Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ጋፊር   አንቀጽ:
رَبَّنَا وَأَدۡخِلۡهُمۡ جَنَّٰتِ عَدۡنٍ ٱلَّتِي وَعَدتَّهُمۡ وَمَن صَلَحَ مِنۡ ءَابَآئِهِمۡ وَأَزۡوَٰجِهِمۡ وَذُرِّيَّٰتِهِمۡۚ إِنَّكَ أَنتَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ
8. Rabbigayow! Gali kuwaasi Beeraha negaya (Jannada) ee aad u ballan qaadday, iyo kuwa wanaagsan oo ka mid ah aabbayaashood iyo xaasaskooda iyo ubadkooda. Waxaad Adigu tahay (Allow) Adkaadaha Sarreeya, Xakiimka ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقِهِمُ ٱلسَّيِّـَٔاتِۚ وَمَن تَقِ ٱلسَّيِّـَٔاتِ يَوۡمَئِذٖ فَقَدۡ رَحِمۡتَهُۥۚ وَذَٰلِكَ هُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ
9. Oo ka dhowr xumo oo dhan, qofkaad ka dhowrto xumo Maalintaa, waad u naxariistay, taasina waa Liibaanta Weyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ يُنَادَوۡنَ لَمَقۡتُ ٱللَّهِ أَكۡبَرُ مِن مَّقۡتِكُمۡ أَنفُسَكُمۡ إِذۡ تُدۡعَوۡنَ إِلَى ٱلۡإِيمَٰنِ فَتَكۡفُرُونَ
10. Hubaal, kuwa gaalooba waxaa loogu dhawaaqi: Naceybka Alle idiin qabay (xilligii adduunka) ayaa ka weynaa naceybka aad hadda u qabtaan nafahiinna, iyadoo la idiinku yeedhay Iimaanka aadse diiddeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ رَبَّنَآ أَمَتَّنَا ٱثۡنَتَيۡنِ وَأَحۡيَيۡتَنَا ٱثۡنَتَيۡنِ فَٱعۡتَرَفۡنَا بِذُنُوبِنَا فَهَلۡ إِلَىٰ خُرُوجٖ مِّن سَبِيلٖ
11. Waxay odhan: Rabbigayow! Waxaad naga yeeshay meyd (aan nafi ku jirin) labo jeer, oo na siisay nolol labo jeer3. waan qirsannahay dunuubtayada’e, ee ma jiraa jid looga baxo (Naarta)?
3. Meyd labo jeer waa markuu qofka ku jiray uurka hooyadi ka hor intaan nafta la gelin iyo markuu dhinto. Nolol labo jeer waa marka nafta la geliyo isagoo uurka hooyadi ku jira iyo Aakhirada marka la soo nooleeyo dhimasho kaddib.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذَٰلِكُم بِأَنَّهُۥٓ إِذَا دُعِيَ ٱللَّهُ وَحۡدَهُۥ كَفَرۡتُمۡ وَإِن يُشۡرَكۡ بِهِۦ تُؤۡمِنُواْۚ فَٱلۡحُكۡمُ لِلَّهِ ٱلۡعَلِيِّ ٱلۡكَبِيرِ
12. (Cadaab)kaasi (aad mudateen gaaloy) waxaa u sabab ah marka la idiinku yeedho Towxiidka iyo in Alle loo Keliya yeelo cibaadada aad gaalowdaan, markase loo shariig yeelo aad rumaysaan. Xukunka waxaa iska leh Allaah, Sarreeyaha, Weyn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هُوَ ٱلَّذِي يُرِيكُمۡ ءَايَٰتِهِۦ وَيُنَزِّلُ لَكُم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ رِزۡقٗاۚ وَمَا يَتَذَكَّرُ إِلَّا مَن يُنِيبُ
13. (Alle waa) Kan idin tusiya Calaamooyin- kiisa oo idiinka soo dejiya risiq (roob) samada, cidise kuma waantowdo aan ahayn kawa u laabashada badan (Alle) ee tawbad keenka badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَٱدۡعُواْ ٱللَّهَ مُخۡلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ وَلَوۡ كَرِهَ ٱلۡكَٰفِرُونَ
14. Ee barya Allaah (Keliya) idinkoo u gaar yeelaya cibaadada,haba naceen gaaladuye.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
رَفِيعُ ٱلدَّرَجَٰتِ ذُو ٱلۡعَرۡشِ يُلۡقِي ٱلرُّوحَ مِنۡ أَمۡرِهِۦ عَلَىٰ مَن يَشَآءُ مِنۡ عِبَادِهِۦ لِيُنذِرَ يَوۡمَ ٱلتَّلَاقِ
15. (Alle) waa Kan iska leh Darajada ugu Sarreysa ee Kaamilka ah, waa Rabbiga Carshiga (Weyn). Wuxuu ku soo dejiyaa waxyiga Amarkiisa ah qofkuu doono oo ka mid ah Addoomahiisa si uu ugaga digo (dadka) Maalinta kulanka (Qiyaamada).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَوۡمَ هُم بَٰرِزُونَۖ لَا يَخۡفَىٰ عَلَى ٱللَّهِ مِنۡهُمۡ شَيۡءٞۚ لِّمَنِ ٱلۡمُلۡكُ ٱلۡيَوۡمَۖ لِلَّهِ ٱلۡوَٰحِدِ ٱلۡقَهَّارِ
16. Maalinta banka la keeni, ma jiro wax xaggooda ah oo ka qarsoon Alle: Yaa leh Boqortooyada Maanta? Allaah, Waaxidka, Sandulleeyaha (daalimiinta iyo isla weynayaasha).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ጋፊር
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት