Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ፋጢር   አንቀጽ:
وَمَا يَسۡتَوِي ٱلۡأَعۡمَىٰ وَٱلۡبَصِيرُ
19. Ma sinna indhoolaha iyo mid wax arka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا ٱلظُّلُمَٰتُ وَلَا ٱلنُّورُ
20. Iyo mugdiyada iyo nuurka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا ٱلظِّلُّ وَلَا ٱلۡحَرُورُ
21. Iyo harka iyo kuleylka5.
5. Kuleylka qorraxda ama hanfiga dabeysha kulul.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا يَسۡتَوِي ٱلۡأَحۡيَآءُ وَلَا ٱلۡأَمۡوَٰتُۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُسۡمِعُ مَن يَشَآءُۖ وَمَآ أَنتَ بِمُسۡمِعٖ مَّن فِي ٱلۡقُبُورِ
22. Ma sinna kuwa nool iyo kuwa meydka ah6. Alle Wuxuu wax maqashiiyaa cidduu doono7, adiguna wax ma maqashiin kartid kuwa ku jira qubuuraha.
6. Waa tusaalaha ay kala leeyihiin mu’minka iyo gaalka, noocyada kala duwan ee gaalnimada iyo iimaanka runta ah, Jannada iyo Naarta, hanuunka iyo habowga.
7. Alle wuxuu hanuuniyaa qofkuu doono, oo maqashiiyaa Xaqa qofkuu doono.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنۡ أَنتَ إِلَّا نَذِيرٌ
23. Adigu (Nabi Muxammadow) ma tihid waxaan ahayn dige.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّآ أَرۡسَلۡنَٰكَ بِٱلۡحَقِّ بَشِيرٗا وَنَذِيرٗاۚ وَإِن مِّنۡ أُمَّةٍ إِلَّا خَلَا فِيهَا نَذِيرٞ
24. Waxaan kula soo dirnay (Nabiyow) Xaqa bishaareeye iyo dige ahaan. Ma jirto ummad aanu soo marin dige.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِن يُكَذِّبُوكَ فَقَدۡ كَذَّبَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ جَآءَتۡهُمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ وَبِٱلزُّبُرِ وَبِٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُنِيرِ
25. Hadday ku beeeniyaan, waxaa sidoo kale beeniyey kuwii ka horreeyey; Rusushoodii waxay ula yimaadeen xujooyin cad cad iyo Qoraallo iyo kitaab iftiimaya.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ أَخَذۡتُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْۖ فَكَيۡفَ كَانَ نَكِيرِ
26. Markaasaan qabtay gaaladii, ee sidee buu ahaa Ciqaabkeygii (aan ku ciqaabay kuwa Xaqa beeniyey).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَلَمۡ تَرَ أَنَّ ٱللَّهَ أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَخۡرَجۡنَا بِهِۦ ثَمَرَٰتٖ مُّخۡتَلِفًا أَلۡوَٰنُهَاۚ وَمِنَ ٱلۡجِبَالِ جُدَدُۢ بِيضٞ وَحُمۡرٞ مُّخۡتَلِفٌ أَلۡوَٰنُهَا وَغَرَابِيبُ سُودٞ
27. Miyaadan arag in Alle ka soo dejiyo biyo (roob) daruuraha, markaas aanu ku soo saarno midho midabbo kala duwan leh. Buuraha waxaa ka mid ah kuwo leh diillimo cad cad iyo kuwo casaan ah oo midabbo kala duwan iyo kuwo madow daran ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمِنَ ٱلنَّاسِ وَٱلدَّوَآبِّ وَٱلۡأَنۡعَٰمِ مُخۡتَلِفٌ أَلۡوَٰنُهُۥ كَذَٰلِكَۗ إِنَّمَا يَخۡشَى ٱللَّهَ مِنۡ عِبَادِهِ ٱلۡعُلَمَٰٓؤُاْۗ إِنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ غَفُورٌ
28. Dadka iyo nafleyda dhul ku socotada ah iyo xoolaha daaqana waa kuwo kala midab duwan sidoo kale. Sideedaba waxaa uun ka baqa Alle kuwa cilmiga leh ee ka mid ah addoomahiisa. Hubaal Alle waa Adkaade, Denbi Dhaaf Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ يَتۡلُونَ كِتَٰبَ ٱللَّهِ وَأَقَامُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَأَنفَقُواْ مِمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡ سِرّٗا وَعَلَانِيَةٗ يَرۡجُونَ تِجَٰرَةٗ لَّن تَبُورَ
29. Kuwa akhriya Kitaabka Alle oo ooga salaadda, oo wax ka bixiya waxaan siinnay sir iyo caddaanba, waxay rajeeyaan ganac la hubo faa’ideeda, aan weligeed baareyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لِيُوَفِّيَهُمۡ أُجُورَهُمۡ وَيَزِيدَهُم مِّن فَضۡلِهِۦٓۚ إِنَّهُۥ غَفُورٞ شَكُورٞ
30. Si uu Alle ugu gudo si dhan ujuura- doodii, ugana ziyaadiyo Deeqdiisa. Hubaal Alle Waa Denbi Dhaaf Badane, Mahdin badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ፋጢር
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት