ಪವಿತ್ರ ಕುರ್‌ಆನ್ ಅರ್ಥಾನುವಾದ - ಸೊಮಾಲಿ ಅನುವಾದ - ಯಾಕೂಬ್ * - ಅನುವಾದಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

ಅರ್ಥಗಳ ಅನುವಾದ ಶ್ಲೋಕ: (41) ಅಧ್ಯಾಯ: ಸೂರ ಅಲ್ -ಅನ್ ಫಾಲ್
۞ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّمَا غَنِمۡتُم مِّن شَيۡءٖ فَأَنَّ لِلَّهِ خُمُسَهُۥ وَلِلرَّسُولِ وَلِذِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡيَتَٰمَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينِ وَٱبۡنِ ٱلسَّبِيلِ إِن كُنتُمۡ ءَامَنتُم بِٱللَّهِ وَمَآ أَنزَلۡنَا عَلَىٰ عَبۡدِنَا يَوۡمَ ٱلۡفُرۡقَانِ يَوۡمَ ٱلۡتَقَى ٱلۡجَمۡعَانِۗ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٌ
41. Ogaada in waxaad qaniimeysataan, in Alle leeyahay shan meeloodoo meel9, iyo Rasuulka iyo qaraabada dhow (ee Rasuulka) iyo agoomaha iyo masaakiinta iyo musaafirka (go’doonsan), haddaad rumeysan tihiin Alle iyo waxa aanu ku soo dejinnay oo Waxyi ah addoonkayaga (Nabi Muxammad) maalintii kala baxa10, maalintay kulmeen labadii ciidan, Allena wax walba wuu Karaa.
9. Qaniimo waa maalka lagaga helo gaalada dagaal jihaad ah Jidka Alle, maalkase laga helo gaalada dagaal la’aan waxaa la yidhaahdaa fay, qaybinta Aayaddan waxay ka hadleysaa oo keliya qaniimada dagaalka: Shan meel marka loo dhigo, meel waxaa leh oo la siinayaa: 1- Allaah iyo Rasuulkiisa (waxaa lagu bixin arrinka Alle iyo xoojinta diinta). 2. Agoomaha 3. Musaafirka go’doonsan 4. Qaraabada Rasuulka (Banuu haashim iyo Banuu Muddalib) 5. Masaakiinta. Afarta meeleedoo kale waxaa loo qaybin dagaal yahnnada ka soo qayb galay dagaalka.
10. Maalinta kulanka labo kooxood ay ku kulmeen dagaalkii Badar waxay ahayd maalin Jumca ah bisha Ramadaan tahay 17 sannadkii labaad ee Hijrada, mufasiriinta qaarkood waxay qabaan in Aayaddan ay tilmaameyso markii u horreysey uu soo dego Qur’aanka oo ahayd 17 bishii Ramadaan.
ಅರಬ್ಬಿ ವ್ಯಾಖ್ಯಾನಗಳು:
 
ಅರ್ಥಗಳ ಅನುವಾದ ಶ್ಲೋಕ: (41) ಅಧ್ಯಾಯ: ಸೂರ ಅಲ್ -ಅನ್ ಫಾಲ್
ಅಧ್ಯಾಯಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ ಪುಟ ಸಂಖ್ಯೆ
 
ಪವಿತ್ರ ಕುರ್‌ಆನ್ ಅರ್ಥಾನುವಾದ - ಸೊಮಾಲಿ ಅನುವಾದ - ಯಾಕೂಬ್ - ಅನುವಾದಗಳ ವಿಷಯಸೂಚಿ

ಪವಿತ್ರ ಕುರ್‌ಆನ್ ಸೊಮಾಲಿ ಅರ್ಥಾನುವಾದ - ಅಬ್ದುಲ್ಲಾ ಹಸನ್ ಯಾಕೂಬ್

ಮುಚ್ಚಿ