Check out the new design

د قرآن کریم د معناګانو ژباړه - صومالي ژباړه - عبد الله حسن یعقوب * - د ژباړو فهرست (لړلیک)

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

د معناګانو ژباړه سورت: یس   آیت:
إِنَّ أَصۡحَٰبَ ٱلۡجَنَّةِ ٱلۡيَوۡمَ فِي شُغُلٖ فَٰكِهُونَ
55. Hubaal ehlu-jannuhu, waxay maalintaas ku sugnaan shuqul (la raaxeysi xaasaskooda) iyagoo faraxsan.
عربي تفسیرونه:
هُمۡ وَأَزۡوَٰجُهُمۡ فِي ظِلَٰلٍ عَلَى ٱلۡأَرَآئِكِ مُتَّكِـُٔونَ
56. Iyaga iyo xaasaskoodu waxay ku sugnaan hoosas harac ah, iyagoo ku dangiigsanaan sariiro sare.
عربي تفسیرونه:
لَهُمۡ فِيهَا فَٰكِهَةٞ وَلَهُم مَّا يَدَّعُونَ
57. Waxay ku lahaan midho gudaheeda waxayna lahaan waxay doonaanba.
عربي تفسیرونه:
سَلَٰمٞ قَوۡلٗا مِّن رَّبّٖ رَّحِيمٖ
58. Salaam (Nabad ahaada): waa qowl uga imaan Rabbi, Naxariis Badan (Allaah Kor ahaaye).
عربي تفسیرونه:
وَٱمۡتَٰزُواْ ٱلۡيَوۡمَ أَيُّهَا ٱلۡمُجۡرِمُونَ
59. Soocma maanta denbiilayaashow11!
11. Waa ka baxa safka mu’miniinta oo gooni u istaaga si la idiinka garto iyaga.
عربي تفسیرونه:
۞ أَلَمۡ أَعۡهَدۡ إِلَيۡكُمۡ يَٰبَنِيٓ ءَادَمَ أَن لَّا تَعۡبُدُواْ ٱلشَّيۡطَٰنَۖ إِنَّهُۥ لَكُمۡ عَدُوّٞ مُّبِينٞ
60. Miyaanan idiin xil saarin Ilma Aadanow inaydaan caabudin Shaydaan? Hubaal, wuxuu idiin yahay cadow cad.
عربي تفسیرونه:
وَأَنِ ٱعۡبُدُونِيۚ هَٰذَا صِرَٰطٞ مُّسۡتَقِيمٞ
61. Iyo inaad i caabudaan Aniga (Allaah Keliya) wa kaa Jidka Toosane.
عربي تفسیرونه:
وَلَقَدۡ أَضَلَّ مِنكُمۡ جِبِلّٗا كَثِيرًاۖ أَفَلَمۡ تَكُونُواْ تَعۡقِلُونَ
62. Wuxuu (Shaydaan) dhab ahaan habaabiyey dad badan oo idinka mid ah. Ee miyeydaan aheyn kuwo wax garta?
عربي تفسیرونه:
هَٰذِهِۦ جَهَنَّمُ ٱلَّتِي كُنتُمۡ تُوعَدُونَ
63. Waa tan Jahannamadii la idiinku gooddinayey.
عربي تفسیرونه:
ٱصۡلَوۡهَا ٱلۡيَوۡمَ بِمَا كُنتُمۡ تَكۡفُرُونَ
64. Ee gala oo ku gubta (Naarta) maanta gaalnimadiinnii darteed.
عربي تفسیرونه:
ٱلۡيَوۡمَ نَخۡتِمُ عَلَىٰٓ أَفۡوَٰهِهِمۡ وَتُكَلِّمُنَآ أَيۡدِيهِمۡ وَتَشۡهَدُ أَرۡجُلُهُم بِمَا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ
65. Maanta Waxaynu dabooli afafkooda, waxaa nala hadli gacmahooda, waxaana ku marag furi lugahooda waxay kasbadeen (oo denbiyo ah darteed).
عربي تفسیرونه:
وَلَوۡ نَشَآءُ لَطَمَسۡنَا عَلَىٰٓ أَعۡيُنِهِمۡ فَٱسۡتَبَقُواْ ٱلصِّرَٰطَ فَأَنَّىٰ يُبۡصِرُونَ
66. Haddaan doonno, waxaan malaasay- naa indhahooda, markaasay hadba dhinac u cararayaan iyagoo raadinaya Jidka, Sidee bayse u arkayaan12?
12. Alle s.w.t. wuu kaga tegi karay aadmiga hanuunin la’aan nolosha adduunkan, ha yeeshee ma uusan yeelin sidaas Naxariistiisa awgeed.
عربي تفسیرونه:
وَلَوۡ نَشَآءُ لَمَسَخۡنَٰهُمۡ عَلَىٰ مَكَانَتِهِمۡ فَمَا ٱسۡتَطَٰعُواْ مُضِيّٗا وَلَا يَرۡجِعُونَ
67. Haddaan doonnona, waxaan ku masakhaynaa halkooda, markaas ma kara- yaan tagitaan iyo soo noqosho midna13.
13. Alle s.w.t. wuu ka celin karay aadmiga inuu sameeyo wax dan u ah adduunkan ama Aakhirada, sidaas oy tahay ma uusan yeelin.
عربي تفسیرونه:
وَمَن نُّعَمِّرۡهُ نُنَكِّسۡهُ فِي ٱلۡخَلۡقِۚ أَفَلَا يَعۡقِلُونَ
68. Qofkaan siinno cimri dherer, Waanu tabar yareynaa abuur ahaan (oo asaasiqinnaa). Ee miyeyna wax fahmeyn?
عربي تفسیرونه:
وَمَا عَلَّمۡنَٰهُ ٱلشِّعۡرَ وَمَا يَنۢبَغِي لَهُۥٓۚ إِنۡ هُوَ إِلَّا ذِكۡرٞ وَقُرۡءَانٞ مُّبِينٞ
69. Ma aanu barin isaga (Nabi Muxammad) gabay, mana aha wax ku habboon. Kani ma aha waxaan ahayn Waano iyo Qur’aan cad.
عربي تفسیرونه:
لِّيُنذِرَ مَن كَانَ حَيّٗا وَيَحِقَّ ٱلۡقَوۡلُ عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ
70. Si uu ugu digo kan nool (mu'miniinta) oo Weedha (Cadaabka) ugu rumowdo gaalada.
عربي تفسیرونه:
 
د معناګانو ژباړه سورت: یس
د سورتونو فهرست (لړلیک) د مخ نمبر
 
د قرآن کریم د معناګانو ژباړه - صومالي ژباړه - عبد الله حسن یعقوب - د ژباړو فهرست (لړلیک)

د عبدالله حسن یعقوب لخوا ژباړل شوې ده.

بندول