Ad-duur

external-link copy
1 : 52

وَٱلطُّورِ

1. Waxaan ku dhaartay Buurta 'Siinaay' [1]. info

[1]. Ad-Duur: Buurta, waxaa loola jeedaa Buurtii uu Alle kula hadlay Nabi Muuse c.s.

التفاسير: |

external-link copy
2 : 52

وَكِتَٰبٖ مَّسۡطُورٖ

2. Iyo Kitaab qoran [2]. info

[2]. Waxaa lagu fasiray Looxa Maxfuudka, ama Qur’aanka.

التفاسير: |

external-link copy
3 : 52

فِي رَقّٖ مَّنشُورٖ

3. Ku qoran xaashiyo (maqaar ido khafiif ah) fidsan oo furan. info
التفاسير: |

external-link copy
4 : 52

وَٱلۡبَيۡتِ ٱلۡمَعۡمُورِ

4. Iyo Guriga (Kacbada) la siyaarto [3]. info

[3]. Waa Beytka Alle ay ku caabudaan malaa’igta ee ku yaal samada toddobaad, abbaarta Kacbada ama Kacbada Makkah.

التفاسير: |

external-link copy
5 : 52

وَٱلسَّقۡفِ ٱلۡمَرۡفُوعِ

5. Iyo saqafka la kor yeelay (samada). info
التفاسير: |

external-link copy
6 : 52

وَٱلۡبَحۡرِ ٱلۡمَسۡجُورِ

6. Iyo badda lagu huriyey 'dabka ama soo fatahda' [4]. info

[4]. Badahoo sidaas noqon Maalinta Qiyaamaha.

التفاسير: |

external-link copy
7 : 52

إِنَّ عَذَابَ رَبِّكَ لَوَٰقِعٞ

7. Hubaal, cadaabka Rabbigaa waa wax dhici oo sugan - info
التفاسير: |

external-link copy
8 : 52

مَّا لَهُۥ مِن دَافِعٖ

8. Ma jiro wax celin. info
التفاسير: |

external-link copy
9 : 52

يَوۡمَ تَمُورُ ٱلسَّمَآءُ مَوۡرٗا

9. Maalinta markuu cirku hadba dhinac u wareegi, info
التفاسير: |

external-link copy
10 : 52

وَتَسِيرُ ٱلۡجِبَالُ سَيۡرٗا

10. Buuruhuna socon socosho (yaab) leh [5]. info

[5]. Oo noqon sida boor oo u socon sida daruuraha.

التفاسير: |

external-link copy
11 : 52

فَوَيۡلٞ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡمُكَذِّبِينَ

11. Hoog waxaa leh Maalinkaas kuwa (Xaqa) beeniya (ee nabad diidka ah). info
التفاسير: |

external-link copy
12 : 52

ٱلَّذِينَ هُمۡ فِي خَوۡضٖ يَلۡعَبُونَ

12. Kuwa iska cayaara ee dhex gala xumaanta. info
التفاسير: |

external-link copy
13 : 52

يَوۡمَ يُدَعُّونَ إِلَىٰ نَارِ جَهَنَّمَ دَعًّا

13. Maalinka loogu tuuri Naarta Jahannama si daran oo xoog leh (waxaa lagu dhihi): info
التفاسير: |

external-link copy
14 : 52

هَٰذِهِ ٱلنَّارُ ٱلَّتِي كُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ

14. Waa tan Naartii aad beenin jirteen. info
التفاسير: |