasan Yaqub

閉じる