Check out the new design

ಪವಿತ್ರ ಕುರ್‌ಆನ್ ಅರ್ಥಾನುವಾದ - ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್. * - ಅನುವಾದಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ಅರ್ಥಗಳ ಅನುವಾದ ಅಧ್ಯಾಯ: ಗಾಫಿರ್   ಶ್ಲೋಕ:
وَلَقَدۡ جَآءَكُمۡ يُوسُفُ مِن قَبۡلُ بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَمَا زِلۡتُمۡ فِي شَكّٖ مِّمَّا جَآءَكُم بِهِۦۖ حَتَّىٰٓ إِذَا هَلَكَ قُلۡتُمۡ لَن يَبۡعَثَ ٱللَّهُ مِنۢ بَعۡدِهِۦ رَسُولٗاۚ كَذَٰلِكَ يُضِلُّ ٱللَّهُ مَنۡ هُوَ مُسۡرِفٞ مُّرۡتَابٌ
34. Wuxuu dhab ahaan Yuusuf idiinla yimid mar hore Xujooyin cad, kamase bixin shakigii aad ka qabteen wuxuu idiin keenay, jeer markuu dhintay aad tidhaahdeen: Alle ma soo dirayo wax Rasuul ah isaga kadambow. Sidaasuu Alle u lumiyaa kan ah xad gudbe, shaki qabeen.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
ٱلَّذِينَ يُجَٰدِلُونَ فِيٓ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ بِغَيۡرِ سُلۡطَٰنٍ أَتَىٰهُمۡۖ كَبُرَ مَقۡتًا عِندَ ٱللَّهِ وَعِندَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْۚ كَذَٰلِكَ يَطۡبَعُ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ قَلۡبِ مُتَكَبِّرٖ جَبَّارٖ
35. Kuwa ka dooda Aayadaha Alle iyagoon heysan wax xujo ah uu siiyey, waa wax uu Alle aad u neceb yahay (ka doodkaasi) oo (sidoo kale ay neceb yihiin) mu'miniinta. Sidaasuu Alle u daboolaa qalbiga mid kastoo ah islaweyne, jujuubaa.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَقَالَ فِرۡعَوۡنُ يَٰهَٰمَٰنُ ٱبۡنِ لِي صَرۡحٗا لَّعَلِّيٓ أَبۡلُغُ ٱلۡأَسۡبَٰبَ
36. Fircoon wuxuu yidhi: Haamaanow! Ii dhis sar dheer si aan ugu gaadho waddooyinka9.
9. Waa siyaabo kor lagu aado.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
أَسۡبَٰبَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ فَأَطَّلِعَ إِلَىٰٓ إِلَٰهِ مُوسَىٰ وَإِنِّي لَأَظُنُّهُۥ كَٰذِبٗاۚ وَكَذَٰلِكَ زُيِّنَ لِفِرۡعَوۡنَ سُوٓءُ عَمَلِهِۦ وَصُدَّ عَنِ ٱلسَّبِيلِۚ وَمَا كَيۡدُ فِرۡعَوۡنَ إِلَّا فِي تَبَابٖ
37. Waddooyinka loo maro cirarka, si aan u soo dhugto ilaaha Muuse; waxaana u maleyn inuu yahay beenaale. Sidaasaa xumaanta camalkiisa loogu qurxiyey Fircoon, loogana duway Jidka (Toosan). Ma ahayn dhagartii Fircoon waxaan ahayn (wax ku dhammaada) baabba’a isaga ku dhacay.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
وَقَالَ ٱلَّذِيٓ ءَامَنَ يَٰقَوۡمِ ٱتَّبِعُونِ أَهۡدِكُمۡ سَبِيلَ ٱلرَّشَادِ
38. Oo kii (Xaqa) rumeeyey wuxuu yidhi: Tolkayow i soo raaca, waxaan idinku hagi Jidka hanuunka.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
يَٰقَوۡمِ إِنَّمَا هَٰذِهِ ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَا مَتَٰعٞ وَإِنَّ ٱلۡأٓخِرَةَ هِيَ دَارُ ٱلۡقَرَارِ
39. Tolkayow! Noloshan Adduunka waa uun raaxo (yar oo tageysa), Aakhiradaana ah Daarta negaadiga.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
مَنۡ عَمِلَ سَيِّئَةٗ فَلَا يُجۡزَىٰٓ إِلَّا مِثۡلَهَاۖ وَمَنۡ عَمِلَ صَٰلِحٗا مِّن ذَكَرٍ أَوۡ أُنثَىٰ وَهُوَ مُؤۡمِنٞ فَأُوْلَٰٓئِكَ يَدۡخُلُونَ ٱلۡجَنَّةَ يُرۡزَقُونَ فِيهَا بِغَيۡرِ حِسَابٖ
40. Qofkii falaa camal xun, laguma abaal mariyo waxaan aheyn wax la mid ah. Qofkiise fala wanaag lab ama dheddig oo mu’min ah, kuwaa waxay geli Jannada, iyagoo lagu arsaaqi xisaab la’aan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
 
ಅರ್ಥಗಳ ಅನುವಾದ ಅಧ್ಯಾಯ: ಗಾಫಿರ್
ಅಧ್ಯಾಯಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ ಪುಟ ಸಂಖ್ಯೆ
 
ಪವಿತ್ರ ಕುರ್‌ಆನ್ ಅರ್ಥಾನುವಾದ - ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್. - ಅನುವಾದಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ

ಸೊಮಾಲಿ ಅನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್

ಮುಚ್ಚಿ