Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ያሲን   አንቀጽ:

Yaasiin

يسٓ
1. Yaasiin1.
1. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2: Aayadda 1
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَٱلۡقُرۡءَانِ ٱلۡحَكِيمِ
2. Waxaan ku dhaartay Qur’aanka, Xikmadda Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّكَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
3. Hubaal adigu (Muxammadow) waxaad ka mid tahay (Rususha Alle) soo diray.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
عَلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ
4. Waxaad ku sugan tahay Jid Toosan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
تَنزِيلَ ٱلۡعَزِيزِ ٱلرَّحِيمِ
5. (Qur’aankani waa) Waxyi ka soo degay (xagga Alle) Adkaadaha, Naxariista Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لِتُنذِرَ قَوۡمٗا مَّآ أُنذِرَ ءَابَآؤُهُمۡ فَهُمۡ غَٰفِلُونَ
6. Inaad u digto qolo aan aabbayaashood loo digin, ee iyagu ah kuwo dhoohan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
لَقَدۡ حَقَّ ٱلۡقَوۡلُ عَلَىٰٓ أَكۡثَرِهِمۡ فَهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ
7. Waxaa dhab ahaan ku rumoobay badankood Qowlka (Cadaabka), marka ma ay rumeeyaan (Xaqa).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا جَعَلۡنَا فِيٓ أَعۡنَٰقِهِمۡ أَغۡلَٰلٗا فَهِيَ إِلَى ٱلۡأَذۡقَانِ فَهُم مُّقۡمَحُونَ
8. (Waa sida) inaan yeelnay mareegyo bir ah luqumahooda oo gaadha ilaa gararkooda, sidaa awgeed madaxyadooda kor u taagan yihiin (marka way ka xidhan yihiin khayr oo dhan, Xaqana ma arkaan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَجَعَلۡنَا مِنۢ بَيۡنِ أَيۡدِيهِمۡ سَدّٗا وَمِنۡ خَلۡفِهِمۡ سَدّٗا فَأَغۡشَيۡنَٰهُمۡ فَهُمۡ لَا يُبۡصِرُونَ
9. Waxaan yeellay hortooda xidh, gadaashoodana xidh kale, waana arag daboolnay marka ma arkaan (Xaqa).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَسَوَآءٌ عَلَيۡهِمۡ ءَأَنذَرۡتَهُمۡ أَمۡ لَمۡ تُنذِرۡهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ
10. Waa isugu mid haddaad u digto ama aad u digin, (marna) ma rumeeyaan (Xaqa).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّمَا تُنذِرُ مَنِ ٱتَّبَعَ ٱلذِّكۡرَ وَخَشِيَ ٱلرَّحۡمَٰنَ بِٱلۡغَيۡبِۖ فَبَشِّرۡهُ بِمَغۡفِرَةٖ وَأَجۡرٖ كَرِيمٍ
11.Waxaad uun u digi (oo ay anfaci digadu) kan raaca Qur’aanka oo ka baqa Raxmaan- ka sir (iyo saaqba). Ee ugu bishaaree denbi dhaaf iyo abaalgud sharaf leh (Janno).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا نَحۡنُ نُحۡيِ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَنَكۡتُبُ مَا قَدَّمُواْ وَءَاثَٰرَهُمۡۚ وَكُلَّ شَيۡءٍ أَحۡصَيۡنَٰهُ فِيٓ إِمَامٖ مُّبِينٖ
12. Waa Annaga kuwa nooleyn meytida, oo qora waxay hormarsadaan iyo raadadkoodaba (waxay gadaal uga soo tagaan khayr ama shar). Wax walba waxaynu ku koobnay2 (oo qornay) Kitaab cad (Looxa Maxfuudka).
2. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofka markuu dhinto wuu go’aa camalkiisu seddex mooyee: Cilmi lagu intifaaco, ilmo wanaagsan oo u soo duceeya iyo sadaqo u socota (waqaf)”.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ያሲን
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት