Check out the new design

ಪವಿತ್ರ ಕುರ್‌ಆನ್ ಅರ್ಥಾನುವಾದ - ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್. * - ಅನುವಾದಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ಅರ್ಥಗಳ ಅನುವಾದ ಅಧ್ಯಾಯ: ಗಾಫಿರ್   ಶ್ಲೋಕ:
قَالُوٓاْ أَوَلَمۡ تَكُ تَأۡتِيكُمۡ رُسُلُكُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِۖ قَالُواْ بَلَىٰۚ قَالُواْ فَٱدۡعُواْۗ وَمَا دُعَٰٓؤُاْ ٱلۡكَٰفِرِينَ إِلَّا فِي ضَلَٰلٍ
50. Waxay odhan: Miyeyna Rusushiinnii idiinla iman Xujooyin cad? Waxay odhan: Haah, Waxay odhan: Marka barya idinku. Baryada gaaladuna ma aha waxaan aheyn baadi iyo khasaaro.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
إِنَّا لَنَنصُرُ رُسُلَنَا وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَيَوۡمَ يَقُومُ ٱلۡأَشۡهَٰدُ
51. Annagaa xaqiiq u gargaari Rusuhayada iyo mu'miniinta noloshan adduunka iyo Maalintay markhaatiyadu istaagi.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
يَوۡمَ لَا يَنفَعُ ٱلظَّٰلِمِينَ مَعۡذِرَتُهُمۡۖ وَلَهُمُ ٱللَّعۡنَةُ وَلَهُمۡ سُوٓءُ ٱلدَّارِ
52. Maalinta aysan waxba u tareyn daalimiinta cudur daarashadoodu. Waxayna leeyihiin nacalad oo waxay leeyihiin Daarta xun (Naar).
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡهُدَىٰ وَأَوۡرَثۡنَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ ٱلۡكِتَٰبَ
53. Waxaanu dhab ahaan siinnay Muuse hanuun, dhaxalsiinnayna ilmahii Israa’iil Kitaabka (Towraadda),
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
هُدٗى وَذِكۡرَىٰ لِأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِ
54. Hanuun iyo waano u ah waxgaradka.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
فَٱصۡبِرۡ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞ وَٱسۡتَغۡفِرۡ لِذَنۢبِكَ وَسَبِّحۡ بِحَمۡدِ رَبِّكَ بِٱلۡعَشِيِّ وَٱلۡإِبۡكَٰرِ
55. Ee samir yeelo; hubaal Ballan qaadka Alle waa Xaq, oo ka istiqfaarso denbigaaga11, kuna tasbiixso ammaanaha iyo mahdinta Rabbigaa galab iyo aroorba.
11. Waxaa loola jeedaa wixii gef kaa dhaca xagga garsoorka, Waxaa laga qaadanayaa in dhammaan mu’miniinta weydiistaan denbi dhaaf Alle.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
إِنَّ ٱلَّذِينَ يُجَٰدِلُونَ فِيٓ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ بِغَيۡرِ سُلۡطَٰنٍ أَتَىٰهُمۡ إِن فِي صُدُورِهِمۡ إِلَّا كِبۡرٞ مَّا هُم بِبَٰلِغِيهِۚ فَٱسۡتَعِذۡ بِٱللَّهِۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡبَصِيرُ
56. Hubaal, kuwa ka dooda Aayadaha Alle xujo la’aan u timid ma ku jiro laabahooda waxaan ahayn (doonis) is weyneyn ayan weligood gaadheyn ee magan gal weydiiso Allaah, hubaal waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Arka.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
لَخَلۡقُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ أَكۡبَرُ مِنۡ خَلۡقِ ٱلنَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ
57. Abuuridda samooyinka iyo arlada baa ka weyn abuuridda dadka, laakiinse dadka badankiisu ma oga.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَمَا يَسۡتَوِي ٱلۡأَعۡمَىٰ وَٱلۡبَصِيرُ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَلَا ٱلۡمُسِيٓءُۚ قَلِيلٗا مَّا تَتَذَكَّرُونَ
58. Ma sinna kan indhaha la’ iyo kan wax arka, iyo kuwa (Xaqa) rumeysan oo samaha fala iyo kuwa xumaanta fala. Wax yar weeye intaad waantowdaan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
 
ಅರ್ಥಗಳ ಅನುವಾದ ಅಧ್ಯಾಯ: ಗಾಫಿರ್
ಅಧ್ಯಾಯಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ ಪುಟ ಸಂಖ್ಯೆ
 
ಪವಿತ್ರ ಕುರ್‌ಆನ್ ಅರ್ಥಾನುವಾದ - ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್. - ಅನುವಾದಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ

ಸೊಮಾಲಿ ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್

ಮುಚ್ಚಿ