Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ዩሱፍ   አንቀጽ:
قَالَ مَعَاذَ ٱللَّهِ أَن نَّأۡخُذَ إِلَّا مَن وَجَدۡنَا مَتَٰعَنَا عِندَهُۥٓ إِنَّآ إِذٗا لَّظَٰلِمُونَ
79. Wuxuu yiri: Allaan ka magan galay inaan qaadanno qofaan aheyn midkaan alaabtayada ka hellay agtiisa. (Haddaan sidaas yeello), waxaan markaas innagu nahay daalimiin (kuwo aan caadil ahayn).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّا ٱسۡتَيۡـَٔسُواْ مِنۡهُ خَلَصُواْ نَجِيّٗاۖ قَالَ كَبِيرُهُمۡ أَلَمۡ تَعۡلَمُوٓاْ أَنَّ أَبَاكُمۡ قَدۡ أَخَذَ عَلَيۡكُم مَّوۡثِقٗا مِّنَ ٱللَّهِ وَمِن قَبۡلُ مَا فَرَّطتُمۡ فِي يُوسُفَۖ فَلَنۡ أَبۡرَحَ ٱلۡأَرۡضَ حَتَّىٰ يَأۡذَنَ لِيٓ أَبِيٓ أَوۡ يَحۡكُمَ ٱللَّهُ لِيۖ وَهُوَ خَيۡرُ ٱلۡحَٰكِمِينَ
80. Markay ka quusteen bay isula baxeen faq gaar ah. Koodii u weynaa (Rubiin) baa wuxuu yidhi: Ma waydaan ogeyn in aabbihiin ballan adag idiinka qaaday Magaca Alle, iyo sidaad horeyba ugu gabood fasheen arrinkii Yuusuf? Sidaa awgeed anigu kama tegayo arladan jeer aabbahay ii idmo, ama Alle xukumo arrinkayga26, Isagaana u wanaagsan inta wax Xukunta.
26. Xukun aniga ii dan ah oo la xidhiidha soo deynta Binyaamiin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ٱرۡجِعُوٓاْ إِلَىٰٓ أَبِيكُمۡ فَقُولُواْ يَٰٓأَبَانَآ إِنَّ ٱبۡنَكَ سَرَقَ وَمَا شَهِدۡنَآ إِلَّا بِمَا عَلِمۡنَا وَمَا كُنَّا لِلۡغَيۡبِ حَٰفِظِينَ
81. U noqda Aabbihiin oo dhaha, Aabbow! Wiilkaagii wax buu xaday, mana marag fureyno waxaan ognahay mooyee, mana nihin kuwo og waxa qarsoon aan muuqan 27.
27. Macnaha waa ma aanan ogeyn markii aan wacad kula galnay, inuu wax xadayo oo la qabanayo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَسۡـَٔلِ ٱلۡقَرۡيَةَ ٱلَّتِي كُنَّا فِيهَا وَٱلۡعِيرَ ٱلَّتِيٓ أَقۡبَلۡنَا فِيهَاۖ وَإِنَّا لَصَٰدِقُونَ
82. Weydii (dadka) magaaladii aan joognay iyo safarradii aan la soo noqonnay, oo run baan sheegeynaa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ بَلۡ سَوَّلَتۡ لَكُمۡ أَنفُسُكُمۡ أَمۡرٗاۖ فَصَبۡرٞ جَمِيلٌۖ عَسَى ٱللَّهُ أَن يَأۡتِيَنِي بِهِمۡ جَمِيعًاۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡعَلِيمُ ٱلۡحَكِيمُ
83. (Yacquub) wuxuu yidhi: Mayee, nafahiinna baa idiin qurxisay arrin. Ee samir fiican (baa ila gudboon). Waa intaasoo Alle (dib) iigu keeno iyagoo dhan. Waa Isaga Wax kasta Ogsoonaha, Xakiimka ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتَوَلَّىٰ عَنۡهُمۡ وَقَالَ يَٰٓأَسَفَىٰ عَلَىٰ يُوسُفَ وَٱبۡيَضَّتۡ عَيۡنَاهُ مِنَ ٱلۡحُزۡنِ فَهُوَ كَظِيمٞ
84. Wuuna ka jeesaday xaggoodii oo yidhi: u walbahaarkaygow Yuusuf! Waxayna la caddaadeen indhahiisu murugo darteed28 isagoo ahaa mid tiiraanyeysan.
28.Wuxuu beelay araggiisa.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالُواْ تَٱللَّهِ تَفۡتَؤُاْ تَذۡكُرُ يُوسُفَ حَتَّىٰ تَكُونَ حَرَضًا أَوۡ تَكُونَ مِنَ ٱلۡهَٰلِكِينَ
85. Waxay yidhaahdeen: Tallaahi! ma dayn doontid hadal haynta Yuusuf jeer aad bukaan jiif noqoto ama (jeer) aad ka mid ahaato kuwa halaagsama.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
قَالَ إِنَّمَآ أَشۡكُواْ بَثِّي وَحُزۡنِيٓ إِلَى ٱللَّهِ وَأَعۡلَمُ مِنَ ٱللَّهِ مَا لَا تَعۡلَمُونَ
86. Wuxuu yidhi: Waxaan uun u sheegan baahideyda iyo walbahaarkeyga Alle, waxaana ka ogahay xagga Alle29 wax aydaan ogayn.
29. Uma uusan muujin inta ay gaarsiisan tahay ka xumaantiisa ama cadhadiisa waxa uu ka shakiyey ilmahiisa inay faleen, wuuse iska samrayey, isagoo isku halleynaya Alle oo ka doonaya kaalmo.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: ዩሱፍ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት