Check out the new design

የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ * - የትርጉሞች ማዉጫ

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ከህፍ   አንቀጽ:
مَّا لَهُم بِهِۦ مِنۡ عِلۡمٖ وَلَا لِأٓبَآئِهِمۡۚ كَبُرَتۡ كَلِمَةٗ تَخۡرُجُ مِنۡ أَفۡوَٰهِهِمۡۚ إِن يَقُولُونَ إِلَّا كَذِبٗا
5. Uma laha wax cilmi ah iyaga iyo aabbayaashood midna, xumaan badanaa ereygaa ka soo baxa afafkooda; kuma hadlaan waxaan been ahayn.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَلَعَلَّكَ بَٰخِعٞ نَّفۡسَكَ عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِمۡ إِن لَّمۡ يُؤۡمِنُواْ بِهَٰذَا ٱلۡحَدِيثِ أَسَفًا
6. Waa intaasoo aad ku halaagto naftaada raadkooda (gadaashooda) murugo darteed, haddaysan rumeyn (Qur’aankan).
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِنَّا جَعَلۡنَا مَا عَلَى ٱلۡأَرۡضِ زِينَةٗ لَّهَا لِنَبۡلُوَهُمۡ أَيُّهُمۡ أَحۡسَنُ عَمَلٗا
7. Waxaan ka yeellay waxa dhulka korkiisa ah qurux lagu qurxiyey, si aanu u imtixaanno midkood ugu camal fiican.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَإِنَّا لَجَٰعِلُونَ مَا عَلَيۡهَا صَعِيدٗا جُرُزًا
8. Waxaanuna xaqiiq ka yeeli dhammaan waxa korkeeda ah 'arlada' ban gabiib ah aan wax ka soo bixin.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
أَمۡ حَسِبۡتَ أَنَّ أَصۡحَٰبَ ٱلۡكَهۡفِ وَٱلرَّقِيمِ كَانُواْ مِنۡ ءَايَٰتِنَا عَجَبًا
9. Mise, ma waxaad mooddaa in (dhacdadii) qolodii hogga iyo looxa (ay ku qornaayeen magacayadoodu)3 ay yihiin ku- wa calaamooyinkayaga ugu yaabka badan4?
3. Ar-Raqiim: waa looxii ama indhalkii ay ku qornaayeen xikmadaha iyo wararkii asxaabul kahaf. Waana mid ka mid ah waxyaalaha cajabta badan ee Allaah abuuray.
4. Bal waa mid keliya ee ka mid ah waxyaalaha cajaa’ibta badan ee Alle.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
إِذۡ أَوَى ٱلۡفِتۡيَةُ إِلَى ٱلۡكَهۡفِ فَقَالُواْ رَبَّنَآ ءَاتِنَا مِن لَّدُنكَ رَحۡمَةٗ وَهَيِّئۡ لَنَا مِنۡ أَمۡرِنَا رَشَدٗا
10. Markay dhallinyardii u hoydeen hogga, waxay yidhaahdeen: Rabbigayow naga sii Xaggaaga Naxariis, noogana dhig arrinkayaga wax hagaagsan oo hanuun leh.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
فَضَرَبۡنَا عَلَىٰٓ ءَاذَانِهِمۡ فِي ٱلۡكَهۡفِ سِنِينَ عَدَدٗا
11. Markaasaan ka dhowrnay inay (shanqar) maqlaan (oo ku sii deynay hurdo) hogga dhexdiisa tiro sanooyin ah.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
ثُمَّ بَعَثۡنَٰهُمۡ لِنَعۡلَمَ أَيُّ ٱلۡحِزۡبَيۡنِ أَحۡصَىٰ لِمَا لَبِثُوٓاْ أَمَدٗا
12. Markaasaan ka soo kicinnay (hurdadii) si aan u muujinno labada kooxood midkooda tiro koobi og muddada ay ku negaadeen.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
نَّحۡنُ نَقُصُّ عَلَيۡكَ نَبَأَهُم بِٱلۡحَقِّۚ إِنَّهُمۡ فِتۡيَةٌ ءَامَنُواْ بِرَبِّهِمۡ وَزِدۡنَٰهُمۡ هُدٗى
13. Annagaa kuu soo tebineyna qisadooda oo xaq ah, waxay ahaayeen dhallinyaro rumeysay Rabbigood oo aanu u kordhinnay hanuun.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
وَرَبَطۡنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ إِذۡ قَامُواْ فَقَالُواْ رَبُّنَا رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ لَن نَّدۡعُوَاْ مِن دُونِهِۦٓ إِلَٰهٗاۖ لَّقَدۡ قُلۡنَآ إِذٗا شَطَطًا
14. Waxaan ku xoojinnay quluubtooda5 samir (iyo iimaan), markay kaceen6 oo (ku) yidhaahdeen (boqorkii xukumayey ee sanam caabdudka ahaa): Rabbigayo waa (Allaah) Rabbiga samooyinka iyo arlada, weligayo ma baryeyno (caabudeyno) ilaah kale aan Isaga ahayn, (haddaan wax sidaa ka duwan nidhaahno) waxaan xaqiiq markaa ku hadallay wax xun oo xadgudub ah.
5. Waxay dhexdooda iskula ballameen inaysan caabudin axad aan ahayn Allaah, Macbuudka Xaqa ah.
6. Inta abbaareen boqorkii Dikyanus ee daalim ahaa kibir badan.
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
هَٰٓؤُلَآءِ قَوۡمُنَا ٱتَّخَذُواْ مِن دُونِهِۦٓ ءَالِهَةٗۖ لَّوۡلَا يَأۡتُونَ عَلَيۡهِم بِسُلۡطَٰنِۭ بَيِّنٖۖ فَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّنِ ٱفۡتَرَىٰ عَلَى ٱللَّهِ كَذِبٗا
15. Kuwaanu qolodayada ah waxay yeesheen (Alle) sokadi ilaahyo ay caabudaan. Maxay u keeni waaayeen xujo cad oo u daliil ah? Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Allaah?
የአረብኛ ቁርኣን ማብራሪያ:
 
የይዘት ትርጉም ምዕራፍ: አል ከህፍ
የምዕራፎች ማውጫ የገፅ ቁጥር
 
የቅዱስ ቁርዓን ይዘት ትርጉም - የሱማልኛ ትርጉም - ዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ - የትርጉሞች ማዉጫ

በዐብደላህ ሐሰን ያዕቆብ የተተረጎመ

መዝጋት