Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ከህፍ   አንቀጽ:
وَلَقَدۡ صَرَّفۡنَا فِي هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانِ لِلنَّاسِ مِن كُلِّ مَثَلٖۚ وَكَانَ ٱلۡإِنسَٰنُ أَكۡثَرَ شَيۡءٖ جَدَلٗا
54. Waxaan dhab ahaan dadka ugu caddaynay Qur’aankan nooc kasta oo tusaale ah. Aadmigu waa kan wax walba ugu dood badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا مَنَعَ ٱلنَّاسَ أَن يُؤۡمِنُوٓاْ إِذۡ جَآءَهُمُ ٱلۡهُدَىٰ وَيَسۡتَغۡفِرُواْ رَبَّهُمۡ إِلَّآ أَن تَأۡتِيَهُمۡ سُنَّةُ ٱلۡأَوَّلِينَ أَوۡ يَأۡتِيَهُمُ ٱلۡعَذَابُ قُبُلٗا
55. Ma jiro wax ka cesha dadka inay rumeeyaan markuu Hanuunku u yimid iyo inay weydiistaan denbi dhaaf Rabbigood, aan ahayn 'dalabkooda' inay u timaaddo wixii ku dhacay kuwii hore15, ama uu ugu yimaado cadaabka si fool ka fool ah.
15. Ee beeniyey Xaqii ay u keeneen Anbiyada Alle.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَا نُرۡسِلُ ٱلۡمُرۡسَلِينَ إِلَّا مُبَشِّرِينَ وَمُنذِرِينَۚ وَيُجَٰدِلُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ بِٱلۡبَٰطِلِ لِيُدۡحِضُواْ بِهِ ٱلۡحَقَّۖ وَٱتَّخَذُوٓاْ ءَايَٰتِي وَمَآ أُنذِرُواْ هُزُوٗا
56. Uma soo dirno Rususha waxaan ahayn inay ahaadaan bishaareeyayaal iyo digayaal, waxayna kuwa gaalooba ku doodaan baadil si ay ugu buriyaan Xaqa Oo ka dhigtaan Aayadahayga iyo waxa looga digo dheel dheel.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّن ذُكِّرَ بِـَٔايَٰتِ رَبِّهِۦ فَأَعۡرَضَ عَنۡهَا وَنَسِيَ مَا قَدَّمَتۡ يَدَاهُۚ إِنَّا جَعَلۡنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ أَكِنَّةً أَن يَفۡقَهُوهُ وَفِيٓ ءَاذَانِهِمۡ وَقۡرٗاۖ وَإِن تَدۡعُهُمۡ إِلَى ٱلۡهُدَىٰ فَلَن يَهۡتَدُوٓاْ إِذًا أَبَدٗا
57. Yaa ka dulmi badan mid lagu waaniyo Aayadaha Rabbigi, markaas ka sii jeesada hilmaamana waxay labadiisa gacmood horay u faleen (oo denbiyo ah)? Hubaal waxaanu yeellay daboollo quluubtooda dushood si aanay u fahmin, iyo culeys dhegahooda, haddaad ugu yeedho hanuunkana, ma hanuunayaan weligood.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَرَبُّكَ ٱلۡغَفُورُ ذُو ٱلرَّحۡمَةِۖ لَوۡ يُؤَاخِذُهُم بِمَا كَسَبُواْ لَعَجَّلَ لَهُمُ ٱلۡعَذَابَۚ بَل لَّهُم مَّوۡعِدٞ لَّن يَجِدُواْ مِن دُونِهِۦ مَوۡئِلٗا
58. Rabbigaa (Alle) waa Denbi Dhaaf Badanaha, Naxariista Badan. Hadduu u qaban dadka waxay kasbadaan (oo denbiyo ah), wuxuu u soo dedejin lahaa cadaabka. Waxayse leeyihiin waqti go'an (Maalinta Qiyaamaha) oo aanay helayn meelay (kaga baxsadaan ama) ka magan galaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَتِلۡكَ ٱلۡقُرَىٰٓ أَهۡلَكۡنَٰهُمۡ لَمَّا ظَلَمُواْ وَجَعَلۡنَا لِمَهۡلِكِهِم مَّوۡعِدٗا
59. Magaalooyinkaa (reer Caad iyo Thamuud, iwm) waan halaagnay markay dulmi (shirki iyo macaasi) faleen, waxaana u yeellay halaaggoodii waqti go’an.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذۡ قَالَ مُوسَىٰ لِفَتَىٰهُ لَآ أَبۡرَحُ حَتَّىٰٓ أَبۡلُغَ مَجۡمَعَ ٱلۡبَحۡرَيۡنِ أَوۡ أَمۡضِيَ حُقُبٗا
60. (Xus) markuu Muuse ku yidhi adeegahiisii (Yuushac bin Nuun): Ma joogayo jeer aan gaaro halkay ku kulmaan labada badood ama aan iska socdo oo wado socodka sannado badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَمَّا بَلَغَا مَجۡمَعَ بَيۡنِهِمَا نَسِيَا حُوتَهُمَا فَٱتَّخَذَ سَبِيلَهُۥ فِي ٱلۡبَحۡرِ سَرَبٗا
61. Markayse gaadheen halkay ku kulmaan labada (badood) waxay hilmameen kalluunkoodii, oo ka dhigtay jidkiisa badda gudaheeda god oo kale.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ከህፍ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት