Check out the new design

Ibisobanuro bya qoran ntagatifu - Ibisobanuro bya Qur'an Ntagatifu mu rurimi rw'igisomali - Abdallah Hassan Ya'aqub. * - Ishakiro ry'ibisobanuro

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Ibisobanuro by'amagambo Isura: Al Baqarat   Umurongo:
۞ وَٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ فِيٓ أَيَّامٖ مَّعۡدُودَٰتٖۚ فَمَن تَعَجَّلَ فِي يَوۡمَيۡنِ فَلَآ إِثۡمَ عَلَيۡهِ وَمَن تَأَخَّرَ فَلَآ إِثۡمَ عَلَيۡهِۖ لِمَنِ ٱتَّقَىٰۗ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّكُمۡ إِلَيۡهِ تُحۡشَرُونَ
203. Xusa Alle inta lagu jiro maalmaha tirsan [58]; qofkii degdega si uu u tago labo maalmood gudahood [59], ma jiro wax denbi ah oo saaran, qofkiina dib u hara [60] ma jiro wax denbi ah oo saaran, (kani) waxaa iska leh kan iska jira (xumaha), oo dhowra (xilkuu idin saaray) Alle, ogaadana in Xaggiisa la idiin soo wada kulmin.
58. Maalmo tirsan waa seddexda maalmood ee xiga maalinta Ciidda Adxada waana maalinta kow iyo tobnaad iyo maalinta labo iyo tobnaad iyo maalinta seddex iyo tobnaad , waxaana loo yaqaan ayaamu tashriiq maalmaha hilba waradka.
59. Waa maalinta 12aad ee Xajka.
60. Maalinta 13aad ee Xajka.
Ibisobanuro by'icyarabu:
وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يُعۡجِبُكَ قَوۡلُهُۥ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا وَيُشۡهِدُ ٱللَّهَ عَلَىٰ مَا فِي قَلۡبِهِۦ وَهُوَ أَلَدُّ ٱلۡخِصَامِ
204. Waxaa ka mid ah dadka mid uu ku cajab gelin hadalkiisu noloshan adduunka, oo u marag gashada Alle waxa ku jira qalbigiisa, isagoo waliba ah kan u muranka badan colka [61].
61. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: “Alle wuxuu dadka u neceb yahay qofka dabciga xun, qallafsan, ee doodda badan”.w.w. Al-Bukhaari.
Ibisobanuro by'icyarabu:
وَإِذَا تَوَلَّىٰ سَعَىٰ فِي ٱلۡأَرۡضِ لِيُفۡسِدَ فِيهَا وَيُهۡلِكَ ٱلۡحَرۡثَ وَٱلنَّسۡلَۚ وَٱللَّهُ لَا يُحِبُّ ٱلۡفَسَادَ
205. Markuu jeesadana wuxuu ku socdaa arlada si uu u fasaahadiyo oo u baabbi’iyo tallaalka iyo taranka. Alle ma jecla fasahaadka.
Ibisobanuro by'icyarabu:
وَإِذَا قِيلَ لَهُ ٱتَّقِ ٱللَّهَ أَخَذَتۡهُ ٱلۡعِزَّةُ بِٱلۡإِثۡمِۚ فَحَسۡبُهُۥ جَهَنَّمُۖ وَلَبِئۡسَ ٱلۡمِهَادُ
206. Marka lagu yidhaahdo, Alle ka cabso (oo iska jir Ciqaabkiisa); qabweyni u geyso denbi. Ee Naar baa ku filan, oo ugu xun gogol la dhinac dhigo.
Ibisobanuro by'icyarabu:
وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَشۡرِي نَفۡسَهُ ٱبۡتِغَآءَ مَرۡضَاتِ ٱللَّهِۚ وَٱللَّهُ رَءُوفُۢ بِٱلۡعِبَادِ
207. Waxaa ka mid ah dadka mid iibsha naftiisa isagoo doonaya Raalli gelinta Alle [62]. Alle wuu u Turid Badan yahay addoomahiisa.
62. Rasuulkii Alle s.c.w. wuxuu yidhi: Waxaan u ballan qaadayaa guri ooggagga jannada ah qofkii iska daaya doodaha iyo muranka gartaba ha lahaadee, iyo guri jannada dhexdeeda ah qofkii iska daaya beenta kaftanba ha ula jeedee, iyo guri halka jannada u sarreysa ah qofkii dabciga iyo dhaqankiisu wanaagsan yahay. (W.w
Abuu Daawuud).
Ibisobanuro by'icyarabu:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱدۡخُلُواْ فِي ٱلسِّلۡمِ كَآفَّةٗ وَلَا تَتَّبِعُواْ خُطُوَٰتِ ٱلشَّيۡطَٰنِۚ إِنَّهُۥ لَكُمۡ عَدُوّٞ مُّبِينٞ
208. Kuwa (Xaqa) rumeeyoow! U soo gala Islaamka si dhan waaxid iyo wadarba, hana raacina tallaabooyinka Shaydaanka. Hubaal, wuxuu idiin yahay cadow cad.
Ibisobanuro by'icyarabu:
فَإِن زَلَلۡتُم مِّنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَتۡكُمُ ٱلۡبَيِّنَٰتُ فَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ
209. Haddaad sidbataan kaddib iyadoo ay xujooyin cad idiin yimaadeen, ogaada inuu Alle yahay Adkaade, Xakiim ah.
Ibisobanuro by'icyarabu:
هَلۡ يَنظُرُونَ إِلَّآ أَن يَأۡتِيَهُمُ ٱللَّهُ فِي ظُلَلٖ مِّنَ ٱلۡغَمَامِ وَٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ وَقُضِيَ ٱلۡأَمۡرُۚ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرۡجَعُ ٱلۡأُمُورُ
210. Ma waxay sugi (kuwaa aan u hoggaansaneyn Alle) waxaan ahayn inuu Alle ugu yimaado hogollo daruuro cad ah (si uu u kala xukmiyo uunkiisa) malaa’igtuna (si ay u fuliyaan Amarradiisa)? Arrinkana (horey) baa loo gooyey. Xagga Alle baana loo celiyaa umuurahoo idil.
Ibisobanuro by'icyarabu:
 
Ibisobanuro by'amagambo Isura: Al Baqarat
Urutonde rw'amasura numero y'urupapuro
 
Ibisobanuro bya qoran ntagatifu - Ibisobanuro bya Qur'an Ntagatifu mu rurimi rw'igisomali - Abdallah Hassan Ya'aqub. - Ishakiro ry'ibisobanuro

Byasobanuwe na Abdallah Hassan Ya'aqub.

Gufunga