Check out the new design

《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 * - 译解目录

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

含义的翻译 段: (88) 章: 尼萨仪
۞ فَمَا لَكُمۡ فِي ٱلۡمُنَٰفِقِينَ فِئَتَيۡنِ وَٱللَّهُ أَرۡكَسَهُم بِمَا كَسَبُوٓاْۚ أَتُرِيدُونَ أَن تَهۡدُواْ مَنۡ أَضَلَّ ٱللَّهُۖ وَمَن يُضۡلِلِ ٱللَّهُ فَلَن تَجِدَ لَهُۥ سَبِيلٗا
88. Muxuu yahay arrinkiinnu oo aad ugu qaybsanteen labo kooxood xagga munaafiqiinta?36 Isagoo Alle uu dib ugu celiyey (gaalnimo) waxay kasbadeen darteed (oo denbiyo ah)? Ma waxaad dooneysaan inaad hanuunisaan mid uu Alle lumiyey? Qofkiina uu Alle lumiyo, uma heleysid marnaba jid (uu ku hanuuno)37.
36. Koox ka mid ah mu’miniinta ee difaacayey munaafiqiinta iyo koox ka mid ah mu’miniinta ee colaadinayey.
37. Waxaa la soo weriyey in Carabta qaarkood ay ugu yimaadeen Rasuulka s.c.w. Madiina, markaasay isalaameen, kaddib waxaa ku dhacay xummadii Madiina, markaasay u laabteen gaalnimadii oo ka baxeen Madiina. Waxay la kulmeen qaar ka mid ah asxaabtii Nabiga s.c.w. markaasay asxaabtii waxay weydiiyeen sababta ay uga soo baxeen Madiina. Markaasay waxay u sheegeen inay ku dhacday xumaddii Madiinah. Asxaabtii waxay yidhaahdeen: Oo maxaad tusaale ugu qaadan weydeen Rasuulka Alle s.c.w., markaasay asxaabtii u qaybsameen labo kooxood: koox arkay inay yihiin kuwaa munaafiqiin iyo koox aragta inay weli yihiin muslimiin. Markaasay soo degtay Aayaddan ka canaaneysa muslimiinta inay ku qaybsamaan arrinkooda, oo amreysa inay qafaashaan oo laayaan reer miyiga Madiinah hareeraheeda deggan haddii aanay u soo haajirin Madiinah iyo inay iyagu la mid yihiin mushirkiinta kale.
阿拉伯语经注:
 
含义的翻译 段: (88) 章: 尼萨仪
章节目录 页码
 
《古兰经》译解 - 索马里语翻译 - 阿布杜拉·哈桑·叶孤拜 - 译解目录

阿卜杜拉·哈桑·叶尔孤白翻译。

关闭