[27]. Waxay tilmaameysaa Addoonkii Nabiga s.c.w. uu xoreeyey, Zayd bin Xaarithah a.k.r. 
[28]. Arrinkani waa si loo caddeeyo in uu nimi guursan karo haweeney uu horey u qabay wiil uu soo korsaday ha yeeshee uusan dhalin.                            
[29]. Ama waxa uu u banneeyey inuu fali karo.
[30]. Waa anbiyada Alle (Nabad korkooda ha ahaatee), iyaga kaddibna kuwa raaca Nabi Muxammad s.c.w. ee lagu khatimay anbiyada, kuwaasoo si daacadnimo ah Ilaahay darti Keliya u gaarsiiya Dhambaalka Alle dadka oo idil.
[31]. Nabi Muxammad s.c.w. ma aha aabbaha nin ka mid ah asxaabta, sidaas awgeed Nabiga s.c.w. way u bannaaneyd inuu guursado Zaynab binti Jaxash a.k.r.
[32]. Alle Subxaanahu watacaalaa wuu idin daryeelaa oo idiinku deeqaa Naxariistiisa. Macno kale oo zaa’id ah waxaa weeye Wuxuu Alle idinku ammaanaa kulanka sare ee malaa’igta dhexdooda.