27. Miyaadan arag in Alle ka soo dejiyo biyo (roob) daruuraha, markaas aanu ku soo saarno midho midabbo kala duwan leh. Buuraha waxaa ka mid ah kuwo leh diillimo cad cad iyo kuwo casaan ah oo midabbo kala duwan iyo kuwo madow daran ah.
28. Dadka iyo nafleyda dhul ku socotada ah iyo xoolaha daaqana waa kuwo kala midab duwan sidoo kale. Sideedaba waxaa uun ka baqa Alle kuwa cilmiga leh ee ka mid ah addoomahiisa. Hubaal Alle waa Adkaade, Denbi Dhaaf Badan.
29. Hubaal kuwa akhriya Kitaabka Alle oo ooga salaadda, oo wax ka bixiya 'sadaqo ahaan' waxaan siinnay sir iyo caddaanba, waxay rajeeyaan ganacsi la hubo faa’ideeda aan weligeed baareyn.