Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ከህፍ   አንቀጽ:
ٱلۡمَالُ وَٱلۡبَنُونَ زِينَةُ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ وَٱلۡبَٰقِيَٰتُ ٱلصَّٰلِحَٰتُ خَيۡرٌ عِندَ رَبِّكَ ثَوَابٗا وَخَيۡرٌ أَمَلٗا
46. Maalka iyo carruurtu waa quruxda nolosha adduunkan, ha yeeshee (Alle Xuska iyo) camallada wanaagsan ee baaqiga ah baa xagga Rabbigaa khayr roon oo rajo wanaagsan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَوۡمَ نُسَيِّرُ ٱلۡجِبَالَ وَتَرَى ٱلۡأَرۡضَ بَارِزَةٗ وَحَشَرۡنَٰهُمۡ فَلَمۡ نُغَادِرۡ مِنۡهُمۡ أَحَدٗا
47. Oo (ka dig) maalinta aan ka yeeli buuraha inay tagaan, waxaadna arki dhulka oo ban muuqda ahoo siman, waxaanu soo kulmin iyaga Annagoo aan uga soo tagin gadaal midkoodna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَعُرِضُواْ عَلَىٰ رَبِّكَ صَفّٗا لَّقَدۡ جِئۡتُمُونَا كَمَا خَلَقۡنَٰكُمۡ أَوَّلَ مَرَّةِۭۚ بَلۡ زَعَمۡتُمۡ أَلَّن نَّجۡعَلَ لَكُم مَّوۡعِدٗا
48. Waxaa la keeni Rabbigaa horti iyagoo u taagan saf saf: Waxaad dhab ahaan noogu timaaddeen idinkoo ah sidii aan idiin abuurnay kal hore (cago cad oo qaawan). Mayee waxaad mooddeen inaynu idiin yeelin waqti aan ku oofiinno ballanka.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَوُضِعَ ٱلۡكِتَٰبُ فَتَرَى ٱلۡمُجۡرِمِينَ مُشۡفِقِينَ مِمَّا فِيهِ وَيَقُولُونَ يَٰوَيۡلَتَنَا مَالِ هَٰذَا ٱلۡكِتَٰبِ لَا يُغَادِرُ صَغِيرَةٗ وَلَا كَبِيرَةً إِلَّآ أَحۡصَىٰهَاۚ وَوَجَدُواْ مَا عَمِلُواْ حَاضِرٗاۗ وَلَا يَظۡلِمُ رَبُّكَ أَحَدٗا
49. Waxaa la soo hor dhigi Kitaabka (camalladooda ku qoran yihiin), markaasaad arkeysaa denbiilayaasha oo ka baqaya waxa ku yaal. Waxayna odhan: Alla hooggayaga'e! Muxuu yahay Kitaabkani aan dhaafeyn wax yar iyo wax weynba inuu tiro koobo ma’ahee, waxayna heli waxay camal faleen oo hortooda yaal. Ma dulmiyo Rabbigaa axadna.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِذۡ قُلۡنَا لِلۡمَلَٰٓئِكَةِ ٱسۡجُدُواْ لِأٓدَمَ فَسَجَدُوٓاْ إِلَّآ إِبۡلِيسَ كَانَ مِنَ ٱلۡجِنِّ فَفَسَقَ عَنۡ أَمۡرِ رَبِّهِۦٓۗ أَفَتَتَّخِذُونَهُۥ وَذُرِّيَّتَهُۥٓ أَوۡلِيَآءَ مِن دُونِي وَهُمۡ لَكُمۡ عَدُوُّۢۚ بِئۡسَ لِلظَّٰلِمِينَ بَدَلٗا
50. (Xus) markaan ku nidhi malaa’igta: U sujuuda Aadam, oo ay u sujuudeen Ibliis maahee (ma u yeelin). Wuxuu ka mid ahaa jinka; wuxuuna caasiyey Amarka Rabbigi. Ee ma waxaad ka yeelaneysaan isaga iyo durrayaddiisa gargaarayaal Aniga ka sokow iyagoo cadow idiin ah? Xumaa waxay wax ku doorsadeen daalimiintu.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
۞ مَّآ أَشۡهَدتُّهُمۡ خَلۡقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَلَا خَلۡقَ أَنفُسِهِمۡ وَمَا كُنتُ مُتَّخِذَ ٱلۡمُضِلِّينَ عَضُدٗا
51. Ugama dhigan marag kuwaas abuurista samooyinka iyo arlada iyo abuurista nafahooda midna, mana Ahi mid ka yeelan kuwa wax dhumiya cudud.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَيَوۡمَ يَقُولُ نَادُواْ شُرَكَآءِيَ ٱلَّذِينَ زَعَمۡتُمۡ فَدَعَوۡهُمۡ فَلَمۡ يَسۡتَجِيبُواْ لَهُمۡ وَجَعَلۡنَا بَيۡنَهُم مَّوۡبِقٗا
52. (Ka dig) Maalinta uu Alle odhan: U yeedha kuwaad u heysateen inay yihiin shurukadeyda (oo aad ila barbar caabuddeen). Markaasay u yeedhi, uma ay se jawaabayaan, waxaanuna yeeli dhexdooda xannib.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَرَءَا ٱلۡمُجۡرِمُونَ ٱلنَّارَ فَظَنُّوٓاْ أَنَّهُم مُّوَاقِعُوهَا وَلَمۡ يَجِدُواْ عَنۡهَا مَصۡرِفٗا
53. Waxay arki denbiilayaashu Naarta, oo yaqiinsan inay ku dhici, mana helayaan meelay kaga weecdaan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ከህፍ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት