വിശുദ്ധ ഖുർആൻ പരിഭാഷ - സോമാലിയൻ വിവർത്തനം - അബ്‌ദല്ലാഹ് ഹസ്സൻ യഹ്‌കൂബ്

Qaafir

external-link copy
1 : 40

حمٓ

1. Xaa Miim [1]. info

[1]. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1

التفاسير: |

external-link copy
2 : 40

تَنزِيلُ ٱلۡكِتَٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡعَلِيمِ

2. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa Xagga Alle, Adkaadaha Sare, wax kasta Ogsoonaha ah. info
التفاسير: |

external-link copy
3 : 40

غَافِرِ ٱلذَّنۢبِ وَقَابِلِ ٱلتَّوۡبِ شَدِيدِ ٱلۡعِقَابِ ذِي ٱلطَّوۡلِۖ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ إِلَيۡهِ ٱلۡمَصِيرُ

3. Denbi dhaafaha, Tawbad aqbalaha, Daran yahay Ciqaabkiisu, Rabbiga Nicmadda Badan. Ma jiro ilaah (Xaq lagu caabudo) aan Isaga aheyn. Waa Xaggiisa meel Noqodka Dambe. info
التفاسير: |

external-link copy
4 : 40

مَا يُجَٰدِلُ فِيٓ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ إِلَّا ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَلَا يَغۡرُرۡكَ تَقَلُّبُهُمۡ فِي ٱلۡبِلَٰدِ

4. Cidina kama dooddo Aayadaha Alle aan ahayn kuwa gaalooba. Ee yeysan ku hodin gadgaddoonkooda iyo galoobaxooda magaalooyinka. info
التفاسير: |

external-link copy
5 : 40

كَذَّبَتۡ قَبۡلَهُمۡ قَوۡمُ نُوحٖ وَٱلۡأَحۡزَابُ مِنۢ بَعۡدِهِمۡۖ وَهَمَّتۡ كُلُّ أُمَّةِۭ بِرَسُولِهِمۡ لِيَأۡخُذُوهُۖ وَجَٰدَلُواْ بِٱلۡبَٰطِلِ لِيُدۡحِضُواْ بِهِ ٱلۡحَقَّ فَأَخَذۡتُهُمۡۖ فَكَيۡفَ كَانَ عِقَابِ

5. Qoladii Nuux iyo xizbiyadii ka dambeeyay (sida Caad, Thamuud, iwm) baa beeniyey (anbiyadii Alle) iyaga hortood, ummad walbana waxay doontay Rasuulkoodii inay qabato (oo ay dilaan), waxayna ku doodeen baadil si ay ugu tirtiraan Xaqa, markaasaan qabtay, ee siduu mid daran u ahaa Ciqaabkaygii (aan ku ciqaabay kuwa Xaqa beeniyey). info
التفاسير: |

external-link copy
6 : 40

وَكَذَٰلِكَ حَقَّتۡ كَلِمَتُ رَبِّكَ عَلَى ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَنَّهُمۡ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِ

6. Sidaasay Kelmedda Rabbigaa (Ciqaabtiisu) ugu waajibtay kuwa gaalooba inay yihiin ehlu-Naarka. info
التفاسير: |

external-link copy
7 : 40

ٱلَّذِينَ يَحۡمِلُونَ ٱلۡعَرۡشَ وَمَنۡ حَوۡلَهُۥ يُسَبِّحُونَ بِحَمۡدِ رَبِّهِمۡ وَيُؤۡمِنُونَ بِهِۦ وَيَسۡتَغۡفِرُونَ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْۖ رَبَّنَا وَسِعۡتَ كُلَّ شَيۡءٖ رَّحۡمَةٗ وَعِلۡمٗا فَٱغۡفِرۡ لِلَّذِينَ تَابُواْ وَٱتَّبَعُواْ سَبِيلَكَ وَقِهِمۡ عَذَابَ ٱلۡجَحِيمِ

7. Kuwa sida Carshiga iyo kuwa hareera jooga (ee Malaai'gta ah) waxay ku tasbiixsadaan ammaanaha Rabbigood oo ay rumaysan yihiin, waxayna u denbi dhaaf dalbaan mu'miniinta (iyagoo leh): Rabbigayow! Waxaad ku koobtaa wax walba Naxariis iyo cilmi ee u denbi dhaaf kuwa tawbad keena oo raaca Jidkaaga, kana dhowr Cadaabta Naarta ololeysa. info
التفاسير: |