Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ዩሱፍ   አንቀጽ:
قَالُوٓاْ أَضۡغَٰثُ أَحۡلَٰمٖۖ وَمَا نَحۡنُ بِتَأۡوِيلِ ٱلۡأَحۡلَٰمِ بِعَٰلِمِينَ
44. Waxay yidhaahdeen: "Waa riyooyin qarow isku qasan ah, innaguna ma naqaanno fasirka riyooyinka."
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالَ ٱلَّذِي نَجَا مِنۡهُمَا وَٱدَّكَرَ بَعۡدَ أُمَّةٍ أَنَا۠ أُنَبِّئُكُم بِتَأۡوِيلِهِۦ فَأَرۡسِلُونِ
45. Mid ka mid ah labadii (maxbuus) kii badbaaday oo xusuustay (Yuusuf) muddo dheer kaddib baa yidhi: "Anigaa idiin sheegi fasirka riyadaase ee i dira."
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
يُوسُفُ أَيُّهَا ٱلصِّدِّيقُ أَفۡتِنَا فِي سَبۡعِ بَقَرَٰتٖ سِمَانٖ يَأۡكُلُهُنَّ سَبۡعٌ عِجَافٞ وَسَبۡعِ سُنۢبُلَٰتٍ خُضۡرٖ وَأُخَرَ يَابِسَٰتٖ لَّعَلِّيٓ أَرۡجِعُ إِلَى ٱلنَّاسِ لَعَلَّهُمۡ يَعۡلَمُونَ
46. Yuusuf, run badanow! Noo caddee fasirka riyada ah toddoba sac oo buur-buuran oo ay toddobo caato ahi cunayaan, iyo toddobo sabuul oo cagaar ah qoyan iyo (toddobo) kale oo qallalan si aan ugu laabto dadka si ay u ogaadaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ تَزۡرَعُونَ سَبۡعَ سِنِينَ دَأَبٗا فَمَا حَصَدتُّمۡ فَذَرُوهُ فِي سُنۢبُلِهِۦٓ إِلَّا قَلِيلٗا مِّمَّا تَأۡكُلُونَ
47. (Yuusuf) wuxuu yidhi: "Waxaad wax beeran toddobo sano oo xiriir ah ee waxaad goosataan u daaya sabuulkiisa wax yar maahee oo ka mid ah intaad cuni.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ يَأۡتِي مِنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَ سَبۡعٞ شِدَادٞ يَأۡكُلۡنَ مَا قَدَّمۡتُمۡ لَهُنَّ إِلَّا قَلِيلٗا مِّمَّا تُحۡصِنُونَ
48. Markaas waxaa imaan intaas kaddib toddobo (sannadood) oo dar-daran, oo aad cuni waxaad horay u dhigateen wax yar maahee oo ka mid ah waxaad kaydsateen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ يَأۡتِي مِنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَ عَامٞ فِيهِ يُغَاثُ ٱلنَّاسُ وَفِيهِ يَعۡصِرُونَ
49. Markaas waxaa imaan intaas kaddib sano ay dadku heli roob oo ay dhexdi miiran doonaan (cinabyo iyo zaytuun)."
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالَ ٱلۡمَلِكُ ٱئۡتُونِي بِهِۦۖ فَلَمَّا جَآءَهُ ٱلرَّسُولُ قَالَ ٱرۡجِعۡ إِلَىٰ رَبِّكَ فَسۡـَٔلۡهُ مَا بَالُ ٱلنِّسۡوَةِ ٱلَّٰتِي قَطَّعۡنَ أَيۡدِيَهُنَّۚ إِنَّ رَبِّي بِكَيۡدِهِنَّ عَلِيمٞ
50. Boqorkii wuxuu yidhi: "Ii keena Yuusuf." Markuu farriin sidihii u yimid (Yuusuf), wuxuu yidhi: "U noqo mudanahaaga oo weydii muxuu ahaa xaalka haweenkii iska saray farahooda? Rabbigay waa og yahay dhagartooda."
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ مَا خَطۡبُكُنَّ إِذۡ رَٰوَدتُّنَّ يُوسُفَ عَن نَّفۡسِهِۦۚ قُلۡنَ حَٰشَ لِلَّهِ مَا عَلِمۡنَا عَلَيۡهِ مِن سُوٓءٖۚ قَالَتِ ٱمۡرَأَتُ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡـَٰٔنَ حَصۡحَصَ ٱلۡحَقُّ أَنَا۠ رَٰوَدتُّهُۥ عَن نَّفۡسِهِۦ وَإِنَّهُۥ لَمِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ
51. Wuxuu yidhi: "Muxuu ahaa arrinkiinnu markaad doonteen inaad u soo jiiddaan xumaan Yuusuf?" Waxay yidhaahdeen: "Alle baa ka hufan (ceeb oo iin lahayn)! Kuma aanu ogin wax xumaan ah xaggiisa"13. Marwadii wasiirkana waxay tidhi: "Hataan xaqu waa cad yahay, anigaa doonay inaan u soo jiido xumaan (zino), isaguna run buu sheegi."
13. Waxaa la weydiiyey ra’yiga ay ka qabaan Yuusuf inay saameysay fidnadii iyo in kale oo doonistoodii ka yeelay, waxayna u sheegeen inuu ka fog yahay xumaan. Waxayna ammaaneen Alle Ee awood u leh inuu abuuro dabeecaddaas sare ee daahirka ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ذَٰلِكَ لِيَعۡلَمَ أَنِّي لَمۡ أَخُنۡهُ بِٱلۡغَيۡبِ وَأَنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي كَيۡدَ ٱلۡخَآئِنِينَ
52. Arrintaasna waa inuu ogaado inaanan ku khiyaanin maqnaashihii iyo inuusan Alle toosinin dhagarta khaa’iniinta.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ዩሱፍ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት