Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ዩሱፍ   አንቀጽ:
فَلَمَّآ أَن جَآءَ ٱلۡبَشِيرُ أَلۡقَىٰهُ عَلَىٰ وَجۡهِهِۦ فَٱرۡتَدَّ بَصِيرٗاۖ قَالَ أَلَمۡ أَقُل لَّكُمۡ إِنِّيٓ أَعۡلَمُ مِنَ ٱللَّهِ مَا لَا تَعۡلَمُونَ
96. Markuu yimid bishaaro sidihii, wuxuu uga tuuray (shaarkii) 31 wajigiisa, markaasuu noqday mid wax arka; Wuxuu yidhi: Sow idinkuma aan odhan: Waxaan anigu ka ogahay xagga Alle wax aydaan ogayn.
31.Kii soo qaaday shaarkii Yuusuf ee ka mid ah walaalihiis.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ يَٰٓأَبَانَا ٱسۡتَغۡفِرۡ لَنَا ذُنُوبَنَآ إِنَّا كُنَّا خَٰطِـِٔينَ
97. Waxay yidhaahdeen: Aabbahayow! Noo denbi dhaaf dalab, waxaanu innagu aheyn kuwo gefsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ سَوۡفَ أَسۡتَغۡفِرُ لَكُمۡ رَبِّيٓۖ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ
98. Wuxuu yidhi: Waxaan idiin weydiin Rabbigay denbi dhaaf, hubaal, waa Isaga Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّا دَخَلُواْ عَلَىٰ يُوسُفَ ءَاوَىٰٓ إِلَيۡهِ أَبَوَيۡهِ وَقَالَ ٱدۡخُلُواْ مِصۡرَ إِن شَآءَ ٱللَّهُ ءَامِنِينَ
99. Markay u soo galeen Yuusuf, wuxuu u soo dumay Xaggiisa labadiisii waalid oo yidhi: Ku gala Masar, haddii Alle idmo, idinkoo aamin ah nabdoon.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَرَفَعَ أَبَوَيۡهِ عَلَى ٱلۡعَرۡشِ وَخَرُّواْ لَهُۥ سُجَّدٗاۖ وَقَالَ يَٰٓأَبَتِ هَٰذَا تَأۡوِيلُ رُءۡيَٰيَ مِن قَبۡلُ قَدۡ جَعَلَهَا رَبِّي حَقّٗاۖ وَقَدۡ أَحۡسَنَ بِيٓ إِذۡ أَخۡرَجَنِي مِنَ ٱلسِّجۡنِ وَجَآءَ بِكُم مِّنَ ٱلۡبَدۡوِ مِنۢ بَعۡدِ أَن نَّزَغَ ٱلشَّيۡطَٰنُ بَيۡنِي وَبَيۡنَ إِخۡوَتِيٓۚ إِنَّ رَبِّي لَطِيفٞ لِّمَا يَشَآءُۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡعَلِيمُ ٱلۡحَكِيمُ
100. Wuxuuna geeyey labadiisa waalid Carshigiisa, waxayna hortiisa kula dhaceen sujuud (rukuuc salaan ahaan32), wuxuuna yidhi: Aabbow! Kani waa fasirkii riyadaydii hore! Rabbigay wuxuu ka yeelay xaq (sugan). Waana i wanaajiyey markuu iga soo saaray xabbiska, idinkana keenay miyiga, kaddib markuu Shaydaan ku abuuray kala fogaansho dhexdeenna aniga iyo walaalahay. Hubaal, Rabbigay waa u Roonaan iyo daryeel Badan yahay cidduu doono. Hubaal waa Isaga wax kasta Ogsoonaha, Xakiimka ah.
32.Taasi waa salaan xurmo iyo ciseyn ah, ee bannaaneyd ka hor soo diristii Nabi Muxammad s.c.w. U sujuudidda ama rukuuca qof ama shey ama cid aan ahayn Alle markaa kaddib waa la mamnuucay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ رَبِّ قَدۡ ءَاتَيۡتَنِي مِنَ ٱلۡمُلۡكِ وَعَلَّمۡتَنِي مِن تَأۡوِيلِ ٱلۡأَحَادِيثِۚ فَاطِرَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ أَنتَ وَلِيِّۦ فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِۖ تَوَفَّنِي مُسۡلِمٗا وَأَلۡحِقۡنِي بِٱلصَّٰلِحِينَ
101. Rabbiyow! Waxaad i siisay xukun, oo i bartay fasirka dhacdooyinka (iyo riyooyinka); Kan (Keliya) ee Aheysiiyow samooyinka iyo arlada! Adigaa ah Gargaaraheyga adduunkan iyo Aakhiradaba ee i oofso anigoo Muslim ah, ina haleeshii kuwa wanaagsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذَٰلِكَ مِنۡ أَنۢبَآءِ ٱلۡغَيۡبِ نُوحِيهِ إِلَيۡكَۖ وَمَا كُنتَ لَدَيۡهِمۡ إِذۡ أَجۡمَعُوٓاْ أَمۡرَهُمۡ وَهُمۡ يَمۡكُرُونَ
102. Kani waa wax ka mid ah wararka la xidhiidha waxa qarsoon aan muuqan oo aan kuu waxyoonno (Nabiyow). Mana aad aheyn mid la jooga iyaga markay go’aansadeen arrinkoodii iyagoo abaabulayey shirqoollo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَآ أَكۡثَرُ ٱلنَّاسِ وَلَوۡ حَرَصۡتَ بِمُؤۡمِنِينَ
103. Dadka badankiisuna ma rumeeyaan (Xaqa) si kastoo aad ugu dadaasho.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ዩሱፍ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት