Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ፋጢር   አንቀጽ:
وَمَا يَسۡتَوِي ٱلۡبَحۡرَانِ هَٰذَا عَذۡبٞ فُرَاتٞ سَآئِغٞ شَرَابُهُۥ وَهَٰذَا مِلۡحٌ أُجَاجٞۖ وَمِن كُلّٖ تَأۡكُلُونَ لَحۡمٗا طَرِيّٗا وَتَسۡتَخۡرِجُونَ حِلۡيَةٗ تَلۡبَسُونَهَاۖ وَتَرَى ٱلۡفُلۡكَ فِيهِ مَوَاخِرَ لِتَبۡتَغُواْ مِن فَضۡلِهِۦ وَلَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ
12. Ma aha isku mid labada badood, mid waa macaan lagu harraad baxo ay wanaagsan tahay cabbiddiisu, kan kalena waa milix lagu gubto dhanaankeeda daran awgi, mid walbaana oo ka mid ah waxaad ka cuntaan hilib cusub oo jileec ah (kalluun), oo waxaad kala soo baxdaan (badda) waxyaalo aad qurux u xidhataan. Waxaad arkaysaa doonyaha oo dhex maaxaya badda, si aad u raadsataan Deeqdiisa, iyo inaad (Alle) ku mahdisaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يُولِجُ ٱلَّيۡلَ فِي ٱلنَّهَارِ وَيُولِجُ ٱلنَّهَارَ فِي ٱلَّيۡلِ وَسَخَّرَ ٱلشَّمۡسَ وَٱلۡقَمَرَۖ كُلّٞ يَجۡرِي لِأَجَلٖ مُّسَمّٗىۚ ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمۡ لَهُ ٱلۡمُلۡكُۚ وَٱلَّذِينَ تَدۡعُونَ مِن دُونِهِۦ مَا يَمۡلِكُونَ مِن قِطۡمِيرٍ
13. Wuxuu (Alle) habeenka dhex galiyaa maalinta, maalintana dhex galiyaa habeenka (macnaha kala badiyaa). Wuxuu idiin sakhiray qorraxda iyo dayaxa, mid walba uu ku socdo marriinkiisa muddo magacaaban. Kaasi waa Allaah, Rabbigiin; Isagaa leh Boqortooyada (Runta ah), kuwase aad baridaan (caabuddaan) Alle sokadi ma hantaan xitaa xuub laf timireed.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِن تَدۡعُوهُمۡ لَا يَسۡمَعُواْ دُعَآءَكُمۡ وَلَوۡ سَمِعُواْ مَا ٱسۡتَجَابُواْ لَكُمۡۖ وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ يَكۡفُرُونَ بِشِرۡكِكُمۡۚ وَلَا يُنَبِّئُكَ مِثۡلُ خَبِيرٖ
14. Haddaad u yeedhataan ma maqlaan ducadiinna, hadday idin maqli lahaa- yeenna ma idin ajiibeen. Maalinta Qiyaamahana way diidi shirkigiinna)2. Ma jiro cid wax kuugu sheegi kartaa sida Midka ah Xog ogaal Xeel dheer (Alle).
2. Kuwa aad baridaan la jirka Alle oo aad caabuddaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ يَٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ أَنتُمُ ٱلۡفُقَرَآءُ إِلَى ٱللَّهِۖ وَٱللَّهُ هُوَ ٱلۡغَنِيُّ ٱلۡحَمِيدُ
15. Dadow! Idinka weeye kuwa u baahan Alle, Allena waa Hodanka, Ammaanan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِن يَشَأۡ يُذۡهِبۡكُمۡ وَيَأۡتِ بِخَلۡقٖ جَدِيدٖ
16. Hadduu doono, wuu idin tegsiin, oo keeni uun cusub.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا ذَٰلِكَ عَلَى ٱللَّهِ بِعَزِيزٖ
17. Waxnana kuma adka Alle.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَا تَزِرُ وَازِرَةٞ وِزۡرَ أُخۡرَىٰۚ وَإِن تَدۡعُ مُثۡقَلَةٌ إِلَىٰ حِمۡلِهَا لَا يُحۡمَلۡ مِنۡهُ شَيۡءٞ وَلَوۡ كَانَ ذَا قُرۡبَىٰٓۗ إِنَّمَا تُنذِرُ ٱلَّذِينَ يَخۡشَوۡنَ رَبَّهُم بِٱلۡغَيۡبِ وَأَقَامُواْ ٱلصَّلَوٰةَۚ وَمَن تَزَكَّىٰ فَإِنَّمَا يَتَزَكَّىٰ لِنَفۡسِهِۦۚ وَإِلَى ٱللَّهِ ٱلۡمَصِيرُ
18. Nafna naf kale denbigeed ma qaaddo; haddii naf culaabeysan u yeedhato (mid kale inuu qaado) culayskeeda, waxba kama qaado, qaraaboba ha ahaadeene. Waxaad uun u digi kuwa ka baqa Rabbigood sir (iyo saaqba)3, oo ooga salaadda. Qofkii is daahiriya4, naftiisu uun buu isu daahiriyey, waana Xagga Alle meesha loo socdaa (geeri dabadeed).
3. Mufasiriinta qaarkood waxay yidhaahdeen: Ghaybka –maqnaanta- halkan waxaa loola jeedaa marka uu qofku keli yahay aan la arkayn.
4. Nabi Muxammad s.c.w. ma hanuunin karo mushrikiinta quluubtooda ka xidhan yahay iimaanka aan iyagu dooneyn hanuunka oo dan ka lahayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ፋጢር
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት