Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ዩሱፍ   አንቀጽ:
وَٱتَّبَعۡتُ مِلَّةَ ءَابَآءِيٓ إِبۡرَٰهِيمَ وَإِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَۚ مَا كَانَ لَنَآ أَن نُّشۡرِكَ بِٱللَّهِ مِن شَيۡءٖۚ ذَٰلِكَ مِن فَضۡلِ ٱللَّهِ عَلَيۡنَا وَعَلَى ٱلنَّاسِ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَشۡكُرُونَ
38. Waxaana raacay (Islaamka) diinta Aabbayaashay Ibraahiim, Isxaaq iyo Yacquub; naguma habboona inaan la wadaajinno Alle cibaadada waxna waxay ahaadaanba. Arrinkani waa Fadliga Ilaahay noo galay innaga iyo dadkaba, dadka badankiisuse kuma mahdiyaan 'Alle'.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰصَٰحِبَيِ ٱلسِّجۡنِ ءَأَرۡبَابٞ مُّتَفَرِّقُونَ خَيۡرٌ أَمِ ٱللَّهُ ٱلۡوَٰحِدُ ٱلۡقَهَّارُ
39. Labadayda saaxiib ee xabsigow! Ma rabbiyo kala duwan baa fiican mise Allaah Waaxidka, Maquuniya (daalimiinta iyo islaweynayaasha).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
مَا تَعۡبُدُونَ مِن دُونِهِۦٓ إِلَّآ أَسۡمَآءٗ سَمَّيۡتُمُوهَآ أَنتُمۡ وَءَابَآؤُكُم مَّآ أَنزَلَ ٱللَّهُ بِهَا مِن سُلۡطَٰنٍۚ إِنِ ٱلۡحُكۡمُ إِلَّا لِلَّهِ أَمَرَ أَلَّا تَعۡبُدُوٓاْ إِلَّآ إِيَّاهُۚ ذَٰلِكَ ٱلدِّينُ ٱلۡقَيِّمُ وَلَٰكِنَّ أَكۡثَرَ ٱلنَّاسِ لَا يَعۡلَمُونَ
40. Ma caabuddaan Alle Sokadi waxaan aheyn (sanammo aad) magacyo u bixiseen idinka iyo aabbayaashiin oo uusan Alle u soo dejin wax Xujo ah11. Xukunka ma leh cidaan aheyn Allaah. Wuxuu amray inaydaan caabudin waxaan aheyn Isaga Keligii. Arrinkani baa ah diinta toosan, dadka badankiisuse ma oga.
11. Waxyaalaha baadilka ah ee la caabudo aad ku magacowdeen ilaahyo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يَٰصَٰحِبَيِ ٱلسِّجۡنِ أَمَّآ أَحَدُكُمَا فَيَسۡقِي رَبَّهُۥ خَمۡرٗاۖ وَأَمَّا ٱلۡأٓخَرُ فَيُصۡلَبُ فَتَأۡكُلُ ٱلطَّيۡرُ مِن رَّأۡسِهِۦۚ قُضِيَ ٱلۡأَمۡرُ ٱلَّذِي فِيهِ تَسۡتَفۡتِيَانِ
41. Labadayda Saaxiib ee xabsigow12! Ma Midkiin, wuxuu u shubi mudanahiisa khamri uu cabbo, ma kan kale, waa la deldeli, markaas shimbiruhu waxay wax ka cuni madaxiisa. Arrinka waa la xukumay la xidhiidha waxaad iga wareysateen."
12. Waxaa la sheegay inay dhallinyaradaa ahaayeen labo khaadum oo u shaqeeya boqorka, midkood wuxuu u qaddimi jirey sharaab boqorka, kan kalena wuxuu u sameyn jirey roodhiga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالَ لِلَّذِي ظَنَّ أَنَّهُۥ نَاجٖ مِّنۡهُمَا ٱذۡكُرۡنِي عِندَ رَبِّكَ فَأَنسَىٰهُ ٱلشَّيۡطَٰنُ ذِكۡرَ رَبِّهِۦ فَلَبِثَ فِي ٱلسِّجۡنِ بِضۡعَ سِنِينَ
42. Wuxuuna ku yidhi midkoodii uu ogaaday inuu badbaadayo: "Igu xus mudanahaaga agtiisa"; ha yeeshee Shaydaan baa halmaansiiyey inuu u xuso mudanahiis, markaasuu ku sii jiray (Yuusuf) xabsiga dhowr sannadood.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالَ ٱلۡمَلِكُ إِنِّيٓ أَرَىٰ سَبۡعَ بَقَرَٰتٖ سِمَانٖ يَأۡكُلُهُنَّ سَبۡعٌ عِجَافٞ وَسَبۡعَ سُنۢبُلَٰتٍ خُضۡرٖ وَأُخَرَ يَابِسَٰتٖۖ يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡمَلَأُ أَفۡتُونِي فِي رُءۡيَٰيَ إِن كُنتُمۡ لِلرُّءۡيَا تَعۡبُرُونَ
43. Boqorkii wuxuu yidhi: "Waxaan arkay toddoba sac oo buur-buuran, oo ay toddobo caato ah cunayaan, iyo toddobo sabuul oo cagaar ah qoyan, iyo (toddobo) kale oo qallalan. ee mudanayaalow! Ii caddeeya fasirka riyadayda, haddaad fasiri kartaan riyooyinka."
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ዩሱፍ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት