Check out the new design

د قرآن کریم د معناګانو ژباړه - صومالي ژباړه - عبد الله حسن یعقوب * - د ژباړو فهرست (لړلیک)

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

د معناګانو ژباړه سورت: یس   آیت:
أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ أَنَّا خَلَقۡنَا لَهُم مِّمَّا عَمِلَتۡ أَيۡدِينَآ أَنۡعَٰمٗا فَهُمۡ لَهَا مَٰلِكُونَ
71. Miyeyna arkaynin inaan u abuurnay xoolo ka mid ah waxay Gacmahayagu sameeyeen, ay iyagu hantaan oo leeyihiin?
عربي تفسیرونه:
وَذَلَّلۡنَٰهَا لَهُمۡ فَمِنۡهَا رَكُوبُهُمۡ وَمِنۡهَا يَأۡكُلُونَ
72. Oo aan u laylinnay, sidaa awgeed waxna way adeegsadaan rukuub ahaan, waxna wax ka cunaan.
عربي تفسیرونه:
وَلَهُمۡ فِيهَا مَنَٰفِعُ وَمَشَارِبُۚ أَفَلَا يَشۡكُرُونَ
73. Waxaana ugu sugan manaafacaad kale iyo cabbitaanno. Ee Miyayna mahadineyn?
عربي تفسیرونه:
وَٱتَّخَذُواْ مِن دُونِ ٱللَّهِ ءَالِهَةٗ لَّعَلَّهُمۡ يُنصَرُونَ
74. Waxayse yeesheen Alle ka sokow ilaahyo kale si ay ugu gargaaraan.
عربي تفسیرونه:
لَا يَسۡتَطِيعُونَ نَصۡرَهُمۡ وَهُمۡ لَهُمۡ جُندٞ مُّحۡضَرُونَ
75. Ma karaan inay u gargaaraan, oo iyaga (naf ahaantooda) baa u ah ciidan u soo gurmada14.
14. Iyagoo ilaaliya oo dhowra ilaahyadooda beenta ah. Tafsiir kale waa inay ilaahyadaasi ahaan askar colkood ah iyaga Naarta gudaheeda.
عربي تفسیرونه:
فَلَا يَحۡزُنكَ قَوۡلُهُمۡۘ إِنَّا نَعۡلَمُ مَا يُسِرُّونَ وَمَا يُعۡلِنُونَ
76. Ee yuusan hadalkoodu ku murugo gelin, hubaal Waan ognahay waxay u falaan qarsoodiga iyo waxay caddaystaanba.
عربي تفسیرونه:
أَوَلَمۡ يَرَ ٱلۡإِنسَٰنُ أَنَّا خَلَقۡنَٰهُ مِن نُّطۡفَةٖ فَإِذَا هُوَ خَصِيمٞ مُّبِينٞ
77. Miyuusan aadmigu arag inaan ka abuurnay dhibic mino ah. Mise waa col iska cad oo dood badan15.
15. Waa markuu kaaftoomo oo isku filnaado.
عربي تفسیرونه:
وَضَرَبَ لَنَا مَثَلٗا وَنَسِيَ خَلۡقَهُۥۖ قَالَ مَن يُحۡيِ ٱلۡعِظَٰمَ وَهِيَ رَمِيمٞ
78. Wuxuu soo qaatay tusaale uu Annaga noola dan leeyahay, oo hilmaamay abuurkiisa. Wuxuu yidhi: Yaa nooleyn lafo baaliyoobay16?
16. Isagoo isku dayaya inuu sugo inaanay jirin iska soo saarid qubuuraha.
عربي تفسیرونه:
قُلۡ يُحۡيِيهَا ٱلَّذِيٓ أَنشَأَهَآ أَوَّلَ مَرَّةٖۖ وَهُوَ بِكُلِّ خَلۡقٍ عَلِيمٌ
79. Dheh: Waxaa nooleyn Kan ifka keenay kolkii horeba. Isagaana (Alle) u Xog ogaal ah uunka oo idil.
عربي تفسیرونه:
ٱلَّذِي جَعَلَ لَكُم مِّنَ ٱلشَّجَرِ ٱلۡأَخۡضَرِ نَارٗا فَإِذَآ أَنتُم مِّنۡهُ تُوقِدُونَ
80. Waa Kan idiinka yeelay geedka cagaaran dab oo markaas aad hursataan.
عربي تفسیرونه:
أَوَلَيۡسَ ٱلَّذِي خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضَ بِقَٰدِرٍ عَلَىٰٓ أَن يَخۡلُقَ مِثۡلَهُمۚ بَلَىٰ وَهُوَ ٱلۡخَلَّٰقُ ٱلۡعَلِيمُ
81. Miyuusan (Alle ee ah) Kan abuuray samooyinka iyo arlada awoodin inuu abuuro iyagoo kale17? Haaheey, Waana Abuuraha Sare, wax kasta Ogsoonaha ah.
17. Soo nooleeyo aadmiga oo dib u abuuro.
عربي تفسیرونه:
إِنَّمَآ أَمۡرُهُۥٓ إِذَآ أَرَادَ شَيۡـًٔا أَن يَقُولَ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ
82. Amarkiisu markuu doono wax uun, waa inuu keliya ku yidhaahdo: Ahaw, waana yahay.
عربي تفسیرونه:
فَسُبۡحَٰنَ ٱلَّذِي بِيَدِهِۦ مَلَكُوتُ كُلِّ شَيۡءٖ وَإِلَيۡهِ تُرۡجَعُونَ
83. Ee xurmo oo dhan waxaa iska leh oo (xumaan ka) hufan (Alle) ay Gacantiisu ku jiraan Mulkiga (iyo Maamulka) wax kasta, Xaggiisaana dib la idiinku soo celin18.
18. Maalinta uu Alle u kala garsoori doono addoomahiisa oo abaal marin.
عربي تفسیرونه:
 
د معناګانو ژباړه سورت: یس
د سورتونو فهرست (لړلیک) د مخ نمبر
 
د قرآن کریم د معناګانو ژباړه - صومالي ژباړه - عبد الله حسن یعقوب - د ژباړو فهرست (لړلیک)

د عبدالله حسن یعقوب لخوا ژباړل شوې ده.

بندول