Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ፋጢር   አንቀጽ:
وَٱلَّذِيٓ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ مِنَ ٱلۡكِتَٰبِ هُوَ ٱلۡحَقُّ مُصَدِّقٗا لِّمَا بَيۡنَ يَدَيۡهِۗ إِنَّ ٱللَّهَ بِعِبَادِهِۦ لَخَبِيرُۢ بَصِيرٞ
31. Kitaabka 'Qur'aanka' aan kuu waxyoonnay (Nabiyow) waa Xaqa rumeynaya wixii ka horreeyey (oo Kutub Alle ah). Hubaal, Alle addoomahiisa wuu ka War Qabaa, Arkaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ أَوۡرَثۡنَا ٱلۡكِتَٰبَ ٱلَّذِينَ ٱصۡطَفَيۡنَا مِنۡ عِبَادِنَاۖ فَمِنۡهُمۡ ظَالِمٞ لِّنَفۡسِهِۦ وَمِنۡهُم مُّقۡتَصِدٞ وَمِنۡهُمۡ سَابِقُۢ بِٱلۡخَيۡرَٰتِ بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ ذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَضۡلُ ٱلۡكَبِيرُ
32. Kaddib waxaan dhaxalsiinnay Kitaabka kuwaan doorannay oo addoomahayaga ka mid ah. Waxaa ka mid ah mid dulmiya naftiisa8, iyo mid dhexdhexeysta, iyo mid u dheereeya khayrka Idanka Alle. Kaa weeye Fadliga Weyn.
8. Qofka dulmiya naftiisa waa qofkay khaladaadkiisa ka badan yihiin saxiisa, muqtasidna dhexdhexysta waa qofkay camalladiisa wanaagsan le’eg yihiin camalladiisa xun, qofka u dheereeya khayraadkana waa qofka ay acmaashiisa san badan yihiin .
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
جَنَّٰتُ عَدۡنٖ يَدۡخُلُونَهَا يُحَلَّوۡنَ فِيهَا مِنۡ أَسَاوِرَ مِن ذَهَبٖ وَلُؤۡلُؤٗاۖ وَلِبَاسُهُمۡ فِيهَا حَرِيرٞ
33. Jannooyin cadni (beero lagu waari) bay geli, waxaa lagu qurxin inay xidhaan gudaheeda jinjimooyin dahab iyo luul ah, dharkooduna gudaheeda waa xariir.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالُواْ ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِيٓ أَذۡهَبَ عَنَّا ٱلۡحَزَنَۖ إِنَّ رَبَّنَا لَغَفُورٞ شَكُورٌ
34. Waxay odhan: Ammaan (oo dhan) iyo mahad waxaa leh Alle, ee naga tagsiiyey murugo (oo dhan). Hubaal Rabbigayo waa Denbi Dhaaf Badane, Mahdin Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِيٓ أَحَلَّنَا دَارَ ٱلۡمُقَامَةِ مِن فَضۡلِهِۦ لَا يَمَسُّنَا فِيهَا نَصَبٞ وَلَا يَمَسُّنَا فِيهَا لُغُوبٞ
35. Kan nagu dejiyey Daarta Negaadeysa (Jannada) Fadligiisa; nagu taaban maayo dhexdeeda dhibi, naguna taaban maayo daal.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ لَهُمۡ نَارُ جَهَنَّمَ لَا يُقۡضَىٰ عَلَيۡهِمۡ فَيَمُوتُواْ وَلَا يُخَفَّفُ عَنۡهُم مِّنۡ عَذَابِهَاۚ كَذَٰلِكَ نَجۡزِي كُلَّ كَفُورٖ
36. Kuwase gaalooba abaalkooda waa Naarta Jahannama. Laguma xukumo geeri si ay u dhintaan, lagamana khafiifiyo cadaabkeeda. Sidaas baan ku abaal marinnaa mid kastoo gaalnimo badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَهُمۡ يَصۡطَرِخُونَ فِيهَا رَبَّنَآ أَخۡرِجۡنَا نَعۡمَلۡ صَٰلِحًا غَيۡرَ ٱلَّذِي كُنَّا نَعۡمَلُۚ أَوَلَمۡ نُعَمِّرۡكُم مَّا يَتَذَكَّرُ فِيهِ مَن تَذَكَّرَ وَجَآءَكُمُ ٱلنَّذِيرُۖ فَذُوقُواْ فَمَا لِلظَّٰلِمِينَ مِن نَّصِيرٍ
37. Waxay ku qeyliyi dhexdeeda: Rabbiyow! Naga saar (halkan Naarta), waxaanu fali camal san aan aheyn kaan horay u fali jirnay. (Waxaa lagu odhan): Miyaanaan idin cimri siin in ku filan inuu ku waantoobo qofkii waansami9? Oo idiin iman Dige. Ee dhadhamiya (Naarta), waayo daalimiinta ma leh wax u soo gargaari (Aakhirada).
9. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Alle waa u dhammeystiray cudur daar qofkii uu dib u dhigay ilaa uu ka gaaro lixdan sano.”
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱللَّهَ عَٰلِمُ غَيۡبِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۚ إِنَّهُۥ عَلِيمُۢ بِذَاتِ ٱلصُّدُورِ
38. Alle waa Ogsoonaha waxa ku qarsoon aan muuqan cirarka iyo dhulka gudahooda. Hubaal waa Isaga Ogsoonaha waxa ku jira laabaha (dadka).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ፋጢር
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት