Check out the new design

Ibisobanuro bya qoran ntagatifu - Ibisobanuro bya Qur'an Ntagatifu mu rurimi rw'igisomali - Abdallah Hassan Ya'aqub. * - Ishakiro ry'ibisobanuro

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Ibisobanuro by'amagambo Umurongo: (88) Isura: Annisau
۞ فَمَا لَكُمۡ فِي ٱلۡمُنَٰفِقِينَ فِئَتَيۡنِ وَٱللَّهُ أَرۡكَسَهُم بِمَا كَسَبُوٓاْۚ أَتُرِيدُونَ أَن تَهۡدُواْ مَنۡ أَضَلَّ ٱللَّهُۖ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَلَن تَجِدَ لَهُۥ سَبِيلٗا
88. Muxuu yahay arrinkiinnu oo aad ugu qaybsanteen labo kooxood xagga munaafiqiinta? [37] Isagoo Alle uu dib ugu celiyey (gaalnimo) waxay kasbadeen darteed (oo denbiyo ah)? Ma waxaad dooneysaan inaad hanuunisaan mid uu Alle lumiyey? Qofkiina uu Alle lumiyo, uma heleysid marnaba jid (uu ku hanuuno) [38].
37. Koox ka mid ah mu’miniinta ee difaacayey munaafiqiinta iyo koox ka mid ah mu’miniinta ee colaadinayey.
38. Waxaa la soo weriyey in Carabta qaarkood ay ugu yimaadeen Rasuulka s.c.w. Madiina, markaasay isalaameen, kaddib waxaa ku dhacay xummadii Madiina, markaasay u laabteen gaalnimadii oo ka baxeen Madiina. Waxay la kulmeen qaar ka mid ah asxaabtii Nabiga s.c.w. markaasay asxaabtii waxay weydiiyeen sababta ay uga soo baxeen Madiina. Markaasay waxay u sheegeen inay ku dhacday xumaddii Madiinah. Asxaabtii waxay yidhaahdeen: Oo maxaad tusaale ugu qaadan weydeen Rasuulka Alle s.c.w., markaasay asxaabtii u qaybsameen labo kooxood: koox arkay inay yihiin kuwaa munaafiqiin iyo koox aragta inay weli yihiin muslimiin. Markaasay soo degtay Aayaddan ka canaaneysa muslimiinta inay ku qaybsamaan arrinkooda, oo amreysa inay qafaashaan oo laayaan reer miyiga Madiinah hareeraheeda deggan haddii aanay u soo haajirin Madiinah iyo inay iyagu la mid yihiin mushirkiinta kale.
Ibisobanuro by'icyarabu:
 
Ibisobanuro by'amagambo Umurongo: (88) Isura: Annisau
Urutonde rw'amasura numero y'urupapuro
 
Ibisobanuro bya qoran ntagatifu - Ibisobanuro bya Qur'an Ntagatifu mu rurimi rw'igisomali - Abdallah Hassan Ya'aqub. - Ishakiro ry'ibisobanuro

Byasobanuwe na Abdallah Hassan Ya'aqub.

Gufunga