Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 艾菲拉   段:
هُوَ ٱلَّذِي خَلَقَكُم مِّن تُرَابٖ ثُمَّ مِن نُّطۡفَةٖ ثُمَّ مِنۡ عَلَقَةٖ ثُمَّ يُخۡرِجُكُمۡ طِفۡلٗا ثُمَّ لِتَبۡلُغُوٓاْ أَشُدَّكُمۡ ثُمَّ لِتَكُونُواْ شُيُوخٗاۚ وَمِنكُم مَّن يُتَوَفَّىٰ مِن قَبۡلُۖ وَلِتَبۡلُغُوٓاْ أَجَلٗا مُّسَمّٗى وَلَعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ
67. (Alle) waa Kan idinka abuuray carro, haddana dhibic mino ah, haddana xinjir, haddana wuxuu idin soo bixiyaa idinkoo ilmo ah, haddana (idinka yeelaa inaad kortaan) si aad u gaadhaan da'da xooggiinna dhan, haddana si aad u noqotaan odayo da’ ah, waxaase jira qaar idinka mid ah oo la oofsado intaas ka hor, iyo inaad gaadhaan muddo magacaaban14 inaad garataan (inuusan jirin cid kaloo mudan cibaado Isaga Alle mooyaane).
14. Waa waqtiga loo qabtay dhimashadiinna.
阿拉伯语经注:
هُوَ ٱلَّذِي يُحۡيِۦ وَيُمِيتُۖ فَإِذَا قَضَىٰٓ أَمۡرٗا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ
68. (Alle) waa Kan wax nooleeya, waxna dhinsiiya, markuu arrin guddoomiyo wuxuu uun ku yidhaahdaa: Ahow, wuuna yahay.
阿拉伯语经注:
أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ يُجَٰدِلُونَ فِيٓ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ أَنَّىٰ يُصۡرَفُونَ
69. Miyaadan arag kuwaa ka dooda Aayadaha Alle: Xaggee baa loo iilay?
阿拉伯语经注:
ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِٱلۡكِتَٰبِ وَبِمَآ أَرۡسَلۡنَا بِهِۦ رُسُلَنَاۖ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ
70. Kuwa beeniyay Kitaabka (Qur’aanka) iyo waxa aan la soo dirnay Rusushayada, wayse ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
阿拉伯语经注:
إِذِ ٱلۡأَغۡلَٰلُ فِيٓ أَعۡنَٰقِهِمۡ وَٱلسَّلَٰسِلُ يُسۡحَبُونَ
71. Marka mareegyada birta ah iyo silsiladaha la yeelo luqumahooda; waxaa lagu jiidi.
阿拉伯语经注:
فِي ٱلۡحَمِيمِ ثُمَّ فِي ٱلنَّارِ يُسۡجَرُونَ
72. Biyo kulul oo karaya dhexdood, haddana Naar baa laga buuxin oo hurin.
阿拉伯语经注:
ثُمَّ قِيلَ لَهُمۡ أَيۡنَ مَا كُنتُمۡ تُشۡرِكُونَ
73. Markaas baa lagu odhan, Meeye waxaad u shariik yeeli jirteen?
阿拉伯语经注:
مِن دُونِ ٱللَّهِۖ قَالُواْ ضَلُّواْ عَنَّا بَل لَّمۡ نَكُن نَّدۡعُواْ مِن قَبۡلُ شَيۡـٔٗاۚ كَذَٰلِكَ يُضِلُّ ٱللَّهُ ٱلۡكَٰفِرِينَ
74. Alle ka sokow? Waxay odhan: Way naga tageen: mayee, umaba aanu yeedhan jirin waxna kal hore. Sidaasuu Alle u lumiyaa gaalada.
阿拉伯语经注:
ذَٰلِكُم بِمَا كُنتُمۡ تَفۡرَحُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ بِغَيۡرِ ٱلۡحَقِّ وَبِمَا كُنتُمۡ تَمۡرَحُونَ
75. (Cadaab)kaasi waxaa idiinku wacan waxaad ugu farxi jirteen dhulka dhexdiisa xaq darro iyo waxaad la kibri jirteen.
阿拉伯语经注:
ٱدۡخُلُوٓاْ أَبۡوَٰبَ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَاۖ فَبِئۡسَ مَثۡوَى ٱلۡمُتَكَبِّرِينَ
76. Gala albaabbada Naarta idinkoo ku waaraya dhexdeeda. Maxay meel baas tahay rugta isla weynayaasha.
阿拉伯语经注:
فَٱصۡبِرۡ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞۚ فَإِمَّا نُرِيَنَّكَ بَعۡضَ ٱلَّذِي نَعِدُهُمۡ أَوۡ نَتَوَفَّيَنَّكَ فَإِلَيۡنَا يُرۡجَعُونَ
77. Ee samir (adkayso Nabiyow), hubaal Ballan qaadka Alle waa Xaq, oo haddaanu ku tusinno qaar ka mid ah waxa aan ugu gooddinno, ama aan ku oofsanno (intaas ka hor),waa Xaggayaga halka loo soo celin.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 艾菲拉
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭