3. Raaca 'Qur’aanka' la idiinka soo dejiyey xagga Rabbigiin, hana raacina sokadii awliyo (aad la barbar caabuddaan oo u yeedhataan).Yaraa intaad waantowdaan.
12. (Alle) wuxuu yidhi: Maxaa kuu diiday inaad sujuuddo markaan ku amray? (Ibliis) wuxuu yidhi: Anaa ka wanaaagsan, Waxaad iga abuurtay dab, halka aad isaga (Aadam) ka abuurtay dhoobo.
13. (Alle) wuxuu yidhi: Ka deg xaggeeda (Jannada), waayo ma lihid inaad isku dhex kibriso halkan. Ka bax (Jannada), waxaad ka mid tahay kuwa dulleysan.
27. Ilma Aadamow! Yuusan idin fidnayn shaydaanku, siduuba uga soo saaray labadiinnii waalid Jannada, isagoo ka siibaya dharkooda, si uu u qaawiyo oo u tuso cowradooda. Wuu idin arkaa isaga iyo qabiiladiisuba, idinkuse ma aragtaan. Waxaan Annagu uga dhignay shaydaadiin- ta sokeeye kuwa aan (Xaqa) rumeyn.
28. Markay falaan xumaanna waxay yidhaahdaan: Waxaan hellay aabbayaashayo oo falaya (waxa)kani, Alle baana nagu amray. Dheh: Alle ma amro xumaan. Ma waxaad ka sheegeysaan Alle waxaydaan cilmi u lahayn?
29. Dheh: Wuxuu Rabbigay amray caddaalad, una jeediya wejiyadiinna (qibladda, Kacbada Makkah ku taal waqti kasta oo salaad) masjid kasta, baryana (Alle) idinkoo u keli iyo gaar yeelaya cibaadada. Siduu ifka idinku keenay billowgii hore yaad u soo noqoneysaan.
31. Ilma Aadamow! Qaata quruxdiinna (inaad xidhitaan dhar nadiif ah) markaad ku tukaneysaan masjid kasta, cuna oo cabbana, hana xadgudbina, hubaal Alle ma jecla kuwa xad gudba.
33. Dheh: Wuxuu Rabbigay xaareemeeyey xumaha oo dhan (zinada, iwm) si caddaan ah loo falo iyo qarsoodiba, iyo denbiga (cabbista khamrada) iyo gar darrada (dulmiga iyo aabiga), iyo inaad (cibaadada) la wadaajisaan Alle wax aanu wax xujo ah u soo dejin iyo inaad ka sheegtaan Alle waxaydaan aqoon u laheyn.
35. Ilma Aadamow! Hadday idiin yimaadaan Rusul idinka mid ah, idin soo gaadhsiinaya Aayadahayga, ee ciddii ka dhowrsata (xumaha) oo sama fasha, cabsi ma ahaaneyso korkooda, mana murugoonayaan.
37. Yaa ka dulmi badan mid ka been sheega Alle ama beeniya Aayadahiisa? Kuwaasi, qaybtooda loogu qoray Kitaabka (Qaddarka) way gaadhi, ilaa markay Rusushayadu (malakul mowdka iyo kalkaaliyayaashiisa) u yimaadaan si ay u oofsadaan, waxay odhan: Meeye waxaad baryi (caabudi) jirteen Alle sokadi?. Waxay odhan: Way naga dhumeen oo tageen: waxayna ku marag furi nafahooda inay ahaayeen gaalo.
40. Hubaal, kuwa beeniya Aayadahayaga ee iska weyneeya, looma furayo albaabbada samada, mana galayaan Jannada jeer rati maro daloolka irbadda. Sidaasaanna u abaal marinnaa denbiilayaasha.
43. Waxaan ka siibi wixiiba ku jira laabahooda oo xumaan kala tirsi ah; webiyadu waxay qulquli hoostoodu, waxayna odhan: Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Alle, ee nagu hanuuniyey (Islaamka), kumana aan hanuuneen haddii uusan Alle nagu hanuunsheen. Waxay la yimaadeen Rusushii Rabbigeen Xaq. Waxaana loogu dhawaaqi: Tani waa Jannadii la idinku dhaxal siiyey waxaad camalsan fali jirteen.
46. Dhexdooda waxaa ahaan xijaab, meelaha sarena waxaa ahaan rag ku garanaya cid kasta astaamahooda, waxay u dhawaaqina ehlu Jannaha: Nabad korkiinna ha ahaato, waqtigaana iyagu (kuwa ku sugan meelaha sare - Al acraaf) weli ma ay gelin (Jannada), inkastoo damac ka hayo.
48. Qoladii ku sugnaa Al Acraaf (meelaha sare) waxay u dhawaaqi rag ay ku garan astaamahooda iyagoo ku odhan: Waxba idiin ma ay tarin urursigiinnii maalka, iyo iska weyneyntiinnii (Xaqa).
49. Ma kuwani baa kuwaad dhaar ku marteen, in aanu Alle ku galladeysaneyn Naxariis dushooda? Gala Jannada, (ehlu acraafow) ma aha cabsi dushiinna, mana murugooneysaan.
50. Ehlu Naarku waxay u dhawaaqi ehlu Jannaha (oo ku odhan): Noogu soo deeqa biyo ama wuxuu Alle idinku irsaaqay. Waxay odhan: Alle wuu ka xarrimay gaalada.
51. Kuwa ka yeesha diintooda haasaawe iyo dheel ay hoddayna noloshan adduunku. Marka maanta waanu hilmaami (uga tegi Naarta) siday u hilmaameen la kulankooda Maalintooda tani iyo siday Aayadahayaga u dafiri jireen.
53. Ma waxay sugi waxaan aheyn fulinta (wuxuu ka digay Qur’aanka)? Maalinta (Qiyaamada) marka fulintiisa la gaadho, kuwii hore u hilmaamay waxay odhan: Waxay Rususha Rabbigayo keeneen xaq, ee ma leennahay wax shafeecayaal ah oo noo shafeeca qaada? Ama dib mana loo celin (adduunka mar kale) si aanu u falno (camallo) aan ahayn oo ka duwan waxaan falnay? Waxay khasaareen nafahooda, wayna ka dhumeen (waayeen) waxay (ilaahyo) been abuuran jireen (oo wax uma tarin waayo wax jira ma aheyn).
56. Hana ku falina fasahaad arlada, inta la hagaajiyey kaddib, baryana (Alle) idinkoo baqdin iyo rajoba qaba, hubaal, Naxariista Alle waxay u dhowdahay sama falayaasha.
57. Waa Isaga Kan soo dira dabeylaha bishaaro ahaan ka horreeya Naxariistiisa (roobka) jeer markay soo qaadaan daruuro culus, waxaan u kaxeynaa korka dhul dhintay, kolkaas baan ku hoorinnaa biyo, waxaana ku soo saarnaa miro nooc walba. Sidaasaannu u soo saari maytida, inaad xusuusataan.
59. Waxaan u soo dirnay Nuux tolkiisii markaasuu wuxuu yidhi: Tolkaygiyow! Caabuda Alle Keliya! Ma lihidin ilaah (xaq ah) aan Isaga ahayn. Waxaan anigu idiinka cabsan Cadaab Maalin daran.
63. Ma waxaad la yaabteen inay waano idiinka timaaddo xagga Rabbigiin uu soo faray nin idinka mid ahi, si uu idiinku digo, iyo inaad ka dhowrsataan (shirkiga iyo xumaha kale), si la idiinku naxariisto.
65. (Waxaan u dirnay) Caadna walaalkood Huud, Wuxuu yidhi: Tolkaygiiyow! Caabuda Alle Keliya! Ma lihidin ilaah kale (oo xaq ah) Isaga maahee. Ma waydaan Alle ka cabsaneyn (oo iska jireyn xumaha).
69. Ma waxaad la yaabteen inay waano idiinka timaaddo xagga Rabbigiin, uu soo faray nin idinka mid ah si uu idiinku digo? Xusuusta markuu idinka dhigay kuwa dhaxla (dhulka) qolodii Nuux kaddib, oo idiin kordhiyey abuur ahaan lixaad. Ee xusa Nicmooyinka Alle si aad u liibaantaan.
70. Waxay yidhaahdeen: Ma waxaad noola timid inaan caabudno Alle Keliya oo aan ka tagno waxay caabudi jireen aabbayaashayo? (ma jirto) ee noo keen waxaad noogu gooddido haddaad run sheegeyso.
72. Markaasaan waxaan ku badbaadinnay isaga iyo intii la jirtayba naxariis ka ahaatay Xaggayaga, waxaana cidhib tirnay kuwii beeniyey Aayadahayaga, mana ay aheyn mu’miniin.
75. Waxay xildhibaannadii kuwaa isla weynaa ee ka mid ahaa qolodiisii ku yidhaahdeen kuwii loo arkay daciif ee ahaa kuwoodii rumeeyey dhexooda: Ma waxaad ogtihiin in Saalix laga soo diray xagga Rabbigi? Waxay yidhaahdeen: Innagu waxa lala soo diray waanu rumeynay.
79. Markaasuu ka jeestay oo yidhi: Tolkaygiyow! Waxaan idin soo gaarsiiyey Fartiintii Rabbigay, idin siiyeyna naseexo wanaagsan, ma se jeclidin kuwa idiin naseexeeya.
87.Haddayse koox idinka mid ah rumeysay waxa la ila soo diray, kooxna ayna rumeyn, haddaba samra (suga) ilaa intuu Alle noo kala garsooro dhexdeenna, Isagaana u wanaagsan inta wax garsoorta.
88. Xildhibaannadii, kuwii isla weynaa ee ka mid ahaa qolodiisii waxay yidhaahdeen: Waxaanu kaaga saari debedda Shucaybow iyo (sidoo kale) kuwa rumeysan la jirkaa magaaladayada ama waa inaad u soo noqotaan diinteenna 'hab dhaqankayaga'. Wuxuu yidhi: Ma xataa haddaanu dooneyn.
89. Waxaan ka been sheegnay Alle haddaan u soo noqonno diintiinna, kaddib markuu Alle naga badbaadiyey.Nagumana habboona inaan u noqonno, inuu Alle, Rabbigayo doono ma’ahee. Rabbigayo wuxuu ku koobaa wax walba Cilmi. Alle baanu isku halleynaa oo tala saarannay; Rabbigayow! Noogu kala garsoor innaga iyo tolkayaga xaq, Adigaa u wanaagsan inta wax kala saarta.
100. Ma waysan u caddaanin kuwa dhaxla dhulka dadkeedii (hore) ee lahaa kaddib, in haddaan doonno, aan u qaban denbiyadooda? Waxaanuna yeeli shaabbad daboosha quluubtooda sidaa darteed ayna wax maqlayn.
101. Magaalooyinkan, waxaan kuu soo tebinnaa wararkoodii, waxayna Rusushoodii ula yimaadeen xujooyin cad, mase aheyn kuwo rumeynaya waxay horey u beeniyeen. Sidaasuu Alle u yeelaa shaabbad daboosha quluubta gaalada.
105. Waxaan mudanahay inaan ka sheegin Alle waxaan Xaq ahayn. Waxaan idiinka la imid Xujo Cad xagga Rabbigiin. Ee igu dar ha ila tageene ilmaha Israa’iil.
123. Fircoon wuxuu yidhi: Ma waxaad rumeyseen ka hor intaan idiin idmin? Arrinkani waa tab aad ku soo degteen si qarsoodi ah magaalada si aad uga saartaan dadkeeda, waadse ogaan doontaan.
126. Ma jirona waxaad nagu naceyso aan ahayn inaan rumeynay Calaamooyinka Rabbigayo markay noo yimaadeen! Rabbigayow! Nagu shub samir oo na oofso innagoo kuu hoggaansan Muslimiin ah.
131. Markay samaan u timaaddo, waxay yidhaahdaan: Innagaa leh tani. Haddii (xaalad) xun ku dhacdona, waxay baaseystaan Muuse iyo kuwa la jira. Ogaada, baaskoodu, wuxuu uun jiraa Alle agti, badankooduse ma ogsoona.
137. Waxaana dhaxalsiinnay qolodii loo arkay kuwo tabar daran gobollada bari ee dhulka iyo kuwa galbeedba ee aan barakaynay2. Kelmadda wanaagsan ee Rabbigaana waa loo oofiyey Ilmahii Israa’iil, samirkoodii awgi iyo u dul qaadashadoodii (dhibaatooyinka). Waxaana baabbi'nnay waxay Fircoon iyo qolodiisii sameeyeen iyo waxay dhismooyin taageenba3.
2. Suuriya, Masar iyo magaalooyinka hareerahooda ah.
3. Ee lagu dhisay xoogga ilmihii Israa'ill sida magaalada Ramsiis, iyo taalladdii uu ku dhisay Haamaan amarka Fircoon.
143. Markuu u yimid Muuse ballankayagii oo Rabbigi la hadlay, wuxuu yidhi: Rabbiyow! Iskay tus aan ku eegee. (Alle) Wuxuu yidhi: Ima arki kareysid (adduunka oo ma awooddid), laakiinse eeg buurta, hadday ku sugnaato meesheeda markaas ayaad i arki. Markiise uu Rabbigi isu muujiyey buurtii5, wuxuu ka yeelay burbur, Muusena dhulkuu ugu dhacay suuxdin. Markuu soo miyirsaday wuxuu yidhi: Xurmo oo dhan Adigaa leh oo ka hufan (ceeb iyo nuqsaan), waan kuu toobad keenay (Allow), waxaana ahay kan ugu horreeya mu'miniinta.
5. Wuxuu Alle isu muujiyey buurta qaddar dhan ciddida far yarada, markaasay buurtii burburtay oo budo noqotay. Muuqashada Alle la mid ma aha muuqashada Aadmiga, ee waa si ku habboon oo u qalma Weynida Alle, dadku ma ay suureysan karaan arrinkaasi.
144. (Alle) wuxuu yidhi: Muusow! Waxaan kaa doortay dadka (waqtigan si aad u qaaddo) Farriimaheyga aan kula soo diray iyo Hadalkeyga ee qaado waxaan ku siiyey oo ka mid ahow kuwa (ku) mahdiya (Alle).
148. Waxay ka yeesheen qolodii Muuse markuu ka soo tagey kaddib (si uu wada hadal ula yeesho Rabbigi, waxay ka yeesheen) dahabkoodii dibi qolof ah leh cod beynaax ah (ay caabudaan)6. Miyaanay arkaynin inaanu la hadleyn, kuna toosineynin jid? Wayse yeesheen (si ay u caabudaan) waxayna ahaayeen daalimiin.
6. Sameyntooda sanam leh muuqaal dibi iyo caabudaadda ay caabudeen waxay ahayd imtixaan laga imtixaanay xagga Alle si uu u muujiyo qofka iimaankiisu sugan yahay oo xoog leeyahay iyo kan shakiga qaba. Kuwa iimaankooda daciifka ahaa waxay raaceen Saamiri,. Halka kuwa iimaankoodu xoog lahaa ay ku sugnaadeen Xaqa.
150. Markuu Muuse ku soo noqday qolodiisii isagoo cadhaysan oo walbahaar-san buu yidhi: Xumaa waxaad fasheen kaddib (tagisteydii). Ma waxaad ka degdegsasteen amarka Rabbigiin?Wuxuuna tuuray looxyadii, oo soo qabtay madaxa walaalki isagoo u soo jiidaya xaggiisa. (Haaruun) wuxuu yidhi: Ina hooyoow! Qolodani waxay ii arkeen daciif, waana I dili gaareen, ee ha igu farax gelin cadowga, hana igala mid dhigin qoloda daalimiinta ah.
156. Oo noo qor samaan adduunyadan iyo Aakhiradaba, waan kuu soo noqonnay si aan u hanuunno. (Alle) wuxuu yidhi: Cadaabkayga waxaan ku ridi kaan doono, Naxariistayduna waxay koobtaa wax kasta, waxaana u qori (gaar ahaan) kuwa (iska jira shirkiga iyo xumaha kale ee qaata daahirsanaanta -Towxiidka Islaamka, ee salaadda ooga) sakadana bixiya ee iyagu ah kuwa Aayadahayaga rumeysan.
157. Kuwa raaca Rasuulka-Nabiga aan waxna qorin, waxna akhrin, oo ay ka helayaan isagoo ku qoran Tawraadda iyo Injiilka - kaasoo amra wanaagga kana reeba xumaanta, oo u xalaaleeya waxyaalaha wanaagsan kana xaaraameeya Waxyaalaha xun oo ka dejiya culayskooda iyo xargihii korkooda ahaa7. Kuwa rumeeya (Nabigaa) oo sharfa, oo u gargaara oo raaca Nuurka (Qur’aanka) lala soo diray, waa kuwaa kuwa ah liibaanayaasha.
7. Shareecada Nabi Muxammad ma leh iskallifaad culus oo adag sida xilalka adag ee la saaray ilmihii Israa’iil. Haddii aynu tusaale ka bixinno taa waxaa sharcigooda ka mid ahaa in la dilo qofka si ay u ansaxdo tawbadiisa, iyo in la dilo qofkii qof dila ha u dilo kas iyo ula kac am ula kac la’aan, iyo in la gooyo xubinta uu ka sameeyo xumaanta, in la gooyo marada meeshay najaaso gaarto.
158. (Nabi Muxammadow) dheh: Dadow! Anigu waxaan ahay Rasuulka Alle ee loo soo diray idinka oo dhan, Allahaasoo iska leh Boqortooyada (runta ah ee) samooyinka iyo arlada. Ma jiro Ilaah (xaq ah) Isaga Maahee; Isagaa wax nooleeya waxna dhinsiiya. Ee rumeeya Alle iyo Rusuulkiisa, Nabiga aan waxna qorin, waxna akhriyin, ee rumeysan Alle iyo Kelmadihiisa, raacana si aad u hanuuntaan.
161. Markii lagu yidhi: Dega magaaladan (Qudus)8 oo wax ka cuna meeshaad doontaan, oo dhahaya,’ (Allow naga) rid culayska na saaran’; kana gala albaabka idinkoo sujuudsan (hoggaansan), aan idiin dhaafnee gefefkiina: Waana u ziyaadin (ajarka) sama falayaasha.
8. Magaalada Eliyah (Qudus) ee ku taal gacanka badda cas ee u dhexeysa magaalada Madyan iyo buurta Siinaay.
162. Waxayse kuwoodii ka midka ahaa ee dulmiga falay ku beddeleen hadal ka duwan midkii lagu yidhi9. Markaasaan kaga soo dejinnay cirka cadaab dulmigoodii dartiis.
9. Waxaa la amaray inay yidhaahdaan xiddah Allow noo denbi dhaaf, waxayse u beddeleen jeesjees ahaan inay yidhaahdeen xindah gallay tin ku jirta,
164. Markay jameeco ka mid ahi tidhi: Maxaad u waanineysaan qolo uu Alle halligayo, ama ku cadaabi cadaab daran? Waxay yidhaahdeen: Waa si aan eed naloogu raacan Rabbigiin horti, iyo inay Alle ka cabsadaan.
173. Ama aydaan u odhan: Waxaa wax la wadaajiyey (Alle cibaadada) aabbayaasha- yadii awal hore10, waxaan innaguna aheyn durriyad timid iyaga kaddib; ee ma waxaad noo halaageysaa waxay faleen baadil raaca?
10. Si aanay u odhan mushrikiinta in aabbayaashood ay yihiin kuwa la wadaajiyey cid kale (cibaadada) Alle. Mana ay garaneyn inuu shirkigu yahay denbi iyo gef weyn iyo gardarro, ma garanayn dariiq kale aan ahayn inay raacaan aabbayaashood, sida awgeed waxay iyagu qabaan inaysan mudneyn cadaab sbabta gefka aabbayaashood.
179. Waxaan u abuurnay Jahannama in badan oo ka mid ah jinka iyo dadka. Waxay leeyihiin quluub aysan wax ku fahmin, indho aysan wax ku arag, iyo dhego aysan wax ku maqal. Waa sida xoolo oo kale, mayee waa bay ka sii habow daran yihiin; kuwaa waa kuwa ka dhoohan (Xaqa).
180. Alle baa iska leh Magacyada wanaagga iyo quruxda badan. Ee ku barya, oo iskaga taga kuwa leexsha ee ku xadguba xurmadda Magacyadiisa13. Waa laga abaal marin doonaa waxay falayeen.
13. Ha siin wax tixgelin ah iyo mudnaan oo isaga tag kuwa ku caabuda Alle xusid magacyo aan ku haabboneyn sida Kiristhaanka ugu yeera: aabbe ama eebbe ” iyo mushrikiinta Carbeed ee ugu yeera Laat, Cuzzaa, iyo Manaat, iwm magacyadaasoo aan ku habbooneyn Alle ama kuwa beddela magacyada wanaagsan ee Alle macnahooda ama sifadooda oo ku fasira waxaalo kale sida inay Gacanta Alle ku fasiraan awood, indhahana ilaalin, Imaanashaha Allena, ku fasira imaanshaha Amarkiisa, iwm, taasoo aan bannaaeyn.
185. Miyaanay fiirin boqortooyada samooyinka iyo arlada iyo wax kastoo uu Alle abuuray, iyo in laga yaabo in muddadoodu soo dhowaatay, ee hadalkee bay rumaynayaan kani (Qur’aanka) kaddib?
189. (Alle) waa Kan idinka abuuray naf keliya (Aadam) oo isla xaggeeda ka abuuray xaaskiisa (Xawwaa), si uu u weheshado. Markuuse (mid ka mid ah aadmiga) u galmoodo (xaaskiisa) bay qaaddaa uur yar, oo halkaas ka sii waddo, markay cuslaato, waxay labaduba baryaan Alle, Rabbigood, (oo ay yidhaahdaan): Haddaad na siiso (dhal) wanaagsan, waxaanu ka mid noqon kuwa mahdiya.
195. Ma waxay leeyihiin cago ay ku socdaan? Mise gacmo ay wax ku qabsadaan? Mise indho ay wax ku arkaan? Mise dhego ay wax ku maqlaan? Dheh, U yeerta shurakadiinna oo ii tab dhiga, hana i sugina oo i siinnina wax fursad ah.
206. Kuwa ah Rabbigaa agti (waa malaa’igta) marnaba iskama weyneeyaan cibaadadiisa, wayna ka hufaan (xumaan iyo nuqsaan oo dhan) oo xurmo weyneeyaan, Isagayna u sujuudaan15.
15. Tani waa mid ka mid ah Aayadaha la sujuudo marka la akhriyo, waa sida wanaagsan ee door roon in la sujuudo marka la akhriyo Aayad sajda leh, mase aha waajib in la sujuudo marka la akhriyo ama la maqlo ha ahaato salaad gudaheed ama debeddeed , waxaana sujuuddan la yiraahdaa sujuud at-tilaawah.
Contents of the translations can be downloaded and re-published, with the following terms and conditions:
1. No modification, addition, or deletion of the content.
2. Clearly referring to the publisher and the source (QuranEnc.com).
3. Mentioning the version number when re-publishing the translation.
4. Keeping the transcript information inside the document.
5. Notifying the source (QuranEnc.com) of any note on the translation.
6. Updating the translation according to the latest version issued from the source (QuranEnc.com).
7. Inappropriate advertisements must not be included when displaying translations of the meanings of the Noble Quran.
نتائج البحث:
API specs
Endpoints:
Sura translation
GET / https://quranenc.com/api/v1/translation/sura/{translation_key}/{sura_number} description: get the specified translation (by its translation_key) for the speicified sura (by its number)
Parameters: translation_key: (the key of the currently selected translation) sura_number: [1-114] (Sura number in the mosshaf which should be between 1 and 114)
Returns:
json object containing array of objects, each object contains the "sura", "aya", "translation" and "footnotes".
GET / https://quranenc.com/api/v1/translation/aya/{translation_key}/{sura_number}/{aya_number} description: get the specified translation (by its translation_key) for the speicified aya (by its number sura_number and aya_number)
Parameters: translation_key: (the key of the currently selected translation) sura_number: [1-114] (Sura number in the mosshaf which should be between 1 and 114) aya_number: [1-...] (Aya number in the sura)
Returns:
json object containing the "sura", "aya", "translation" and "footnotes".