કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - શોમાલી ભાષાતર - યાકુબ * - ભાષાંતરોની અનુક્રમણિકા

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

શબ્દોનું ભાષાંતર સૂરહ: અત્ તૂર   આયત:

Suurada Ad-duur

وَٱلطُّورِ
1. Waxaan (waa Alle'e) ku dhaartay Buurta (Siinaay)1.
1. Ad-Duur: Buurta, waxaa loola jeedaa Buurtii uu Alle kula hadlay Nabi Muuse c.s.
અરબી તફસીરો:
وَكِتَٰبٖ مَّسۡطُورٖ
2. Iyo Kitaabka qoran2.
2. Waxaa lagu fasiray Looxa Maxfuudka, ama Qur’aanka
અરબી તફસીરો:
فِي رَقّٖ مَّنشُورٖ
3. Ee ku qoran warqado la fidiyey.
અરબી તફસીરો:
وَٱلۡبَيۡتِ ٱلۡمَعۡمُورِ
4. Iyo Guriga (Kacbada) la siyaarto3.
3. Waa Beydka Ilaahay ay ku caabudaan malaa’igta ee ku yaal samada toddobaad, abbaarta Kacbada ama Kacbada Makkah.
અરબી તફસીરો:
وَٱلسَّقۡفِ ٱلۡمَرۡفُوعِ
5. Iyo saqafka la kor yeelay (samada).
અરબી તફસીરો:
وَٱلۡبَحۡرِ ٱلۡمَسۡجُورِ
6. Iyo badda lagu huriyey (dabka ama soo fatahda)4.
4. Badahoo sidaas noqon Maalinta Qiyaamaha.
અરબી તફસીરો:
إِنَّ عَذَابَ رَبِّكَ لَوَٰقِعٞ
7. Cadaabka Rabbigaa waa wax dhici oo sugan -
અરબી તફસીરો:
مَّا لَهُۥ مِن دَافِعٖ
8. Ma jiro wax celin.
અરબી તફસીરો:
يَوۡمَ تَمُورُ ٱلسَّمَآءُ مَوۡرٗا
9. Maalinta markuu cirku hadba dhinac u wareegi,
અરબી તફસીરો:
وَتَسِيرُ ٱلۡجِبَالُ سَيۡرٗا
10. Buuruhuna socon socosho (yaab) leh5.
5. Oo noqon sida boor oo u socon sida daruuraha.
અરબી તફસીરો:
فَوَيۡلٞ يَوۡمَئِذٖ لِّلۡمُكَذِّبِينَ
11. Hoog waxaa leh Maalinkaas kuwa (Xaqa) beeniya (ee nabad diidka ah).
અરબી તફસીરો:
ٱلَّذِينَ هُمۡ فِي خَوۡضٖ يَلۡعَبُونَ
12. Kuwa iska cayaara ee dhex gala xumaanta.
અરબી તફસીરો:
يَوۡمَ يُدَعُّونَ إِلَىٰ نَارِ جَهَنَّمَ دَعًّا
13.Maalinka loogu tuuri NaartaJahannama si daran oo xoog leh (waxaa lagu dhihi):
અરબી તફસીરો:
هَٰذِهِ ٱلنَّارُ ٱلَّتِي كُنتُم بِهَا تُكَذِّبُونَ
14. Waa tan Naartii aad beenin jirteen.
અરબી તફસીરો:
أَفَسِحۡرٌ هَٰذَآ أَمۡ أَنتُمۡ لَا تُبۡصِرُونَ
15. Ma sixir baa (cadaabkani), mise wax ma aragtaan?
અરબી તફસીરો:
ٱصۡلَوۡهَا فَٱصۡبِرُوٓاْ أَوۡ لَا تَصۡبِرُواْ سَوَآءٌ عَلَيۡكُمۡۖ إِنَّمَا تُجۡزَوۡنَ مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
16. Gala, markaa ku samra ama ha ku samrina - waa isugu kiin mid, Waxaa uun laydinka goyn waxaad fali jirteen (oo xumaan ah).
અરબી તફસીરો:
إِنَّ ٱلۡمُتَّقِينَ فِي جَنَّٰتٖ وَنَعِيمٖ
17. Kuwa ka dhowrsada (shirkiga iyo xumaha kale sida zinada, ribada, xasadka, xatooyada, dilka, beenta, khiyaanada, kibirka, iwm) waxay dhex ahaan beero iyo barwaaqo (Janno).
અરબી તફસીરો:
فَٰكِهِينَ بِمَآ ءَاتَىٰهُمۡ رَبُّهُمۡ وَوَقَىٰهُمۡ رَبُّهُمۡ عَذَابَ ٱلۡجَحِيمِ
18. Iyagoo ku raaxeysan wuxuu siiyey Rabbigood, Wuxuuna ka badbaadshay Rabbigood cadaabka Naarta ololka badan.
અરબી તફસીરો:
كُلُواْ وَٱشۡرَبُواْ هَنِيٓـَٔۢا بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
19. (Waxaa lagu odhan) Cuna oo cabba si bogaadin leh. Waa abaalka waxaad fali jirteen (oo wanaag ah).
અરબી તફસીરો:
مُتَّكِـِٔينَ عَلَىٰ سُرُرٖ مَّصۡفُوفَةٖۖ وَزَوَّجۡنَٰهُم بِحُورٍ عِينٖ
20. Waxay ku dangiigsan sariiro heer sare ahoo la safay. Waxaanna u guurin dumar leh indho waasic ahoo (qurux badan).
અરબી તફસીરો:
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَٱتَّبَعَتۡهُمۡ ذُرِّيَّتُهُم بِإِيمَٰنٍ أَلۡحَقۡنَا بِهِمۡ ذُرِّيَّتَهُمۡ وَمَآ أَلَتۡنَٰهُم مِّنۡ عَمَلِهِم مِّن شَيۡءٖۚ كُلُّ ٱمۡرِيِٕۭ بِمَا كَسَبَ رَهِينٞ
21. Kuwa (Xaqa) rumeeyey oo ay durriyadoodu ku raacdo Iimaanka - waxaanu isu wada keeni iyaga iyo durriyadooda, waxnana kama nusqaaminayno camalkooda. Qof walbaa wuxuu mudan (curaar u yahay) camalkiisa.
અરબી તફસીરો:
وَأَمۡدَدۡنَٰهُم بِفَٰكِهَةٖ وَلَحۡمٖ مِّمَّا يَشۡتَهُونَ
22. Waxaannu siin midho iyo hilib waxay rabaan.
અરબી તફસીરો:
يَتَنَٰزَعُونَ فِيهَا كَأۡسٗا لَّا لَغۡوٞ فِيهَا وَلَا تَأۡثِيمٞ
23. Waxay isu dhiib-dhiibi galaas (khamro xalaal) ah aan lahayn wax ah laqwi iyo dambaabid.
અરબી તફસીરો:
۞ وَيَطُوفُ عَلَيۡهِمۡ غِلۡمَانٞ لَّهُمۡ كَأَنَّهُمۡ لُؤۡلُؤٞ مَّكۡنُونٞ
24. Waxaa u adeegi wiilal yar yar ay leeyihiin, la moodo luul la dhowray.
અરબી તફસીરો:
وَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ يَتَسَآءَلُونَ
25. Qaarkood (ehlu Jannaha) waxay qaabili qaar kale iyagoo is-wareysan.
અરબી તફસીરો:
قَالُوٓاْ إِنَّا كُنَّا قَبۡلُ فِيٓ أَهۡلِنَا مُشۡفِقِينَ
26. Waxay odhan: Waxaan ka hor (intaan adduunka joognay)ahayn kuwo ehelkayaga dhexdooda ka cabsada(cadaabka Ilaahay).
અરબી તફસીરો:
فَمَنَّ ٱللَّهُ عَلَيۡنَا وَوَقَىٰنَا عَذَابَ ٱلسَّمُومِ
27. Markaasuu Alle nagu manneystay (denbi dhaaf) oo naga dhowray cadaabka hanfiga kulul.
અરબી તફસીરો:
إِنَّا كُنَّا مِن قَبۡلُ نَدۡعُوهُۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡبَرُّ ٱلرَّحِيمُ
28. Waxaan ahayn horey kuwa barya Alle (Keliya).Waa Baarriga, Naxariista Badan.
અરબી તફસીરો:
فَذَكِّرۡ فَمَآ أَنتَ بِنِعۡمَتِ رَبِّكَ بِكَاهِنٖ وَلَا مَجۡنُونٍ
29. Ee waani (Nabi Muxammadow), Waayo adigu ma tihid waa igu Nicmadda Rabbigaa, faallalow iyo jinnoole midna.
અરબી તફસીરો:
أَمۡ يَقُولُونَ شَاعِرٞ نَّتَرَبَّصُ بِهِۦ رَيۡبَ ٱلۡمَنُونِ
30. Mise waxay leeyihiin waa gabyaa, aan la sugno musiibo waqtiga la iman6.
6. Inay dhibaato uun ku dhacdo ama dhimasho dhaqso ah.
અરબી તફસીરો:
قُلۡ تَرَبَّصُواْ فَإِنِّي مَعَكُم مِّنَ ٱلۡمُتَرَبِّصِينَ
31. Dheh: Suga (geeridayda)! Aniguna waxaan sugi (waxa idinku dhaca).
અરબી તફસીરો:
أَمۡ تَأۡمُرُهُمۡ أَحۡلَٰمُهُم بِهَٰذَآۚ أَمۡ هُمۡ قَوۡمٞ طَاغُونَ
32. Ma caqliyadooda (xun) baa ku amra sidaa (inay kaa been sheegaan Nabiyow), ma aha ee waa qolo xadgudub badan.
અરબી તફસીરો:
أَمۡ يَقُولُونَ تَقَوَّلَهُۥۚ بَل لَّا يُؤۡمِنُونَ
33. Mise waxay leeyihiin: Waa been abuurtay (Qur’aanka)? Mayee! Ma rumeysna (Xaqa).
અરબી તફસીરો:
فَلۡيَأۡتُواْ بِحَدِيثٖ مِّثۡلِهِۦٓ إِن كَانُواْ صَٰدِقِينَ
34. Ee ha keenaan hadal la mid ahi (Qur’aankani) hadday run sheegayaan.
અરબી તફસીરો:
أَمۡ خُلِقُواْ مِنۡ غَيۡرِ شَيۡءٍ أَمۡ هُمُ ٱلۡخَٰلِقُونَ
35. Mise waxaa la abuuray abuure la'aan, mise iyagaa abuuray nafahooda?.
અરબી તફસીરો:
أَمۡ خَلَقُواْ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَۚ بَل لَّا يُوقِنُونَ
36. Mise waxay abuureen samooyinka iyo arlada? Mayee, ma yaqiinsana.
અરબી તફસીરો:
أَمۡ عِندَهُمۡ خَزَآئِنُ رَبِّكَ أَمۡ هُمُ ٱلۡمُصَۜيۡطِرُونَ
37. Mise waxay hayaan khasnadaha Rabbigaa? Mise waxaa la siiyey awood dhan (mayee waa kuwo tabar daran, liita)?
અરબી તફસીરો:
أَمۡ لَهُمۡ سُلَّمٞ يَسۡتَمِعُونَ فِيهِۖ فَلۡيَأۡتِ مُسۡتَمِعُهُم بِسُلۡطَٰنٖ مُّبِينٍ
38. Mise waxay leeyihiin sallaanno ay ku dhegaystaan (Ghaybka iyo warka samada); ee ha keeno dhegaystahoodu xujo cad.
અરબી તફસીરો:
أَمۡ لَهُ ٱلۡبَنَٰتُ وَلَكُمُ ٱلۡبَنُونَ
39. Mise wuxuu (Alle) leeyahay gabdho idinkuna leedihiin wiilal?
અરબી તફસીરો:
أَمۡ تَسۡـَٔلُهُمۡ أَجۡرٗا فَهُم مِّن مَّغۡرَمٖ مُّثۡقَلُونَ
40. Mise waxaad weydiisataa ujro, sidaa awgeed deyn la culaabeysan yihiin?
અરબી તફસીરો:
أَمۡ عِندَهُمُ ٱلۡغَيۡبُ فَهُمۡ يَكۡتُبُونَ
41. Mise waxay og yihiin waxa qarsoon aan muuqan oo ay qoraan?.
અરબી તફસીરો:
أَمۡ يُرِيدُونَ كَيۡدٗاۖ فَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ هُمُ ٱلۡمَكِيدُونَ
42. Mise waxay kula maaggan yihin dabin, kuwase gaalooba waa iyaga kuwa ku jaba dabinkooda.
અરબી તફસીરો:
أَمۡ لَهُمۡ إِلَٰهٌ غَيۡرُ ٱللَّهِۚ سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يُشۡرِكُونَ
43. Mise waxay leeyihiin ilaah aan ahayn Alle? Xurmoo dhan waxaa iska leh Alle oo ka hufan waxay la wadaajiyaan (cibaadada).
અરબી તફસીરો:
وَإِن يَرَوۡاْ كِسۡفٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ سَاقِطٗا يَقُولُواْ سَحَابٞ مَّرۡكُومٞ
44. Hadday arkaan gabal cirka ka mid ah oo soo dhacaya7 waxay odhan: Waa daruuro is dul saaran (cinaad darti).
7. Kaasoo calaamo u ah soo degitaanka Ciqaabka Ilaahay, sida ay dalbadeen ah.
અરબી તફસીરો:
فَذَرۡهُمۡ حَتَّىٰ يُلَٰقُواْ يَوۡمَهُمُ ٱلَّذِي فِيهِ يُصۡعَقُونَ
45. Ee iskaga tag intay la kulmaan Maalinkooda ay la suuxi (qarracan).
અરબી તફસીરો:
يَوۡمَ لَا يُغۡنِي عَنۡهُمۡ كَيۡدُهُمۡ شَيۡـٔٗا وَلَا هُمۡ يُنصَرُونَ
46. Maalinka uusan dabinkoodu waxba u tareyn oo aan loo gargaareyn.
અરબી તફસીરો:
وَإِنَّ لِلَّذِينَ ظَلَمُواْ عَذَابٗا دُونَ ذَٰلِكَ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ
47. Waxay kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo xumaha kale) la kulmi cadaab taa ka sokow (adduunka gudahi8) badankooduse ma ay oga.
8. In lagu sallado daadyo, dhul gariirro, abaaro, gaajo, jirrooyin, musiibooyin. Iwm. Haddaan lagu ciqaabin adduunka, markaas waa cadaabka qabriga.
અરબી તફસીરો:
وَٱصۡبِرۡ لِحُكۡمِ رَبِّكَ فَإِنَّكَ بِأَعۡيُنِنَاۖ وَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ حِينَ تَقُومُ
48. Ee ku samir (Nabiyow) xukunka Rabbigaa, waxaad tahay indhahayaga hortood, oo ku tasbiixso Ammaanaha Rabbigaa markaad soo kacdo.
અરબી તફસીરો:
وَمِنَ ٱلَّيۡلِ فَسَبِّحۡهُ وَإِدۡبَٰرَ ٱلنُّجُومِ
49. Habeenka qaarkiisna tuko, iyo markay xiddiguhu dhacaan (oogga hore).
અરબી તફસીરો:
 
શબ્દોનું ભાષાંતર સૂરહ: અત્ તૂર
સૂરહ માટે અનુક્રમણિકા પેજ નંબર
 
કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - શોમાલી ભાષાતર - યાકુબ - ભાષાંતરોની અનુક્રમણિકા

શોમાલી ભાષામાં કુરઆન મજીદનું ભાષાતર ; તેનું ભાષાતર અબ્દુલ્લાહ હસન યાકુબે કર્યું

બંધ કરો