Check out the new design

કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - સોમાલી ભાષામાં અનુવાદ - અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ * - ભાષાંતરોની અનુક્રમણિકા

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

શબ્દોનું ભાષાંતર સૂરહ: ગાફિર   આયત:

Qaafir

حمٓ
1. Xaa Miim2
1. Ghaafir – Denbi Dhaafaha, waa Allaah (Subxaanahu Watacaalaa). Suuraddan sidoo kale waxaa loo yaqaan Al-Mu’min (Mu’minka).
2. Eeg sharaxa hoose ee Suuradda 2 Al-Baqarah: Aayadda 1
અરબી તફસીરો:
تَنزِيلُ ٱلۡكِتَٰبِ مِنَ ٱللَّهِ ٱلۡعَزِيزِ ٱلۡعَلِيمِ
2. Soo dejinta Kitaabka (Qur’aanka) waa Xagga Alle, Adkaadaha Sare, wax kasta Ogsoonaha ah.
અરબી તફસીરો:
غَافِرِ ٱلذَّنۢبِ وَقَابِلِ ٱلتَّوۡبِ شَدِيدِ ٱلۡعِقَابِ ذِي ٱلطَّوۡلِۖ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ إِلَيۡهِ ٱلۡمَصِيرُ
3. Denbi dhaafaha, Tawbad aqbalaha, Daran yahay Ciqaabkiisu, Rabbiga Nicmadda Badan. Ma jiro ilaah (Xaq ah) aan Isaga aheyn. Waa Xaggiisa meel Noqodka Dambe.
અરબી તફસીરો:
مَا يُجَٰدِلُ فِيٓ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ إِلَّا ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَلَا يَغۡرُرۡكَ تَقَلُّبُهُمۡ فِي ٱلۡبِلَٰدِ
4. Cidina kama dooddo Aayadaha Alle aan ahayn kuwa gaalooba. Ee yeysan ku hodin gadgaddoonkooda iyo galoobaxooda magaalooyinka.
અરબી તફસીરો:
كَذَّبَتۡ قَبۡلَهُمۡ قَوۡمُ نُوحٖ وَٱلۡأَحۡزَابُ مِنۢ بَعۡدِهِمۡۖ وَهَمَّتۡ كُلُّ أُمَّةِۭ بِرَسُولِهِمۡ لِيَأۡخُذُوهُۖ وَجَٰدَلُواْ بِٱلۡبَٰطِلِ لِيُدۡحِضُواْ بِهِ ٱلۡحَقَّ فَأَخَذۡتُهُمۡۖ فَكَيۡفَ كَانَ عِقَابِ
5. Qoladii Nuux iyo xizbiyadii ka dambeeyay (sida Caad, Thamuud, iwm) baa beeniyey (anbiyadii Alle) iyaga hortood, ummad walbana waxay doontay Rasuulkoodii inay qabato (oo ay dilaan), waxayna ku doodeen baadil si ay ugu tirtiraan Xaqa, markaasaan qabtay, ee siduu mid daran u ahaa Ciqaabkaygii (aan ku ciqaabay kuwa Xaqa beeniyey).
અરબી તફસીરો:
وَكَذَٰلِكَ حَقَّتۡ كَلِمَتُ رَبِّكَ عَلَى ٱلَّذِينَ كَفَرُوٓاْ أَنَّهُمۡ أَصۡحَٰبُ ٱلنَّارِ
6. Sidaasay Kelmedda Rabbigaa (Ciqaabtiisu) ugu waajibtay kuwa gaalooba inay yihiin ehlu-Naarka.
અરબી તફસીરો:
ٱلَّذِينَ يَحۡمِلُونَ ٱلۡعَرۡشَ وَمَنۡ حَوۡلَهُۥ يُسَبِّحُونَ بِحَمۡدِ رَبِّهِمۡ وَيُؤۡمِنُونَ بِهِۦ وَيَسۡتَغۡفِرُونَ لِلَّذِينَ ءَامَنُواْۖ رَبَّنَا وَسِعۡتَ كُلَّ شَيۡءٖ رَّحۡمَةٗ وَعِلۡمٗا فَٱغۡفِرۡ لِلَّذِينَ تَابُواْ وَٱتَّبَعُواْ سَبِيلَكَ وَقِهِمۡ عَذَابَ ٱلۡجَحِيمِ
7. Kuwa sida Carshiga iyo kuwa hareera jooga (ee Malaai'gta ah) waxay ku tasbiixsadaan ammaanaha Rabbigood oo ay rumaysan yihiin, waxayna u denbi dhaaf dalbaan mu'miniinta (iyagoo leh): Rabbigayow! Waxaad ku koobtaa wax walba Naxariis iyo cilmi ee u denbi dhaaf kuwa tawbad keena oo raaca Jidkaaga, kana dhowr Cadaabka Naarta ololeysa.
અરબી તફસીરો:
 
શબ્દોનું ભાષાંતર સૂરહ: ગાફિર
સૂરહ માટે અનુક્રમણિકા પેજ નંબર
 
કુરઆન મજીદના શબ્દોનું ભાષાંતર - સોમાલી ભાષામાં અનુવાદ - અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ - ભાષાંતરોની અનુક્રમણિકા

તેનું અનુવાદ અબ્દુલ્લાહ હસન યાકૂબ દ્વારા કરવામાં આવ્યું.

બંધ કરો