Check out the new design

Kilniojo Korano reikšmių vertimas - Vertimas į somaliečių k. - Abdullah Hasan Jakūb * - Vertimų turinys

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Reikšmių vertimas Sūra: Ja-Syn   Aja (Korano eilutė):
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّا خَلَقۡنَا لَهُم مِّمَّا عَمِلَتۡ أَيۡدِينَآ أَنۡعَٰمٗا فَهُمۡ لَهَا مَٰلِكُونَ
71. Miyeyna arkaynin inaan u abuurnay xoolo ka mid ah waxay Gacmahayagu sameeyeen, ay iyagu hantaan oo leeyihiin?
Tafsyrai arabų kalba:
وَذَلَّلۡنَٰهَا لَهُمۡ فَمِنۡهَا رَكُوبُهُمۡ وَمِنۡهَا يَأۡكُلُونَ
72. Oo aan u laylinnay, sidaa awgeed waxna way adeegsadaan rukuub ahaan, waxna wax ka cunaan.
Tafsyrai arabų kalba:
وَلَهُمۡ فِيهَا مَنَٰفِعُ وَمَشَارِبُۚ أَفَلَا يَشۡكُرُونَ
73. Waxaana ugu sugan manaafacaad kale iyo cabbitaanno. Ee Miyayna mahadineyn?
Tafsyrai arabų kalba:
وَٱتَّخَذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ ءَالِهَةٗ لَّعَلَّهُمۡ يُنصَرُونَ
74. Waxayse yeesheen Alle ka sokow ilaahyo kale si ay ugu gargaaraan.
Tafsyrai arabų kalba:
لَا يَسۡتَطِيعُونَ نَصۡرَهُمۡ وَهُمۡ لَهُمۡ جُندٞ مُّحۡضَرُونَ
75. Ma karaan inay u gargaaraan, oo iyaga (naf ahaantooda) baa u ah ciidan u soo gurmada [15].
15. Iyagoo ilaaliya oo dhowra ilaahyadooda beenta ah. Tafsiir kale waa inay ilaahyadaasi ahaan askar colkood ah iyaga Naarta gudaheeda.
Tafsyrai arabų kalba:
فَلَا يَحۡزُنكَ قَوۡلُهُمۡۘ إِنَّا نَعۡلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعۡلِنُونَ
76. Ee yuusan hadalkoodu ku murugo gelin, hubaal Waan ognahay waxay u falaan qarsoodiga iyo waxay caddaystaanba.
Tafsyrai arabų kalba:
أَوَلَمۡ يَرَ ٱلۡإِنسَٰنُ أَنَّا خَلَقۡنَٰهُ مِن نُّطۡفَةٖ فَإِذَا هُوَ خَصِيمٞ مُّبِينٞ
77. Miyuusan aadmigu arag inaan ka abuurnay dhibic mino ah. Mise waa col iska cad oo dood badan [16].
16. Waa markuu kaaftoomo oo isku filnaado.
Tafsyrai arabų kalba:
وَضَرَبَ لَنَا مَثَلٗا وَنَسِيَ خَلۡقَهُۥۖ قَالَ مَن يُحۡيِ ٱلۡعِظَٰمَ وَهِيَ رَمِيمٞ
78. Wuxuu soo qaatay tusaale uu Annaga noola dan leeyahay, oo hilmaamay abuurkiisa. Wuxuu yidhi: Yaa nooleyn lafo baaliyoobay [17]?
17. Isagoo isku dayaya inuu sugo inaanay jirin iska soo saarid qubuuraha.
Tafsyrai arabų kalba:
قُلۡ يُحۡيِيهَا ٱلَّذِيٓ أَنشَأَهَآ أَوَّلَ مَرَّةٖۖ وَهُوَ بِكُلِّ خَلۡقٍ عَلِيمٌ
79. Dheh: Waxaa nooleyn Kan ifka keenay kolkii horeba. Isagaana (Alle) u Xog ogaal ah uunka oo idil.
Tafsyrai arabų kalba:
ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُم مِّنَ ٱلشَّجَرِ ٱلۡأَخۡضَرِ نَارٗا فَإِذَآ أَنتُم مِّنۡهُ تُوقِدُونَ
80. Waa Kan idiinka yeelay geedka cagaaran dab oo markaas aad hursataan.
Tafsyrai arabų kalba:
أَوَلَيۡسَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِقَٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يَخۡلُقَ مِثۡلَهُمۚ بَلَىٰ وَهُوَ ٱلۡخَلَّٰقُ ٱلۡعَلِيمُ
81. Miyuusan (Alle ee ah) Kan abuuray samooyinka iyo arlada awoodin inuu abuuro iyagoo kale [18]? Haaheey, Waana Abuuraha Sare, wax kasta Ogsoonaha ah.
18. Soo nooleeyo aadmiga oo dib u abuuro.
Tafsyrai arabų kalba:
إِنَّمَآ أَمۡرُهُۥٓ إِذَآ أَرَادَ شَيۡـًٔا أَن يَقُولَ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ
82. Amarkiisu markuu doono wax uun, waa inuu keliya ku yidhaahdo: Ahaw, waana yahay.
Tafsyrai arabų kalba:
فَسُبۡحَٰنَ ٱلَّذِي بِيَدِهِۦ مَلَكُوتُ كُلِّ شَيۡءٖ وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ
83. Ee xurmo oo dhan waxaa iska leh oo (xumaan ka) hufan (Alle) ay Gacantiisu ku jiraan Mulkiga (iyo Maamulka) wax kasta, Xaggiisaana dib la idiinku soo celin [19].
19. Maalinta uu Alle u kala garsoori doono addoomahiisa oo abaal marin.
Tafsyrai arabų kalba:
 
Reikšmių vertimas Sūra: Ja-Syn
Sūrų turinys Puslapio numeris
 
Kilniojo Korano reikšmių vertimas - Vertimas į somaliečių k. - Abdullah Hasan Jakūb - Vertimų turinys

Išvertė Abdullah Hasan Jakūb.

Uždaryti