Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ዩሱፍ   አንቀጽ:
۞ وَمَآ أُبَرِّئُ نَفۡسِيٓۚ إِنَّ ٱلنَّفۡسَ لَأَمَّارَةُۢ بِٱلسُّوٓءِ إِلَّا مَا رَحِمَ رَبِّيٓۚ إِنَّ رَبِّي غَفُورٞ رَّحِيمٞ
53. Mana eed tirayo nafteyda14, naftu waa xume amarto, mid uu Rabbigay u naxariisto maahee. Hubaal Rabbigay waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis Badan.
14. Inkastoo ibnu Kathiir uu u nisbeeyo ereyada aayadaha 52-53 xaaskii Al- Caziiz. Mufasiriin kale waxay qabeen inuu ku hadlay ereyadaa Yuusuf, isagoo dalbayey In la baaro arrinta, oo qiraya naxariista uu Alle u galay.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالَ ٱلۡمَلِكُ ٱئۡتُونِي بِهِۦٓ أَسۡتَخۡلِصۡهُ لِنَفۡسِيۖ فَلَمَّا كَلَّمَهُۥ قَالَ إِنَّكَ ٱلۡيَوۡمَ لَدَيۡنَا مَكِينٌ أَمِينٞ
54. Boqorkii wuxuu yidhi: "Ii keena Yuusuf, waxaan u gaar yeeli nafteyda (la taliyaheyga ahaan)." Markuu la hadlayna, wuxuu yidhi: "Waxaad ku tahay agtayada maanta sharafle, la aamino."
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ ٱجۡعَلۡنِي عَلَىٰ خَزَآئِنِ ٱلۡأَرۡضِۖ إِنِّي حَفِيظٌ عَلِيمٞ
55. (Yuusuf) wuxuu yidhi: "Iiga dhig (mas’uul) khasnadaha arlada (maaliyadda iyo qorsheynta). Waxaan anigu ahay xafide aamin ah, aqoon leh."
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَكَذَٰلِكَ مَكَّنَّا لِيُوسُفَ فِي ٱلۡأَرۡضِ يَتَبَوَّأُ مِنۡهَا حَيۡثُ يَشَآءُۚ نُصِيبُ بِرَحۡمَتِنَا مَن نَّشَآءُۖ وَلَا نُضِيعُ أَجۡرَ ٱلۡمُحۡسِنِينَ
56. Sidaasaan ugu siinnay Yuusuf awood dhan arlada (Masar), wuxuu ku hantay maamul dhan dhexdeeda meeshuu doonoba. Waxaan ku galladeysannaa Naxariistayada ciddaan doonno, mana dayacno abaalka sama falayaasha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَأَجۡرُ ٱلۡأٓخِرَةِ خَيۡرٞ لِّلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَكَانُواْ يَتَّقُونَ
57. Ajarka Aakhiraana u khayr badan kuwa (Xaqa) rumeysan ee iska jira xumaha.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَجَآءَ إِخۡوَةُ يُوسُفَ فَدَخَلُواْ عَلَيۡهِ فَعَرَفَهُمۡ وَهُمۡ لَهُۥ مُنكِرُونَ
58.Yuusuf walaalihiis baa yimid15, markaasay u soo galeen, wuuna aqoonsaday iyagoon garanayn16.
15. Taariikhyahannada waxay sheegeen inay ka dhacday abaar daran Masar iyo nawaaxigeeda. Wuxuuna Nabi Yacquub u tilmaamay Yuusuf walaaladi inay aadaan Madyan oo la kulmaan ragga Masar u haya xilka si ay uga dalbaan raashin.
16. Iyagu ma garan isbeddelka ku dhacay muuqaalkiisa darteed ee sannado soo mareen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَلَمَّا جَهَّزَهُم بِجَهَازِهِمۡ قَالَ ٱئۡتُونِي بِأَخٖ لَّكُم مِّنۡ أَبِيكُمۡۚ أَلَا تَرَوۡنَ أَنِّيٓ أُوفِي ٱلۡكَيۡلَ وَأَنَا۠ خَيۡرُ ٱلۡمُنزِلِينَ
59.Markuu u diyaariyey rarkoodii raashinka, wuxuu yidhi: Ii keena walaal aad leedihiin oo xagga aabbihiin ah. Miyeydaan arkayn inaan bixiyo beeg dhan, iyo inaan Anigu u wanaagsnahay inta wax marti gelisa?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَإِن لَّمۡ تَأۡتُونِي بِهِۦ فَلَا كَيۡلَ لَكُمۡ عِندِي وَلَا تَقۡرَبُونِ
60. Haddaydaan ii keeninna (walaakiin), kama heleysaan beeg xaggeyga, mana ii soo dhowaaneysaan (mar kale).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ سَنُرَٰوِدُ عَنۡهُ أَبَاهُ وَإِنَّا لَفَٰعِلُونَ
61. Waxay yidhaahdeen: Waxaanu ka dhaadhicin aabbihi, waana faleynaa sidaas.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَقَالَ لِفِتۡيَٰنِهِ ٱجۡعَلُواْ بِضَٰعَتَهُمۡ فِي رِحَالِهِمۡ لَعَلَّهُمۡ يَعۡرِفُونَهَآ إِذَا ٱنقَلَبُوٓاْ إِلَىٰٓ أَهۡلِهِمۡ لَعَلَّهُمۡ يَرۡجِعُونَ
62. Wuxuuna, ku yidhi shaqaalahiisii: "U dhex geliya badeecaddoodii rarkooda17, si ay u gartaan markay u noqdaan reerkooda (oo u tixgeliyaan) si ay u soo laabtaan."
17. Badi mufasiriinta waxay sheegaan in badeecaddii Yuusuf walaalihi ay u keeneen inay ku beddeshaan raashinka ay aheyd hargo, xargo, iyo saandallo, iwm.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّا رَجَعُوٓاْ إِلَىٰٓ أَبِيهِمۡ قَالُواْ يَٰٓأَبَانَا مُنِعَ مِنَّا ٱلۡكَيۡلُ فَأَرۡسِلۡ مَعَنَآ أَخَانَا نَكۡتَلۡ وَإِنَّا لَهُۥ لَحَٰفِظُونَ
63. Markay u noqdeen aabbahood, waxay yidhaahdeen: "Aabbow! Waa naloo diiday wax beeg ah (hadda kaddib hadduuna walaalkayo Binyaamiin na raacin). Ee nagu dar walaalkayo18, waxaanu soo heli beeg dhan, innaguna waanu ilaalin isaga."
18.Waa Binyaamiin ee la joogay aabbihi Yacquub guriga.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ዩሱፍ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት