លេខ​ទំព័រ:close

external-link copy
4 : 35

وَإِن يُكَذِّبُوكَ فَقَدۡ كُذِّبَتۡ رُسُلٞ مِّن قَبۡلِكَۚ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرۡجَعُ ٱلۡأُمُورُ

4. Hadday ku beeniyaan (Nabiyow), waxaa la beeniyey Rusul kaa horreeyey. Alle baa loo celiyaa umuurahoo dhan. info
التفاسير: |

external-link copy
5 : 35

يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞۖ فَلَا تَغُرَّنَّكُمُ ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَا وَلَا يَغُرَّنَّكُم بِٱللَّهِ ٱلۡغَرُورُ

5. Dadow! Hubaal Ballanka Alle waa Xaq. Ee yeysan idin hodin noloshan soke ee adduunka, yuusanna kan hodista badan (shaydaanka) idinka hodin arrinka Alle. info
التفاسير: |

external-link copy
6 : 35

إِنَّ ٱلشَّيۡطَٰنَ لَكُمۡ عَدُوّٞ فَٱتَّخِذُوهُ عَدُوًّاۚ إِنَّمَا يَدۡعُواْ حِزۡبَهُۥ لِيَكُونُواْ مِنۡ أَصۡحَٰبِ ٱلسَّعِيرِ

6. Xaqiiq, shaydaanku wuxuu idiin yahay cadow, ee idinkuna ka yeesha cadow. Wuxuu uun ugu yeedhaa Xisbigiisa inay ka mid noqdaan asxaabta Naarta hureysa. info
التفاسير: |

external-link copy
7 : 35

ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَهُمۡ عَذَابٞ شَدِيدٞۖ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ لَهُم مَّغۡفِرَةٞ وَأَجۡرٞ كَبِيرٌ

7. Kuwa gaalooba waxay leeyihiin cadaab daran; kuwase rumeeyey (Xaqa) oo samaha fala, waxay leeyihiin denbi dhaaf iyo abaalgud Weyn (Janno). info
التفاسير: |

external-link copy
8 : 35

أَفَمَن زُيِّنَ لَهُۥ سُوٓءُ عَمَلِهِۦ فَرَءَاهُ حَسَنٗاۖ فَإِنَّ ٱللَّهَ يُضِلُّ مَن يَشَآءُ وَيَهۡدِي مَن يَشَآءُۖ فَلَا تَذۡهَبۡ نَفۡسُكَ عَلَيۡهِمۡ حَسَرَٰتٍۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمُۢ بِمَا يَصۡنَعُونَ

8. Ma mid isaga loo qurxiyey camalkiisa xun, heer uu u arko wax wanaagsan (baa la siman mid isagu hanuunsan)? Alle wuxuu lumiyaa qofkuu doono, oo hanuuniyaa qofkuu doono, ee yeysan naftaadu ku tegin murugo dartood kuu qabata. Allaah wuu Ogsoon yahay waxay samayne. info
التفاسير: |

external-link copy
9 : 35

وَٱللَّهُ ٱلَّذِيٓ أَرۡسَلَ ٱلرِّيَٰحَ فَتُثِيرُ سَحَابٗا فَسُقۡنَٰهُ إِلَىٰ بَلَدٖ مَّيِّتٖ فَأَحۡيَيۡنَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَاۚ كَذَٰلِكَ ٱلنُّشُورُ

9. Allaah waa Kan soo dira dabeylaha ee kicisa daruur, oo aanu u kaxeyno beled dhintay (abaar ah), markaasaan ku noolaynaa arlada kaddib dhimashadeeda. Sidaas oo kale weeyaan soo Bixintiinna (Qiyaamada). info
التفاسير: |

external-link copy
10 : 35

مَن كَانَ يُرِيدُ ٱلۡعِزَّةَ فَلِلَّهِ ٱلۡعِزَّةُ جَمِيعًاۚ إِلَيۡهِ يَصۡعَدُ ٱلۡكَلِمُ ٱلطَّيِّبُ وَٱلۡعَمَلُ ٱلصَّٰلِحُ يَرۡفَعُهُۥۚ وَٱلَّذِينَ يَمۡكُرُونَ ٱلسَّيِّـَٔاتِ لَهُمۡ عَذَابٞ شَدِيدٞۖ وَمَكۡرُ أُوْلَٰٓئِكَ هُوَ يَبُورُ

10. Qofkii raba sharaf (iyo cizo), Alle baa iska leh Sharaf iyo Cizoo dhan. Xaggiisay kor u aadaan weedhaha san oo idil, camalka sanna wuu kor yeelaa. Kuwase dhiga dabin ee xuma qoola waxay leeyihiin cadaab daran. Kuwaasu qorshahooda xun wuu iska baabbi’i. info
التفاسير: |

external-link copy
11 : 35

وَٱللَّهُ خَلَقَكُم مِّن تُرَابٖ ثُمَّ مِن نُّطۡفَةٖ ثُمَّ جَعَلَكُمۡ أَزۡوَٰجٗاۚ وَمَا تَحۡمِلُ مِنۡ أُنثَىٰ وَلَا تَضَعُ إِلَّا بِعِلۡمِهِۦۚ وَمَا يُعَمَّرُ مِن مُّعَمَّرٖ وَلَا يُنقَصُ مِنۡ عُمُرِهِۦٓ إِلَّا فِي كِتَٰبٍۚ إِنَّ ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ يَسِيرٞ

11. Alle wuxuu idinka abuuray carro, haddana dhibic mino ah, haddana wuxuu idinka yeelay lammaan (lab iyo dheddig); ma jirto dheddig uur qaadda, mana ku soo debed dhigto waxaan ahayn ogaalkiisa, mana jiro ku cimrigiisu la dheereeyo ama wax laga dhimo cimrigiisa oo aan dhammaan ku qornayn Kitaab (Looxa Maxfuudka). Hubaal arrinkaa waa mid Alle u Fudud. info
التفاسير: |