Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 拜格勒   段:
قَالُواْ ٱدۡعُ لَنَا رَبَّكَ يُبَيِّن لَّنَا مَا هِيَ إِنَّ ٱلۡبَقَرَ تَشَٰبَهَ عَلَيۡنَا وَإِنَّآ إِن شَآءَ ٱللَّهُ لَمُهۡتَدُونَ
70. Waxay yidhaahdeen: Noo bari Rabbigaa inuu noo caddeeyo waxay tahay, lo’dii (oo dhan) baa isaga kaaya ekaatay, haddii Alle idmo waxaan ahaan kuwo hanuunsan.
阿拉伯语经注:
قَالَ إِنَّهُۥ يَقُولُ إِنَّهَا بَقَرَةٞ لَّا ذَلُولٞ تُثِيرُ ٱلۡأَرۡضَ وَلَا تَسۡقِي ٱلۡحَرۡثَ مُسَلَّمَةٞ لَّا شِيَةَ فِيهَاۚ قَالُواْ ٱلۡـَٰٔنَ جِئۡتَ بِٱلۡحَقِّۚ فَذَبَحُوهَا وَمَا كَادُواْ يَفۡعَلُونَ
71. Wuxuu yidhi: Wuxuu leeyahay, waa sac aan loo tababarin inay fasho arlada ama inay waraabiso beeraha, ka maran ceeb, oo aan lahayn wax bar ah.Waxay yidhaahdeen: Haatan baad la timid xaqa. Markaasay gowraceen, inkastoy ku dhowaadeen inayan sameyn (cinaad darti).
阿拉伯语经注:
وَإِذۡ قَتَلۡتُمۡ نَفۡسٗا فَٱدَّٰرَٰءۡتُمۡ فِيهَاۖ وَٱللَّهُ مُخۡرِجٞ مَّا كُنتُمۡ تَكۡتُمُونَ
72. (Xusuusta) markaad disheen nin, oo isku qabateen (cidda dishay), Allese wuxuu ahaa mid u soo saaraya debedda waxaad qarineyseen.
阿拉伯语经注:
فَقُلۡنَا ٱضۡرِبُوهُ بِبَعۡضِهَاۚ كَذَٰلِكَ يُحۡيِ ٱللَّهُ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَيُرِيكُمۡ ءَايَٰتِهِۦ لَعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ
73. Markaasaanu nidhi: Ku dhufta (ninka la dilay) wax ka mid ah (sacaa la gowracay). Sidaasuu Alle u soo nooleeyaa meytida, wuxuuna idin tusaa calaamooyinkiisa si aad u garowsataan.
阿拉伯语经注:
ثُمَّ قَسَتۡ قُلُوبُكُم مِّنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَ فَهِيَ كَٱلۡحِجَارَةِ أَوۡ أَشَدُّ قَسۡوَةٗۚ وَإِنَّ مِنَ ٱلۡحِجَارَةِ لَمَا يَتَفَجَّرُ مِنۡهُ ٱلۡأَنۡهَٰرُۚ وَإِنَّ مِنۡهَا لَمَا يَشَّقَّقُ فَيَخۡرُجُ مِنۡهُ ٱلۡمَآءُۚ وَإِنَّ مِنۡهَا لَمَا يَهۡبِطُ مِنۡ خَشۡيَةِ ٱللَّهِۗ وَمَا ٱللَّهُ بِغَٰفِلٍ عَمَّا تَعۡمَلُونَ
74. Markaasay qallashay quluubtiinnu intaa kaddib, waana sida dhagaxda oo kale, ama ka adayg badanba. waayo waxaa jira dhagaxyada qaar ay ka soo burqadaan webiyo, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo dildillaaca markaas biyo ka soo shubmaan, oo waxaa jira qaar ka mid ah oo la soo dhaca cabsi Alle darteed15. Allena ma mooga waxaad falaysaan.
15. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Waxaan garan dhagax ku yiil Makkah oo I salaami jirey intaan lay soo dirin Nabi ahaan.”w.w. Muslim.
阿拉伯语经注:
۞ أَفَتَطۡمَعُونَ أَن يُؤۡمِنُواْ لَكُمۡ وَقَدۡ كَانَ فَرِيقٞ مِّنۡهُمۡ يَسۡمَعُونَ كَلَٰمَ ٱللَّهِ ثُمَّ يُحَرِّفُونَهُۥ مِنۢ بَعۡدِ مَا عَقَلُوهُ وَهُمۡ يَعۡلَمُونَ
75. Ma waxaad damac ka qabtaan (mu’miniintoy) inay wax idinka rumeystaan (Yuhuuddu) iyagoo koox ka mid ah ay dhageysan jireen Hadalka Alle, haddana beddelaan (Towraadda)16 intay fahmeen kaddib iyagoo og (inay gefsan yihiin)?
16. waxaa loolaa jeedaa Yuhuuddii ku nooleyd Madiina ee beddelay Towraadda gaar ahaan wixii ku saabsanaa oo la xiriiray imaanshaha Nabi Muxammad s.c.w.
阿拉伯语经注:
وَإِذَا لَقُواْ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ قَالُوٓاْ ءَامَنَّا وَإِذَا خَلَا بَعۡضُهُمۡ إِلَىٰ بَعۡضٖ قَالُوٓاْ أَتُحَدِّثُونَهُم بِمَا فَتَحَ ٱللَّهُ عَلَيۡكُمۡ لِيُحَآجُّوكُم بِهِۦ عِندَ رَبِّكُمۡۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ
76. Markay la kulmaanna kuwa (Xaqa) rumeeyey (Muslimiinta), waxay yidhaah- daan: Waan rumaysannahay, markase ay keli isla noqdaan qaarkoodba qaar, waxay yidhaahdaan: Ma waxaad uga warramey- saan waxa uu Alle idiin caddeeyey 17, si ay iyagu idinkula doodaan arrintaa Rabbigiin horti? Ma waydaan wax fahmeyn?
17. Towraadda waxaa ku yiil caddeyn in Nabi Muxammad s.c.w. yahay kan lagu khatimayo anbiyada Alle, ha yeeshee Yuhuuddu way qariyeen iyagoo ka cabsaday inay ku dheef waayaan oo ka soo gaaro dhib iyo waxyeello.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 拜格勒
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭