Check out the new design

Ibisobanuro bya qoran ntagatifu - Ibisobanuro bya Qur'an Ntagatifu mu rurimi rw'igisomali - Abdallah Hassan Ya'aqub. * - Ishakiro ry'ibisobanuro

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Ibisobanuro by'amagambo Isura: Al Baqarat   Umurongo:
وَٱقۡتُلُوهُمۡ حَيۡثُ ثَقِفۡتُمُوهُمۡ وَأَخۡرِجُوهُم مِّنۡ حَيۡثُ أَخۡرَجُوكُمۡۚ وَٱلۡفِتۡنَةُ أَشَدُّ مِنَ ٱلۡقَتۡلِۚ وَلَا تُقَٰتِلُوهُمۡ عِندَ ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِ حَتَّىٰ يُقَٰتِلُوكُمۡ فِيهِۖ فَإِن قَٰتَلُوكُمۡ فَٱقۡتُلُوهُمۡۗ كَذَٰلِكَ جَزَآءُ ٱلۡكَٰفِرِينَ
191. Ku dila (kuwaa weerarka idinku ah) meeshaad ka heshaanba, kana saara meeshay idinka saareenba. Fidnada (faafinta shirkiga iyo gaalnimada) baana ka daran dilka. Hana kula dagaallamina Masjidka Xurmadda gaarka ah lihi agtiisa in maahee ay iyugu (marka hore) idinkula dagaallamaan. Haddayse idinkula dagaallamaan la dagaallama. Waa sidaas jazaha gaaladuye.
Ibisobanuro by'icyarabu:
فَإِنِ ٱنتَهَوۡاْ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٞ
192. Haddayse ka joogaan (xumaha), Alle waa Denbi Dhaaf Badane, Naxariis badan.
Ibisobanuro by'icyarabu:
وَقَٰتِلُوهُمۡ حَتَّىٰ لَا تَكُونَ فِتۡنَةٞ وَيَكُونَ ٱلدِّينُ لِلَّهِۖ فَإِنِ ٱنتَهَوۡاْ فَلَا عُدۡوَٰنَ إِلَّا عَلَى ٱلظَّٰلِمِينَ
193. La dagaallama (gaalada) si ayna u jirin wax dambe oo fidmo ahi (iyo dulmi), Diintuna u ahaato tan Alle oo keliya. Hadday ka joogaan (shirkiga iyo macaasida), markaa waa inaan colaad loo qaadin waxaan ahayn daalimiinta.
Ibisobanuro by'icyarabu:
ٱلشَّهۡرُ ٱلۡحَرَامُ بِٱلشَّهۡرِ ٱلۡحَرَامِ وَٱلۡحُرُمَٰتُ قِصَاصٞۚ فَمَنِ ٱعۡتَدَىٰ عَلَيۡكُمۡ فَٱعۡتَدُواْ عَلَيۡهِ بِمِثۡلِ مَا ٱعۡتَدَىٰ عَلَيۡكُمۡۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ مَعَ ٱلۡمُتَّقِينَ
194. Bisha xurmadda gaarka ahi leh (dagaalka la idinku soo qaado) waxaa laga hortegi isla bishaa xurmadda gaarka ah leh, dhammaanna waxyaalaha xurmadda gaarka ahi lihi qisaas baa ah. Qofkii idin ku soo xadgudba, idinkuna ku xadgudba in la mid ah intii uu idinku xadgudbay oo kale45. Dhowrana (xilkuu idin saaray) Alle, oo ogaada inuu Alle la jiro kuwa iska jira (xumaha ee dhowra Amarradiisa).
45. Haddii la soo wareero muslimiinta bilaha leh xurmmadda gaarka ah ee dagaalku caaggan yahay (waa Muxarram, Rajab, Dul Qacdah, iyo Dul Xijjah) markaas waxaa u bannaan inay ka hortagaan weerarka isla bilahaas.
Ibisobanuro by'icyarabu:
وَأَنفِقُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ وَلَا تُلۡقُواْ بِأَيۡدِيكُمۡ إِلَى ٱلتَّهۡلُكَةِ وَأَحۡسِنُوٓاْۚ إِنَّ ٱللَّهَ يُحِبُّ ٱلۡمُحۡسِنِينَ
195. Ku bixiyana wax jidka Alle, hana isugu tuurina gacamahiinna tahluko (wax bixin la'aan), una sama fala (dadka); hubaal Alle wuu jecel yahay sama falayaasha.
Ibisobanuro by'icyarabu:
وَأَتِمُّواْ ٱلۡحَجَّ وَٱلۡعُمۡرَةَ لِلَّهِۚ فَإِنۡ أُحۡصِرۡتُمۡ فَمَا ٱسۡتَيۡسَرَ مِنَ ٱلۡهَدۡيِۖ وَلَا تَحۡلِقُواْ رُءُوسَكُمۡ حَتَّىٰ يَبۡلُغَ ٱلۡهَدۡيُ مَحِلَّهُۥۚ فَمَن كَانَ مِنكُم مَّرِيضًا أَوۡ بِهِۦٓ أَذٗى مِّن رَّأۡسِهِۦ فَفِدۡيَةٞ مِّن صِيَامٍ أَوۡ صَدَقَةٍ أَوۡ نُسُكٖۚ فَإِذَآ أَمِنتُمۡ فَمَن تَمَتَّعَ بِٱلۡعُمۡرَةِ إِلَى ٱلۡحَجِّ فَمَا ٱسۡتَيۡسَرَ مِنَ ٱلۡهَدۡيِۚ فَمَن لَّمۡ يَجِدۡ فَصِيَامُ ثَلَٰثَةِ أَيَّامٖ فِي ٱلۡحَجِّ وَسَبۡعَةٍ إِذَا رَجَعۡتُمۡۗ تِلۡكَ عَشَرَةٞ كَامِلَةٞۗ ذَٰلِكَ لِمَن لَّمۡ يَكُنۡ أَهۡلُهُۥ حَاضِرِي ٱلۡمَسۡجِدِ ٱلۡحَرَامِۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ
196. U dhammeystira Xajka46 iyo Cumrada Alle darti. Haddiise la idinka xannibo (dhammeystirkooda), gowraca Hadyi47 waxaad heli kartaan ah, hana xiidhina madaxyadiinna jeer hadyigu gaaro meesha gowraciisa. Qofkiise idinka mid ah ee buka ama ka qaba cudur oogada madaxiisa (oo xiira timahiisa isagoo xarman), waxaa saaran fidyo ah soomid48 ama bixin sadaqo49 ama neef gowracid50, markaadse aamin tihiin, Qofkii ka faa’ideysta inuu ku daraa Cumrada Xaj, waa inuu gowraco hadyi wuxuu heli karo ah, qofkiise aan heli karin (hadyi), waa inuu soomo seddex maalmood inta lagu jiro Xajka iyo toddobo maalmood markaad laabataan, intani waa toban buuxda. Arrinkani wuxuu ku gaar yahay midka aanay reerkiisu deggeneyn Masjidka Xaramka. Oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle. Ogaadana in Alle ciqaabkiisu daran yahay.
46.Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Qofkii xajiya isagoo aan xajkiisa kula iman galmo iyo af lagaaddo, wuxuu noqdaa isagoo denbi ka ah sida maalintay hooyadi dhashay.” W.w. Al-Bukhaari iyo Muslim.
47. Hadyi waxaa la yidhaahdaa waxa la gowraco si loogu kabo ka tegista waajib ka mid ah waajibyada Xajka, ama bixin kaffaarad haddaad fasho mid ka mid ah waxyaalaha ku caaggan Xajka.
48. Soomid seddex maalmood.
49. Quudin lix miskiin.
50. Gowrac neef adhi ah ama ido.
Ibisobanuro by'icyarabu:
 
Ibisobanuro by'amagambo Isura: Al Baqarat
Urutonde rw'amasura numero y'urupapuro
 
Ibisobanuro bya qoran ntagatifu - Ibisobanuro bya Qur'an Ntagatifu mu rurimi rw'igisomali - Abdallah Hassan Ya'aqub. - Ishakiro ry'ibisobanuro

Byasobanuwe na Abdallah Hassan Ya'aqub.

Gufunga