Check out the new design

Vertaling van de betekenissen Edele Qur'an - Somalische vertaling - Abdoellah Hassan Ya'qub. * - Index van vertaling

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Vertaling van de betekenissen Surah: Albaqarah   Vers:
قَالُواْ ٱدۡعُ لَنَا رَبَّكَ يُبَيِّن لَّنَا مَا هِيَ إِنَّ ٱلۡبَقَرَ تَشَٰبَهَ عَلَيۡنَا وَإِنَّآ إِن شَآءَ ٱللَّهُ لَمُهۡتَدُونَ
70. Waxay yidhaahdeen: Noo bari Rabbigaa inuu noo caddeeyo waxay tahay, lo’dii (oo dhan) baa isaga kaaya ekaatay, haddii Alle idmo waxaan ahaan kuwo hanuunsan.
Arabische uitleg van de Qur'an:
قَالَ إِنَّهُۥ يَقُولُ إِنَّهَا بَقَرَةٞ لَّا ذَلُولٞ تُثِيرُ ٱلۡأَرۡضَ وَلَا تَسۡقِي ٱلۡحَرۡثَ مُسَلَّمَةٞ لَّا شِيَةَ فِيهَاۚ قَالُواْ ٱلۡـَٰٔنَ جِئۡتَ بِٱلۡحَقِّۚ فَذَبَحُوهَا وَمَا كَادُواْ يَفۡعَلُونَ
71. Wuxuu yidhi: Wuxuu leeyahay, waa sac aan loo tababarin inay fasho arlada ama inay waraabiso beeraha, ka maran ceeb, oo aan lahayn wax bar ah.Waxay yidhaahdeen: Haatan baad la timid xaqa. Markaasay gowraceen, inkastoy ku dhowaadeen inayan sameyn (cinaad darti).
Arabische uitleg van de Qur'an:
وَإِذۡ قَتَلۡتُمۡ نَفۡسٗا فَٱدَّٰرَٰءۡتُمۡ فِيهَاۖ وَٱللَّهُ مُخۡرِجٞ مَّا كُنتُمۡ تَكۡتُمُونَ
72. (Xusuusta) markaad disheen nin, oo isku qabateen (cidda dishay), Allese wuxuu ahaa mid u soo saaraya debedda waxaad qarineyseen.
Arabische uitleg van de Qur'an:
فَقُلۡنَا ٱضۡرِبُوهُ بِبَعۡضِهَاۚ كَذَٰلِكَ يُحۡيِ ٱللَّهُ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَيُرِيكُمۡ ءَايَٰتِهِۦ لَعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ
73. Markaasaanu nidhi: Ku dhufta (ninka la dilay) wax ka mid ah (sacaa la gowracay). Sidaasuu Alle u soo nooleeyaa meytida, wuxuuna idin tusaa calaamooyinkiisa si aad u garowsataan.
Arabische uitleg van de Qur'an:
ثُمَّ قَسَتۡ قُلُوبُكُم مِّنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَ فَهِيَ كَٱلۡحِجَارَةِ أَوۡ أَشَدُّ قَسۡوَةٗۚ وَإِنَّ مِنَ ٱلۡحِجَارَةِ لَمَا يَتَفَجَّرُ مِنۡهُ ٱلۡأَنۡهَٰرُۚ وَإِنَّ مِنۡهَا لَمَا يَشَّقَّقُ فَيَخۡرُجُ مِنۡهُ ٱلۡمَآءُۚ وَإِنَّ مِنۡهَا لَمَا يَهۡبِطُ مِنۡ خَشۡيَةِ ٱللَّهِۗ وَمَا ٱللَّهُ بِغَٰفِلٍ عَمَّا تَعۡمَلُونَ
74. Markaasay qallashay quluubtiinnu intaa kaddib, waana sida dhagaxda oo kale, ama ka adayg badanba. waayo waxaa jira dhagaxyada qaar ay ka soo burqadaan webiyo, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo dildillaaca markaas biyo ka soo shubmaan, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo la soo dhaca cabsi Alle darteed [15]. Alle ma mooga waxaad falaysaan.
15. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waxaan garan dhagax ku yiil Makkah oo I salaami jirey intaan lay soo dirin Nabi ahaan.”w.w. Muslim.
Arabische uitleg van de Qur'an:
۞ أَفَتَطۡمَعُونَ أَن يُؤۡمِنُواْ لَكُمۡ وَقَدۡ كَانَ فَرِيقٞ مِّنۡهُمۡ يَسۡمَعُونَ كَلَٰمَ ٱللَّهِ ثُمَّ يُحَرِّفُونَهُۥ مِنۢ بَعۡدِ مَا عَقَلُوهُ وَهُمۡ يَعۡلَمُونَ
75. Ma waxaad damac ka qabtaan (mu’miniintoy) inay wax idinka rumeystaan (Yuhuuddu) iyagoo koox ka mid ah ay dhageysan jireen Hadalka Alle, haddana beddelaan (Towraadda) [16] intay fahmeen kaddib iyagoo og (inay gefsan yihiin)?
16. waxaa loolaa jeedaa Yuhuuddii ku nooleyd Madiina ee beddelay Towraadda gaar ahaan wixii ku saabsanaa oo la xiriiray imaanshaha Nabi Muxammad s.c.w.
Arabische uitleg van de Qur'an:
وَإِذَا لَقُواْ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ قَالُوٓاْ ءَامَنَّا وَإِذَا خَلَا بَعۡضُهُمۡ إِلَىٰ بَعۡضٖ قَالُوٓاْ أَتُحَدِّثُونَهُم بِمَا فَتَحَ ٱللَّهُ عَلَيۡكُمۡ لِيُحَآجُّوكُم بِهِۦ عِندَ رَبِّكُمۡۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
76. Markay la kulmaanna kuwa (Xaqa) rumeeyey (Muslimiinta), waxay yidhaah- daan: Waan rumaysannahay, markase ay keli isla noqdaan qaarkoodba qaar, waxay yidhaahdaan: Ma waxaad uga warramey- saan waxa uu Alle idiin caddeeyey [17], si ay iyagu idinkula doodaan arrintaa Rabbigiin horti? Ma waydaan wax fahmeyn?
17. Towraadda waxaa ku yiil caddeyn in Nabi Muxammad s.c.w. yahay kan lagu khatimayo anbiyada Alle, ha yeeshee Yuhuuddu way qariyeen iyagoo ka cabsaday inay ku dheef waayaan oo ka soo gaaro dhib iyo waxyeello.
Arabische uitleg van de Qur'an:
 
Vertaling van de betekenissen Surah: Albaqarah
Surah's Index Pagina nummer
 
Vertaling van de betekenissen Edele Qur'an - Somalische vertaling - Abdoellah Hassan Ya'qub. - Index van vertaling

Vertaald door Abdoellah Hassan Yaqoeb.

Sluit