Check out the new design

पवित्र कुरअानको अर्थको अनुवाद - सोमाली भाषामा अनुवाद : अब्दुल्लाह हसन याकूब । * - अनुवादहरूको सूची

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

अर्थको अनुवाद सूरः: कहफ   श्लोक:
وَلَقَدۡ صَرَّفۡنَا فِي هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانِ لِلنَّاسِ مِن كُلِّ مَثَلٖۚ وَكَانَ ٱلۡإِنسَٰنُ أَكۡثَرَ شَيۡءٖ جَدَلٗا
54. Waxaan dhab ahaan dadka ugu caddaynay Qur’aankan nooc kasta oo tusaale ah. Aadmigu waa kan wax walba ugu dood badan.
अरबी व्याख्याहरू:
وَمَا مَنَعَ ٱلنَّاسَ أَن يُؤۡمِنُوٓاْ إِذۡ جَآءَهُمُ ٱلۡهُدَىٰ وَيَسۡتَغۡفِرُواْ رَبَّهُمۡ إِلَّآ أَن تَأۡتِيَهُمۡ سُنَّةُ ٱلۡأَوَّلِينَ أَوۡ يَأۡتِيَهُمُ ٱلۡعَذَابُ قُبُلٗا
55. Ma jiro wax ka cesha dadka inay rumeeyaan markuu Hanuunku u yimid iyo inay weydiistaan denbi dhaaf Rabbigood, aan ahayn 'dalabkooda' inay u timaaddo wixii ku dhacay kuwii hore15, ama uu ugu yimaado cadaabka si fool ka fool ah.
15. Ee beeniyey Xaqii ay u keeneen Anbiyada Alle.
अरबी व्याख्याहरू:
وَمَا نُرۡسِلُ ٱلۡمُرۡسَلِينَ إِلَّا مُبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَۚ وَيُجَٰدِلُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِٱلۡبَٰطِلِ لِيُدۡحِضُواْ بِهِ ٱلۡحَقَّۖ وَٱتَّخَذُوٓاْ ءَايَٰتِي وَمَآ أُنذِرُواْ هُزُوٗا
56. Uma soo dirno Rususha waxaan ahayn inay ahaadaan bishaareeyayaal iyo digayaal, waxayna kuwa gaalooba ku doodaan baadil si ay ugu buriyaan Xaqa Oo ka dhigtaan Aayadahayga iyo waxa looga digo dheel dheel.
अरबी व्याख्याहरू:
وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّن ذُكِّرَ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِۦ فَأَعۡرَضَ عَنۡهَا وَنَسِيَ مَا قَدَّمَتۡ يَدَاهُۚ إِنَّا جَعَلۡنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ أَكِنَّةً أَن يَفۡقَهُوهُ وَفِيٓ ءَاذَانِهِمۡ وَقۡرٗاۖ وَإِن تَدۡعُهُمۡ إِلَى ٱلۡهُدَىٰ فَلَن يَهۡتَدُوٓاْ إِذًا أَبَدٗا
57. Yaa ka dulmi badan mid lagu waaniyo Aayadaha Rabbigi, markaas ka sii jeesada hilmaamana waxay labadiisa gacmood horay u faleen (oo denbiyo ah)? Hubaal waxaanu yeellay daboollo quluubtooda dushood si aanay u fahmin, iyo culeys dhegahooda, haddaad ugu yeedho hanuunkana, ma hanuunayaan weligood.
अरबी व्याख्याहरू:
وَرَبُّكَ ٱلۡغَفُورُ ذُو ٱلرَّحۡمَةِۖ لَوۡ يُؤَاخِذُهُم بِمَا كَسَبُواْ لَعَجَّلَ لَهُمُ ٱلۡعَذَابَۚ بَل لَّهُم مَّوۡعِدٞ لَّن يَجِدُواْ مِن دُونِهِۦ مَوۡئِلٗا
58. Rabbigaa (Alle) waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan. Hadduu u qaban dadka waxay kasbadaan (oo denbiyo ah), wuxuu u soo dedejin lahaa cadaabka. Waxayse leeyihiin waqti go'an (Maalinta Qiyaamaha) oo aanay helayn meelay (kaga baxsadaan ama) ka magan galaan.
अरबी व्याख्याहरू:
وَتِلۡكَ ٱلۡقُرَىٰٓ أَهۡلَكۡنَٰهُمۡ لَمَّا ظَلَمُواْ وَجَعَلۡنَا لِمَهۡلِكِهِم مَّوۡعِدٗا
59. Magaalooyinkaa (reer Caad iyo Thamuud, iwm) waan halaagnay markay dulmi (shirki iyo macaasi) faleen, waxaana u yeellay halaaggoodii waqti go’an.
अरबी व्याख्याहरू:
وَإِذۡ قَالَ مُوسَىٰ لِفَتَىٰهُ لَآ أَبۡرَحُ حَتَّىٰٓ أَبۡلُغَ مَجۡمَعَ ٱلۡبَحۡرَيۡنِ أَوۡ أَمۡضِيَ حُقُبٗا
60. (Xus) markuu Muuse ku yidhi adeegahiisii (Yuushac bin Nuun): Ma joogayo jeer aan gaaro halkay ku kulmaan labada badood ama aan iska socdo oo wado socodka sannado badan.
अरबी व्याख्याहरू:
فَلَمَّا بَلَغَا مَجۡمَعَ بَيۡنِهِمَا نَسِيَا حُوتَهُمَا فَٱتَّخَذَ سَبِيلَهُۥ فِي ٱلۡبَحۡرِ سَرَبٗا
61. Markayse gaadheen halkay ku kulmaan labada (badood) waxay hilmameen kalluunkoodii, oo ka dhigtay jidkiisa badda gudaheeda god oo kale.
अरबी व्याख्याहरू:
 
अर्थको अनुवाद सूरः: कहफ
अध्यायहरूको (सूरःहरूको) सूची رقم الصفحة
 
पवित्र कुरअानको अर्थको अनुवाद - सोमाली भाषामा अनुवाद : अब्दुल्लाह हसन याकूब । - अनुवादहरूको सूची

अनुवाद : अब्दुल्लाह हसन याकुब ।

बन्द गर्नुस्