Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ጋፊር   አንቀጽ:
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا رُسُلٗا مِّن قَبۡلِكَ مِنۡهُم مَّن قَصَصۡنَا عَلَيۡكَ وَمِنۡهُم مَّن لَّمۡ نَقۡصُصۡ عَلَيۡكَۗ وَمَا كَانَ لِرَسُولٍ أَن يَأۡتِيَ بِـَٔايَةٍ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ فَإِذَا جَآءَ أَمۡرُ ٱللَّهِ قُضِيَ بِٱلۡحَقِّ وَخَسِرَ هُنَالِكَ ٱلۡمُبۡطِلُونَ
78. Waxaanu soo dirnay Rusul hortaa; waxaa jira kuwo ka mid ah aan kaaga qisoonnay, iyo kuwo aanu kaaga qisoon. Ma aha suura gal Rasuulna inuu la yimaado Calaamo (Mucjiso) Idanka Alle ma’ahee. Markase uu Amarka Alle yimaado, waxaa wax lagu xukumi Xaq, waxaana ku khasaara halkaa kuwa baadilka raaca ee xume falka ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱللَّهُ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَنۡعَٰمَ لِتَرۡكَبُواْ مِنۡهَا وَمِنۡهَا تَأۡكُلُونَ
79. Alle waa Kan idiin yeelay nicmooleyda (xoolaha) si aad u fuushaan qaar ka mid ah qaar ka mid ahna aad wax ka cuntaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَكُمۡ فِيهَا مَنَٰفِعُ وَلِتَبۡلُغُواْ عَلَيۡهَا حَاجَةٗ فِي صُدُورِكُمۡ وَعَلَيۡهَا وَعَلَى ٱلۡفُلۡكِ تُحۡمَلُونَ
80. Waxaana jira Manaafacaad (kale oo badan) oo idiinku sugan, iyo inaad ku gaartaan dan aad leedihiin oo ku jirta laabihiinna, oo dushooda iyaga iyo doonyaha baa la idinku qaadaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيُرِيكُمۡ ءَايَٰتِهِۦ فَأَيَّ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ تُنكِرُونَ
81. Wuxuu (Alle) idin tusiyaa Calaamooyin- kiisa, ee middee baa Calaamooyinka Alle beenineysaan?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَفَلَمۡ يَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَيَنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ كَانُوٓاْ أَكۡثَرَ مِنۡهُمۡ وَأَشَدَّ قُوَّةٗ وَءَاثَارٗا فِي ٱلۡأَرۡضِ فَمَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ
82. Miyeyna marin dhulka oo fiirin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Waxay ahaayeen kuwo ka tiro badan kuwani (gaaladan), oo ka xoog badan, iyo camiraadba arlada, waxbase uma tarin waxay kasbadeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّا جَآءَتۡهُمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَرِحُواْ بِمَا عِندَهُم مِّنَ ٱلۡعِلۡمِ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
83. Markay Rusushoodii ula yimaadeen xujooyin cad, waxay ku farxeen waxay heysteen oo cilmi ah15, waxaana ku degay (gaalada) waxay ku jeesjeesi jireen.
15. Waxay moodeen inuu ku filan yahay cilmigooda, oo ayan u baahneyn cilmiga kale ay keeneen Rususha Alle.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّا رَأَوۡاْ بَأۡسَنَا قَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَحۡدَهُۥ وَكَفَرۡنَا بِمَا كُنَّا بِهِۦ مُشۡرِكِينَ
84. Markay arkeen Cadaabkayagii waxay yidhaahdeen: Waxaanu rumeynay Alle Keliya, oo ku gaalownay (haatan) waxaan cibaadada la wadaajin jirnay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمۡ يَكُ يَنفَعُهُمۡ إِيمَٰنُهُمۡ لَمَّا رَأَوۡاْ بَأۡسَنَاۖ سُنَّتَ ٱللَّهِ ٱلَّتِي قَدۡ خَلَتۡ فِي عِبَادِهِۦۖ وَخَسِرَ هُنَالِكَ ٱلۡكَٰفِرُونَ
85. Iimaankooduse ma ahayn mid anfacaya markay arkeen Cadaabkayaga, waa xeerka Alle oo horay ugu meel martay addoomahiisa. Waxaana ku khasaara halkaas gaalada (xaq iyo nabad diid oo dhan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ጋፊር
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት