Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 艾菲拉   段:
وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا رُسُلٗا مِّن قَبۡلِكَ مِنۡهُم مَّن قَصَصۡنَا عَلَيۡكَ وَمِنۡهُم مَّن لَّمۡ نَقۡصُصۡ عَلَيۡكَۗ وَمَا كَانَ لِرَسُولٍ أَن يَأۡتِيَ بِـَٔايَةٍ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ فَإِذَا جَآءَ أَمۡرُ ٱللَّهِ قُضِيَ بِٱلۡحَقِّ وَخَسِرَ هُنَالِكَ ٱلۡمُبۡطِلُونَ
78. Waxaanu soo dirnay Rusul hortaa; waxaa jira kuwo ka mid ah aan kaaga qisoonnay, iyo kuwo aanu kaaga qisoon. Ma aha suura gal Rasuulna inuu la yimaado Calaamo (Mucjiso) Idanka Alle ma’ahee. Markase uu Amarka Alle yimaado, waxaa wax lagu xukumi Xaq, waxaana ku khasaara halkaa kuwa baadilka raaca ee xume falka ah.
阿拉伯语经注:
ٱللَّهُ ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُمُ ٱلۡأَنۡعَٰمَ لِتَرۡكَبُواْ مِنۡهَا وَمِنۡهَا تَأۡكُلُونَ
79. Alle waa Kan idiin yeelay nicmooleyda (xoolaha) si aad u fuushaan qaar ka mid ah qaar ka mid ahna aad wax ka cuntaan.
阿拉伯语经注:
وَلَكُمۡ فِيهَا مَنَٰفِعُ وَلِتَبۡلُغُواْ عَلَيۡهَا حَاجَةٗ فِي صُدُورِكُمۡ وَعَلَيۡهَا وَعَلَى ٱلۡفُلۡكِ تُحۡمَلُونَ
80. Waxaana jira Manaafacaad (kale oo badan) oo idiinku sugan, iyo inaad ku gaartaan dan aad leedihiin oo ku jirta laabihiinna, oo dushooda iyaga iyo doonyaha baa la idinku qaadaa.
阿拉伯语经注:
وَيُرِيكُمۡ ءَايَٰتِهِۦ فَأَيَّ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ تُنكِرُونَ
81. Wuxuu (Alle) idin tusiyaa Calaamooyin- kiisa, ee middee baa Calaamooyinka Alle beenineysaan?
阿拉伯语经注:
أَفَلَمۡ يَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَيَنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ كَانُوٓاْ أَكۡثَرَ مِنۡهُمۡ وَأَشَدَّ قُوَّةٗ وَءَاثَارٗا فِي ٱلۡأَرۡضِ فَمَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ
82. Miyeyna marin dhulka oo fiirin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Waxay ahaayeen kuwo ka tiro badan kuwani (gaaladan), oo ka xoog badan, iyo camiraadba arlada, waxbase uma tarin waxay kasbadeen.
阿拉伯语经注:
فَلَمَّا جَآءَتۡهُمۡ رُسُلُهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَرِحُواْ بِمَا عِندَهُم مِّنَ ٱلۡعِلۡمِ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ
83. Markay Rusushoodii ula yimaadeen xujooyin cad, waxay ku farxeen waxay heysteen oo cilmi ah15, waxaana ku degay (gaalada) waxay ku jeesjeesi jireen.
15. Waxay moodeen inuu ku filan yahay cilmigooda, oo ayan u baahneyn cilmiga kale ay keeneen Rususha Alle.
阿拉伯语经注:
فَلَمَّا رَأَوۡاْ بَأۡسَنَا قَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَحۡدَهُۥ وَكَفَرۡنَا بِمَا كُنَّا بِهِۦ مُشۡرِكِينَ
84. Markay arkeen Cadaabkayagii waxay yidhaahdeen: Waxaanu rumeynay Alle Keliya, oo ku gaalownay (haatan) waxaan cibaadada la wadaajin jirnay.
阿拉伯语经注:
فَلَمۡ يَكُ يَنفَعُهُمۡ إِيمَٰنُهُمۡ لَمَّا رَأَوۡاْ بَأۡسَنَاۖ سُنَّتَ ٱللَّهِ ٱلَّتِي قَدۡ خَلَتۡ فِي عِبَادِهِۦۖ وَخَسِرَ هُنَالِكَ ٱلۡكَٰفِرُونَ
85. Iimaankooduse ma ahayn mid anfacaya markay arkeen Cadaabkayaga, waa xeerka Alle oo horay ugu meel martay addoomahiisa. Waxaana ku khasaara halkaas gaalada (xaq iyo nabad diid oo dhan).
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 艾菲拉
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭