Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ጋፊር   አንቀጽ:
هُوَ ٱلَّذِي خَلَقَكُم مِّن تُرَابٖ ثُمَّ مِن نُّطۡفَةٖ ثُمَّ مِنۡ عَلَقَةٖ ثُمَّ يُخۡرِجُكُمۡ طِفۡلٗا ثُمَّ لِتَبۡلُغُوٓاْ أَشُدَّكُمۡ ثُمَّ لِتَكُونُواْ شُيُوخٗاۚ وَمِنكُم مَّن يُتَوَفَّىٰ مِن قَبۡلُۖ وَلِتَبۡلُغُوٓاْ أَجَلٗا مُّسَمّٗى وَلَعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ
67. (Alle) waa Kan idinka abuuray carro, haddana dhibic mino ah, haddana xinjir, haddana wuxuu idin soo bixiyaa idinkoo ilmo ah, haddana (idinka yeelaa inaad kortaan) si aad u gaadhaan da'da xooggiinna dhan, haddana si aad u noqotaan odayo da’ ah, waxaase jira qaar idinka mid ah oo la oofsado intaas ka hor, iyo inaad gaadhaan muddo magacaaban14 inaad garataan (inuusan jirin cid kaloo mudan cibaado Isaga Alle mooyaane).
14. Waa waqtiga loo qabtay dhimashadiinna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هُوَ ٱلَّذِي يُحۡيِۦ وَيُمِيتُۖ فَإِذَا قَضَىٰٓ أَمۡرٗا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ
68. (Alle) waa Kan wax nooleeya, waxna dhinsiiya, markuu arrin guddoomiyo wuxuu uun ku yidhaahdaa: Ahow, wuuna yahay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَلَمۡ تَرَ إِلَى ٱلَّذِينَ يُجَٰدِلُونَ فِيٓ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ أَنَّىٰ يُصۡرَفُونَ
69. Miyaadan arag kuwaa ka dooda Aayadaha Alle: Xaggee baa loo iilay?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِٱلۡكِتَٰبِ وَبِمَآ أَرۡسَلۡنَا بِهِۦ رُسُلَنَاۖ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ
70. Kuwa beeniyay Kitaabka (Qur’aanka) iyo waxa aan la soo dirnay Rusushayada, wayse ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذِ ٱلۡأَغۡلَٰلُ فِيٓ أَعۡنَٰقِهِمۡ وَٱلسَّلَٰسِلُ يُسۡحَبُونَ
71. Marka mareegyada birta ah iyo silsiladaha la yeelo luqumahooda; waxaa lagu jiidi.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فِي ٱلۡحَمِيمِ ثُمَّ فِي ٱلنَّارِ يُسۡجَرُونَ
72. Biyo kulul oo karaya dhexdood, haddana Naar baa laga buuxin oo hurin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ قِيلَ لَهُمۡ أَيۡنَ مَا كُنتُمۡ تُشۡرِكُونَ
73. Markaas baa lagu odhan, Meeye waxaad u shariik yeeli jirteen?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مِن دُونِ ٱللَّهِۖ قَالُواْ ضَلُّواْ عَنَّا بَل لَّمۡ نَكُن نَّدۡعُواْ مِن قَبۡلُ شَيۡـٔٗاۚ كَذَٰلِكَ يُضِلُّ ٱللَّهُ ٱلۡكَٰفِرِينَ
74. Alle ka sokow? Waxay odhan: Way naga tageen: mayee, umaba aanu yeedhan jirin waxna kal hore. Sidaasuu Alle u lumiyaa gaalada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذَٰلِكُم بِمَا كُنتُمۡ تَفۡرَحُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ بِغَيۡرِ ٱلۡحَقِّ وَبِمَا كُنتُمۡ تَمۡرَحُونَ
75. (Cadaab)kaasi waxaa idiinku wacan waxaad ugu farxi jirteen dhulka dhexdiisa xaq darro iyo waxaad la kibri jirteen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱدۡخُلُوٓاْ أَبۡوَٰبَ جَهَنَّمَ خَٰلِدِينَ فِيهَاۖ فَبِئۡسَ مَثۡوَى ٱلۡمُتَكَبِّرِينَ
76. Gala albaabbada Naarta idinkoo ku waaraya dhexdeeda. Maxay meel baas tahay rugta isla weynayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱصۡبِرۡ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞۚ فَإِمَّا نُرِيَنَّكَ بَعۡضَ ٱلَّذِي نَعِدُهُمۡ أَوۡ نَتَوَفَّيَنَّكَ فَإِلَيۡنَا يُرۡجَعُونَ
77. Ee samir (adkayso Nabiyow), hubaal Ballan qaadka Alle waa Xaq, oo haddaanu ku tusinno qaar ka mid ah waxa aan ugu gooddinno, ama aan ku oofsanno (intaas ka hor),waa Xaggayaga halka loo soo celin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ጋፊር
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት