Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ጋፊር   አንቀጽ:
وَلَقَدۡ جَآءَكُمۡ يُوسُفُ مِن قَبۡلُ بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَمَا زِلۡتُمۡ فِي شَكّٖ مِّمَّا جَآءَكُم بِهِۦۖ حَتَّىٰٓ إِذَا هَلَكَ قُلۡتُمۡ لَن يَبۡعَثَ ٱللَّهُ مِنۢ بَعۡدِهِۦ رَسُولٗاۚ كَذَٰلِكَ يُضِلُّ ٱللَّهُ مَنۡ هُوَ مُسۡرِفٞ مُّرۡتَابٌ
34. Wuxuu dhab ahaan Yuusuf idiinla yimid mar hore Xujooyin cad, kamase bixin shakigii aad ka qabteen wuxuu idiin keenay, jeer markuu dhintay aad tidhaahdeen: Alle ma soo dirayo wax Rasuul ah isaga kadambow. Sidaasuu Alle u lumiyaa kan ah xad gudbe, shaki qabeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ يُجَٰدِلُونَ فِيٓ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ بِغَيۡرِ سُلۡطَٰنٍ أَتَىٰهُمۡۖ كَبُرَ مَقۡتًا عِندَ ٱللَّهِ وَعِندَ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْۚ كَذَٰلِكَ يَطۡبَعُ ٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ قَلۡبِ مُتَكَبِّرٖ جَبَّارٖ
35. Kuwa ka dooda Aayadaha Alle iyagoon heysan wax xujo ah uu siiyey, waa wax uu Alle aad u neceb yahay (ka doodkaasi) oo (sidoo kale ay neceb yihiin) mu'miniinta. Sidaasuu Alle u daboolaa qalbiga mid kastoo ah islaweyne, jujuubaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالَ فِرۡعَوۡنُ يَٰهَٰمَٰنُ ٱبۡنِ لِي صَرۡحٗا لَّعَلِّيٓ أَبۡلُغُ ٱلۡأَسۡبَٰبَ
36. Fircoon wuxuu yidhi: Haamaanow! Ii dhis sar dheer si aan ugu gaadho waddooyinka9.
9. Waa siyaabo kor lagu aado.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَسۡبَٰبَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ فَأَطَّلِعَ إِلَىٰٓ إِلَٰهِ مُوسَىٰ وَإِنِّي لَأَظُنُّهُۥ كَٰذِبٗاۚ وَكَذَٰلِكَ زُيِّنَ لِفِرۡعَوۡنَ سُوٓءُ عَمَلِهِۦ وَصُدَّ عَنِ ٱلسَّبِيلِۚ وَمَا كَيۡدُ فِرۡعَوۡنَ إِلَّا فِي تَبَابٖ
37. Waddooyinka loo maro cirarka, si aan u soo dhugto ilaaha Muuse; waxaana u maleyn inuu yahay beenaale. Sidaasaa xumaanta camalkiisa loogu qurxiyey Fircoon, loogana duway Jidka (Toosan). Ma ahayn dhagartii Fircoon waxaan ahayn (wax ku dhammaada) baabba’a isaga ku dhacay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالَ ٱلَّذِيٓ ءَامَنَ يَٰقَوۡمِ ٱتَّبِعُونِ أَهۡدِكُمۡ سَبِيلَ ٱلرَّشَادِ
38. Oo kii (Xaqa) rumeeyey wuxuu yidhi: Tolkayow i soo raaca, waxaan idinku hagi Jidka hanuunka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰقَوۡمِ إِنَّمَا هَٰذِهِ ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَا مَتَٰعٞ وَإِنَّ ٱلۡأٓخِرَةَ هِيَ دَارُ ٱلۡقَرَارِ
39. Tolkayow! Noloshan Adduunka waa uun raaxo (yar oo tageysa), Aakhiradaana ah Daarta negaadiga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَنۡ عَمِلَ سَيِّئَةٗ فَلَا يُجۡزَىٰٓ إِلَّا مِثۡلَهَاۖ وَمَنۡ عَمِلَ صَٰلِحٗا مِّن ذَكَرٍ أَوۡ أُنثَىٰ وَهُوَ مُؤۡمِنٞ فَأُوْلَٰٓئِكَ يَدۡخُلُونَ ٱلۡجَنَّةَ يُرۡزَقُونَ فِيهَا بِغَيۡرِ حِسَابٖ
40. Qofkii falaa camal xun, laguma abaal mariyo waxaan aheyn wax la mid ah. Qofkiise fala wanaag lab ama dheddig oo mu’min ah, kuwaa waxay geli Jannada, iyagoo lagu arsaaqi xisaab la’aan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ጋፊር
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት