Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ያሲን   አንቀጽ:
إِنَّ أَصۡحَٰبَ ٱلۡجَنَّةِ ٱلۡيَوۡمَ فِي شُغُلٖ فَٰكِهُونَ
55. Hubaal ehlu-jannuhu, waxay maalintaas ku sugnaan shuqul (la raaxeysi xaasaskooda) iyagoo faraxsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هُمۡ وَأَزۡوَٰجُهُمۡ فِي ظِلَٰلٍ عَلَى ٱلۡأَرَآئِكِ مُتَّكِـُٔونَ
56. Iyaga iyo xaasaskoodu waxay ku sugnaan hoosas harac ah, iyagoo ku dangiigsanaan sariiro sare.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَهُمۡ فِيهَا فَٰكِهَةٞ وَلَهُم مَّا يَدَّعُونَ
57. Waxay ku lahaan midho gudaheeda waxayna lahaan waxay doonaanba.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
سَلَٰمٞ قَوۡلٗا مِّن رَّبّٖ رَّحِيمٖ
58. Salaam (Nabad ahaada): waa qowl uga imaan Rabbi, Naxariis Badan (Allaah Kor ahaaye).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱمۡتَٰزُواْ ٱلۡيَوۡمَ أَيُّهَا ٱلۡمُجۡرِمُونَ
59. Soocma maanta denbiilayaashow11!
11. Waa ka baxa safka mu’miniinta oo gooni u istaaga si la idiinka garto iyaga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ أَلَمۡ أَعۡهَدۡ إِلَيۡكُمۡ يَٰبَنِيٓ ءَادَمَ أَن لَّا تَعۡبُدُواْ ٱلشَّيۡطَٰنَۖ إِنَّهُۥ لَكُمۡ عَدُوّٞ مُّبِينٞ
60. Miyaanan idiin xil saarin Ilma Aadanow inaydaan caabudin Shaydaan? Hubaal, wuxuu idiin yahay cadow cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَأَنِ ٱعۡبُدُونِيۚ هَٰذَا صِرَٰطٞ مُّسۡتَقِيمٞ
61. Iyo inaad i caabudaan Aniga (Allaah Keliya) wa kaa Jidka Toosane.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَقَدۡ أَضَلَّ مِنكُمۡ جِبِلّٗا كَثِيرًاۖ أَفَلَمۡ تَكُونُواْ تَعۡقِلُونَ
62. Wuxuu (Shaydaan) dhab ahaan habaabiyey dad badan oo idinka mid ah. Ee miyeydaan aheyn kuwo wax garta?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هَٰذِهِۦ جَهَنَّمُ ٱلَّتِي كُنتُمۡ تُوعَدُونَ
63. Waa tan Jahannamadii la idiinku gooddinayey.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱصۡلَوۡهَا ٱلۡيَوۡمَ بِمَا كُنتُمۡ تَكۡفُرُونَ
64. Ee gala oo ku gubta (Naarta) maanta gaalnimadiinnii darteed.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱلۡيَوۡمَ نَخۡتِمُ عَلَىٰٓ أَفۡوَٰهِهِمۡ وَتُكَلِّمُنَآ أَيۡدِيهِمۡ وَتَشۡهَدُ أَرۡجُلُهُم بِمَا كَانُواْ يَكۡسِبُونَ
65. Maanta Waxaynu dabooli afafkooda, waxaa nala hadli gacmahooda, waxaana ku marag furi lugahooda waxay kasbadeen (oo denbiyo ah darteed).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَوۡ نَشَآءُ لَطَمَسۡنَا عَلَىٰٓ أَعۡيُنِهِمۡ فَٱسۡتَبَقُواْ ٱلصِّرَٰطَ فَأَنَّىٰ يُبۡصِرُونَ
66. Haddaan doonno, waxaan malaasay- naa indhahooda, markaasay hadba dhinac u cararayaan iyagoo raadinaya Jidka, Sidee bayse u arkayaan12?
12. Alle s.w.t. wuu kaga tegi karay aadmiga hanuunin la’aan nolosha adduunkan, ha yeeshee ma uusan yeelin sidaas Naxariistiisa awgeed.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَوۡ نَشَآءُ لَمَسَخۡنَٰهُمۡ عَلَىٰ مَكَانَتِهِمۡ فَمَا ٱسۡتَطَٰعُواْ مُضِيّٗا وَلَا يَرۡجِعُونَ
67. Haddaan doonnona, waxaan ku masakhaynaa halkooda, markaas ma kara- yaan tagitaan iyo soo noqosho midna13.
13. Alle s.w.t. wuu ka celin karay aadmiga inuu sameeyo wax dan u ah adduunkan ama Aakhirada, sidaas oy tahay ma uusan yeelin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَن نُّعَمِّرۡهُ نُنَكِّسۡهُ فِي ٱلۡخَلۡقِۚ أَفَلَا يَعۡقِلُونَ
68. Qofkaan siinno cimri dherer, Waanu tabar yareynaa abuur ahaan (oo asaasiqinnaa). Ee miyeyna wax fahmeyn?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا عَلَّمۡنَٰهُ ٱلشِّعۡرَ وَمَا يَنۢبَغِي لَهُۥٓۚ إِنۡ هُوَ إِلَّا ذِكۡرٞ وَقُرۡءَانٞ مُّبِينٞ
69. Ma aanu barin isaga (Nabi Muxammad) gabay, mana aha wax ku habboon. Kani ma aha waxaan ahayn Waano iyo Qur’aan cad.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لِّيُنذِرَ مَن كَانَ حَيّٗا وَيَحِقَّ ٱلۡقَوۡلُ عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ
70. Si uu ugu digo kan nool (mu'miniinta) oo Weedha (Cadaabka) ugu rumowdo gaalada.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ያሲን
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት