Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 章: 艾哈拉布   段:
وَمَا كَانَ لِمُؤۡمِنٖ وَلَا مُؤۡمِنَةٍ إِذَا قَضَى ٱللَّهُ وَرَسُولُهُۥٓ أَمۡرًا أَن يَكُونَ لَهُمُ ٱلۡخِيَرَةُ مِنۡ أَمۡرِهِمۡۗ وَمَن يَعۡصِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ فَقَدۡ ضَلَّ ضَلَٰلٗا مُّبِينٗا
36. Kuma habboona nin mu’min ah ama haweeney mu'minad ah, markay Alle iyo Rasuulkiisu Arrin gooyaan inay yeeshaan talo goosi iskood ah. Qofkii caasiya Alle iyo Rasuulkiisa, wuxuu lumay lumitaan cad.
阿拉伯语经注:
وَإِذۡ تَقُولُ لِلَّذِيٓ أَنۡعَمَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِ وَأَنۡعَمۡتَ عَلَيۡهِ أَمۡسِكۡ عَلَيۡكَ زَوۡجَكَ وَٱتَّقِ ٱللَّهَ وَتُخۡفِي فِي نَفۡسِكَ مَا ٱللَّهُ مُبۡدِيهِ وَتَخۡشَى ٱلنَّاسَ وَٱللَّهُ أَحَقُّ أَن تَخۡشَىٰهُۖ فَلَمَّا قَضَىٰ زَيۡدٞ مِّنۡهَا وَطَرٗا زَوَّجۡنَٰكَهَا لِكَيۡ لَا يَكُونَ عَلَى ٱلۡمُؤۡمِنِينَ حَرَجٞ فِيٓ أَزۡوَٰجِ أَدۡعِيَآئِهِمۡ إِذَا قَضَوۡاْ مِنۡهُنَّ وَطَرٗاۚ وَكَانَ أَمۡرُ ٱللَّهِ مَفۡعُولٗا
37. (Xusuuso, Nabiyow) markaad ku lahayd kan uu Alle u nicmeeyay27 adiguna aad u nicmaysay: Heyso xaaskaaga, Allena ka cabso; waxaadna ku qarisay naftaada wuxuu Alle debedda keenayo, adigoo ka baqaya dadka, Alle baase mudan inaad ka baqdo. Markiise uu Zayd ka dan gutay (oo iskiis u furay) baan (Nabiyow) kuu guurinnay (Zaynab bint Jaxash) xaas ahaan, si aysan kala kulmin mu’miniinta wax dhib ah (xagga guursiga) xaasaska kuwa ay wiilasha ka dhigteen (inkastoo aanay dhalin) marka (ay wiilashaa ay soo korsadeen oo aanay dhalin) ka dan guteen (oo iskood u fureen)28. Amarka Alle waa mid abad fula oo hirgala.
27. Waxay tilmaameysaa Addoonkii Nabiga s.c.w. uu xoreeyey, Zayd bin Xaarithah a.k.r. 28. Arrinkani waa si loo caddeeyo in uu nimi guursan karo haweeney uu horey u qabay wiil uu soo korsaday ha yeeshee uusan dhalin.
阿拉伯语经注:
مَّا كَانَ عَلَى ٱلنَّبِيِّ مِنۡ حَرَجٖ فِيمَا فَرَضَ ٱللَّهُ لَهُۥۖ سُنَّةَ ٱللَّهِ فِي ٱلَّذِينَ خَلَوۡاْ مِن قَبۡلُۚ وَكَانَ أَمۡرُ ٱللَّهِ قَدَرٗا مَّقۡدُورًا
38. Ma aha Nabiga dushiisa wax dhib ah inuu falaa waxa Alle u banneeyey29. Waa jidkii Alle ee kuwii hore ee tegay. Amarka Alle waa qaddar horay ka fula.
29. Ama waxa uu u banneeyey inuu fali karo.
阿拉伯语经注:
ٱلَّذِينَ يُبَلِّغُونَ رِسَٰلَٰتِ ٱللَّهِ وَيَخۡشَوۡنَهُۥ وَلَا يَخۡشَوۡنَ أَحَدًا إِلَّا ٱللَّهَۗ وَكَفَىٰ بِٱللَّهِ حَسِيبٗا
39. (Waxaa ammaan mudan) kuwa gaarsiiya dadka Farriimaha Alle oo ka baqa30, oo aan ka baqin cidna Alle maahee. Alle ku filan xisaabiye ahaan.
30. Waa anbiyada Alle (Nabad korkooda ha ahaatee), iyaga kaddibna kuwa raaca Nabi Muxammad s.c.w. ee lagu khatimay anbiyada, kuwaasoo si daacadnimo ah Ilaahay darti Keliya u gaarsiiya Dhambaalka Alle dadka oo idil.
阿拉伯语经注:
مَّا كَانَ مُحَمَّدٌ أَبَآ أَحَدٖ مِّن رِّجَالِكُمۡ وَلَٰكِن رَّسُولَ ٱللَّهِ وَخَاتَمَ ٱلنَّبِيِّـۧنَۗ وَكَانَ ٱللَّهُ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٗا
40. Muxammad ma aha aabbaha qofna ka mid ah raggiina, waase Rasuul Alle iyo kan u dambeeyey ee lagu khatimay Nabiyada31. Alle wax walba wuu Og yahay.
31. Nabi Muxammad s.c.w. ma aha aabbaha nin ka mid ah asxaabta, sidaas awgeed Nabiga s.c.w. way u bannaaneyd inuu guursado Zaynab binti Jaxash a.k.r.
阿拉伯语经注:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ ذِكۡرٗا كَثِيرٗا
41. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Xusa Alle xusid badan.
阿拉伯语经注:
وَسَبِّحُوهُ بُكۡرَةٗ وَأَصِيلًا
42. Xurmad weyneeyana oo u tasbiixsada (ka hufa xumaan) aroor iyo galabba.
阿拉伯语经注:
هُوَ ٱلَّذِي يُصَلِّي عَلَيۡكُمۡ وَمَلَٰٓئِكَتُهُۥ لِيُخۡرِجَكُم مِّنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِۚ وَكَانَ بِٱلۡمُؤۡمِنِينَ رَحِيمٗا
43. Waa Isaga 'Alle' Kan soo dira Barakooyinkiisa korkiinna32, malaa’igtiisuna idiin duceyso, si uu idiinkaga saaro mugdiyada xagga Nuurka. (Alle) waa u Naxariis Badan yahay mu’miniinta.
32. Alle Subxaanahu watacaalaa wuu idin daryeelaa oo idiinku deeqaa Naxariistiisa. Macno kale oo zaa’id ah waxaa weeye Wuxuu Alle idinku ammaanaa kulanka sare ee malaa’igta dhexdooda.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 章: 艾哈拉布
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭