Check out the new design

വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് * - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: യൂസുഫ്   ആയത്ത്:
فَلَمَّآ أَن جَآءَ ٱلۡبَشِيرُ أَلۡقَىٰهُ عَلَىٰ وَجۡهِهِۦ فَٱرۡتَدَّ بَصِيرٗاۖ قَالَ أَلَمۡ أَقُل لَّكُمۡ إِنِّيٓ أَعۡلَمُ مِنَ ٱللَّهِ مَا لَا تَعۡلَمُونَ
96. Markuu yimid bishaaro sidihii, wuxuu uga tuuray (shaarkii) 31 wajigiisa, markaasuu noqday mid wax arka; Wuxuu yidhi: Sow idinkuma aan odhan: Waxaan anigu ka ogahay xagga Alle wax aydaan ogayn.
31.Kii soo qaaday shaarkii Yuusuf ee ka mid ah walaalihiis.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
قَالُواْ يَٰٓأَبَانَا ٱسۡتَغۡفِرۡ لَنَا ذُنُوبَنَآ إِنَّا كُنَّا خَٰطِـِٔينَ
97. Waxay yidhaahdeen: Aabbahayow! Noo denbi dhaaf dalab, waxaanu innagu aheyn kuwo gefsan.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
قَالَ سَوۡفَ أَسۡتَغۡفِرُ لَكُمۡ رَبِّيٓۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ
98. Wuxuu yidhi: Waxaan idiin weydiin Rabbigay denbi dhaaf, hubaal, waa Isaga Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
فَلَمَّا دَخَلُواْ عَلَىٰ يُوسُفَ ءَاوَىٰٓ إِلَيۡهِ أَبَوَيۡهِ وَقَالَ ٱدۡخُلُواْ مِصۡرَ إِن شَآءَ ٱللَّهُ ءَامِنِينَ
99. Markay u soo galeen Yuusuf, wuxuu u soo dumay Xaggiisa labadiisii waalid oo yidhi: Ku gala Masar, haddii Alle idmo, idinkoo aamin ah nabdoon.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
وَرَفَعَ أَبَوَيۡهِ عَلَى ٱلۡعَرۡشِ وَخَرُّواْ لَهُۥ سُجَّدٗاۖ وَقَالَ يَٰٓأَبَتِ هَٰذَا تَأۡوِيلُ رُءۡيَٰيَ مِن قَبۡلُ قَدۡ جَعَلَهَا رَبِّي حَقّٗاۖ وَقَدۡ أَحۡسَنَ بِيٓ إِذۡ أَخۡرَجَنِي مِنَ ٱلسِّجۡنِ وَجَآءَ بِكُم مِّنَ ٱلۡبَدۡوِ مِنۢ بَعۡدِ أَن نَّزَغَ ٱلشَّيۡطَٰنُ بَيۡنِي وَبَيۡنَ إِخۡوَتِيٓۚ إِنَّ رَبِّي لَطِيفٞ لِّمَا يَشَآءُۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡعَلِيمُ ٱلۡحَكِيمُ
100. Wuxuuna geeyey labadiisa waalid Carshigiisa, waxayna hortiisa kula dhaceen sujuud (rukuuc salaan ahaan32), wuxuuna yidhi: Aabbow! Kani waa fasirkii riyadaydii hore! Rabbigay wuxuu ka yeelay xaq (sugan). Waana i wanaajiyey markuu iga soo saaray xabbiska, idinkana keenay miyiga, kaddib markuu Shaydaan ku abuuray kala fogaansho dhexdeenna aniga iyo walaalahay. Hubaal, Rabbigay waa u Roonaan iyo daryeel Badan yahay cidduu doono. Hubaal waa Isaga wax kasta Ogsoonaha, Xakiimka ah.
32.Taasi waa salaan xurmo iyo ciseyn ah, ee bannaaneyd ka hor soo diristii Nabi Muxammad s.c.w. U sujuudidda ama rukuuca qof ama shey ama cid aan ahayn Alle markaa kaddib waa la mamnuucay.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
۞ رَبِّ قَدۡ ءَاتَيۡتَنِي مِنَ ٱلۡمُلۡكِ وَعَلَّمۡتَنِي مِن تَأۡوِيلِ ٱلۡأَحَادِيثِۚ فَاطِرَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ أَنتَ وَلِيِّۦ فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِۖ تَوَفَّنِي مُسۡلِمٗا وَأَلۡحِقۡنِي بِٱلصَّٰلِحِينَ
101. Rabbiyow! Waxaad i siisay xukun, oo i bartay fasirka dhacdooyinka (iyo riyooyinka); Kan (Keliya) ee Aheysiiyow samooyinka iyo arlada! Adigaa ah Gargaaraheyga adduunkan iyo Aakhiradaba ee i oofso anigoo Muslim ah, ina haleeshii kuwa wanaagsan.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
ذَٰلِكَ مِنۡ أَنۢبَآءِ ٱلۡغَيۡبِ نُوحِيهِ إِلَيۡكَۖ وَمَا كُنتَ لَدَيۡهِمۡ إِذۡ أَجۡمَعُوٓاْ أَمۡرَهُمۡ وَهُمۡ يَمۡكُرُونَ
102. Kani waa wax ka mid ah wararka la xidhiidha waxa qarsoon aan muuqan oo aan kuu waxyoonno (Nabiyow). Mana aad aheyn mid la jooga iyaga markay go’aansadeen arrinkoodii iyagoo abaabulayey shirqoollo.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
وَمَآ أَكۡثَرُ ٱلنَّاسِ وَلَوۡ حَرَصۡتَ بِمُؤۡمِنِينَ
103. Dadka badankiisuna ma rumeeyaan (Xaqa) si kastoo aad ugu dadaasho.
അറബി ഖുർആൻ വിവരണങ്ങൾ:
 
പരിഭാഷ അദ്ധ്യായം: യൂസുഫ്
സൂറത്തുകളുടെ സൂചിക പേജ് നമ്പർ
 
വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ് - വിവർത്തനങ്ങളുടെ സൂചിക

വിവർത്തനം ചെയ്യുന്നത് അബ്ദുല്ല ഹസ്സൻ യാക്കൂബ്.

അടക്കുക