Check out the new design

د قرآن کریم د معناګانو ژباړه - صومالي ژباړه - عبد الله حسن یعقوب * - د ژباړو فهرست (لړلیک)

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

د معناګانو ژباړه سورت: مدثر   آیت:

Al-muddathir

يَٰٓأَيُّهَا ٱلۡمُدَّثِّرُ
1. Kani ku dedanow dharka!
1. Al-Muddath-thir: Midka ku deday naftiisa maryaha. Nabigaa loola jeedaa.
عربي تفسیرونه:
قُمۡ فَأَنذِرۡ
2. Kac oo dig,
عربي تفسیرونه:
وَرَبَّكَ فَكَبِّرۡ
3. Rabbigaana weynee.
عربي تفسیرونه:
وَثِيَابَكَ فَطَهِّرۡ
4. Maryahaagana daahiri.
عربي تفسیرونه:
وَٱلرُّجۡزَ فَٱهۡجُرۡ
5. Fadaradana (sanamada iyo najaasooyinka) ka fogow.
عربي تفسیرونه:
وَلَا تَمۡنُن تَسۡتَكۡثِرُ
6. Waxna ha u bixin si aad u hesho wax ka badan.
عربي تفسیرونه:
وَلِرَبِّكَ فَٱصۡبِرۡ
7. Rabbigaana dartiis u samir.
عربي تفسیرونه:
فَإِذَا نُقِرَ فِي ٱلنَّاقُورِ
8. Marka Buunka (Qiyaame) la afuufo;
عربي تفسیرونه:
فَذَٰلِكَ يَوۡمَئِذٖ يَوۡمٌ عَسِيرٌ
9. Maalintaasi waa maalin aad u Daran.
عربي تفسیرونه:
عَلَى ٱلۡكَٰفِرِينَ غَيۡرُ يَسِيرٖ
10. Gaalada aan u fududeyn.
عربي تفسیرونه:
ذَرۡنِي وَمَنۡ خَلَقۡتُ وَحِيدٗا
11. Isu kaanna daa aniga iyo kaan abuuray isagoo keli ah (qaawan).
عربي تفسیرونه:
وَجَعَلۡتُ لَهُۥ مَالٗا مَّمۡدُودٗا
12. Oo aan siiyey hanti ballaadhan.
عربي تفسیرونه:
وَبَنِينَ شُهُودٗا
13. Iyo wiilal ag jooga oo garabkiis ah.
عربي تفسیرونه:
وَمَهَّدتُّ لَهُۥ تَمۡهِيدٗا
14. (Oo aan u waasiciyey risiqa), una goglay wax walba hortiisa goglid.
عربي تفسیرونه:
ثُمَّ يَطۡمَعُ أَنۡ أَزِيدَ
15. Haddana damci inaan u ziyaadiyo;
عربي تفسیرونه:
كَلَّآۖ إِنَّهُۥ كَانَ لِأٓيَٰتِنَا عَنِيدٗا
16. Mayee, kaasi wuxuu diiday Aayadahayaga.
عربي تفسیرونه:
سَأُرۡهِقُهُۥ صَعُودًا
17. Waxaan ku kallifi inuu kor u fuulo cadaab silic iyo saxariir badan.
عربي تفسیرونه:
إِنَّهُۥ فَكَّرَ وَقَدَّرَ
18. (Gaalkaasu) wuu fekaray, wax buuna goostay;
عربي تفسیرونه:
 
د معناګانو ژباړه سورت: مدثر
د سورتونو فهرست (لړلیک) د مخ نمبر
 
د قرآن کریم د معناګانو ژباړه - صومالي ژباړه - عبد الله حسن یعقوب - د ژباړو فهرست (لړلیک)

د عبدالله حسن یعقوب لخوا ژباړل شوې ده.

بندول