Check out the new design

ශුද්ධවූ අල් කුර්ආන් අර්ථ කථනය - සෝමාලියානු පරිවර්තනය - අබ්දුල්ලා හසන් යඃකූබ් * - පරිවර්තන පටුන

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

අර්ථ කථනය පරිච්ඡේදය: මුහම්මද්   වාක්‍යය:

Muxammed

ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ وَصَدُّواْ عَن سَبِيلِ ٱللَّهِ أَضَلَّ أَعۡمَٰلَهُمۡ
1. Kuwa gaalooba oo ka hor istaaga (dadka) Jidka Alle wuxuu (Alle) burin acmaashooda2.
1. Waxaa sidoo kale Suuraddan loo yaqaan Suurat Al-Qitaal (la daggaalanka cadowga Islaamka).
2. Maadaama ay towxiidka diideen iyo caqiidada saxiixa ah oo dagaal ku yihiin.
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَءَامَنُواْ بِمَا نُزِّلَ عَلَىٰ مُحَمَّدٖ وَهُوَ ٱلۡحَقُّ مِن رَّبِّهِمۡ كَفَّرَ عَنۡهُمۡ سَيِّـَٔاتِهِمۡ وَأَصۡلَحَ بَالَهُمۡ
2. Kuwase (Xaqa) rumeysan oo fala samaha oo rumeysan (Qur’aanka) lagu soo dejiyey Muxammad oo ah Xaq ka yimid Rabbigood, wuxuu (Alle) ka tiritiri xumahay faleen, hagaajinna xaalkooda3.
3. Si ay u ogaadaan natiijada waxay doorteen.
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ ٱتَّبَعُواْ ٱلۡبَٰطِلَ وَأَنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّبَعُواْ ٱلۡحَقَّ مِن رَّبِّهِمۡۚ كَذَٰلِكَ يَضۡرِبُ ٱللَّهُ لِلنَّاسِ أَمۡثَٰلَهُمۡ
3. Sidaas waxaa ugu wacan kuwaa gaalooba waxay raacaan been iyo baadil aan jirin, kuwase mu'miniinta ah waxay raacaan Xaqa ka yimid Rabbigood. Sidaasuu Alle ugu soo tusaale qaadaa dadka.
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
فَإِذَا لَقِيتُمُ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَضَرۡبَ ٱلرِّقَابِ حَتَّىٰٓ إِذَآ أَثۡخَنتُمُوهُمۡ فَشُدُّواْ ٱلۡوَثَاقَ فَإِمَّا مَنَّۢا بَعۡدُ وَإِمَّا فِدَآءً حَتَّىٰ تَضَعَ ٱلۡحَرۡبُ أَوۡزَارَهَاۚ ذَٰلِكَۖ وَلَوۡ يَشَآءُ ٱللَّهُ لَٱنتَصَرَ مِنۡهُمۡ وَلَٰكِن لِّيَبۡلُوَاْ بَعۡضَكُم بِبَعۡضٖۗ وَٱلَّذِينَ قُتِلُواْ فِي سَبِيلِ ٱللَّهِ فَلَن يُضِلَّ أَعۡمَٰلَهُمۡ
4. Ee markaad kula kulantaan dagaal gaalada ka garaaca luqumaha; markaad jabisaanna, ku adkeeya xadhigga (maxaabiista dagaalka)4, intaa kaddib ku sii daaya axsaan fal5 ama ha is furteen jeer ay car-carta dagaalku degto (oo nabaddu faafto). Waa sidaase, haddii Alle doono, Isaga Naf ahaantiisa baa ka aarsan lahaa (dagaal la'aan), waase si uu ugu imtixaano qaarkiinba qaar kale6. Kuwana lagu dilaa Jidka Alle marnaba (Alle) ma luminayo camalladooda.
4. Inta harta u soo qaata qafaal ahaan.
5. Sii daaya idinkoon ka qaadan wax madax furasho ah.
6. Ilaa la dhigo hubka iyo qalabka dagaalka, waxaa loola jeedaa ilaa dagaalka ka dhammaado oo nabaddu faafto.
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
سَيَهۡدِيهِمۡ وَيُصۡلِحُ بَالَهُمۡ
5. (Alle) wuu hanuunin kuwaas oo hagaajin xaalkooda.
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
وَيُدۡخِلُهُمُ ٱلۡجَنَّةَ عَرَّفَهَا لَهُمۡ
6. Wuxuuna gelin janno uu uga yeelay wax ay yaqaanaan.
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
يَٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِن تَنصُرُواْ ٱللَّهَ يَنصُرۡكُمۡ وَيُثَبِّتۡ أَقۡدَامَكُمۡ
7. Kuwa (Xaqa) rumeeyow! Haddaad u gargaartaan (diinta) Alle, Wuu idiin gargaari oo idiin sugi cagahiinna.
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
وَٱلَّذِينَ كَفَرُواْ فَتَعۡسٗا لَّهُمۡ وَأَضَلَّ أَعۡمَٰلَهُمۡ
8. Kuwase xaqa diida, hoog (iyo halaag) baa u sugnaaday, (Allena) wuu burin camalladooda.
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمۡ كَرِهُواْ مَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ فَأَحۡبَطَ أَعۡمَٰلَهُمۡ
9. Waxaa sidaas ugu wacan waxay naceen waxa uu Alle soo dejiyey (oo Xaq ah), markaasuu ka yeelay acmaashooda waxaan waxba ka jirin.
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
۞ أَفَلَمۡ يَسِيرُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ فَيَنظُرُواْ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۖ دَمَّرَ ٱللَّهُ عَلَيۡهِمۡۖ وَلِلۡكَٰفِرِينَ أَمۡثَٰلُهَا
10. Miyeyna marin dhulka oo fiirin siday aheyd cidhibta kuwii ka horreeyey? Alle baa ku keenay baabba7’ dhan, gaaladuna waxay la kulmi isla aayahaas oo kale.
7. Wuu baabbi’iyey iyagoo dhan iyo waxay lahaayeenba.
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
ذَٰلِكَ بِأَنَّ ٱللَّهَ مَوۡلَى ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَأَنَّ ٱلۡكَٰفِرِينَ لَا مَوۡلَىٰ لَهُمۡ
11. Sidaas waxaa ugu wacan in Alle yahay gargaaraha kuwa rumeysan, gaaladuna ma leh gargaare dhab ah.
අල්කුර්ආන් අරාබි අර්ථ විවරණ:
 
අර්ථ කථනය පරිච්ඡේදය: මුහම්මද්
සූරා පටුන පිටු අංක
 
ශුද්ධවූ අල් කුර්ආන් අර්ථ කථනය - සෝමාලියානු පරිවර්තනය - අබ්දුල්ලා හසන් යඃකූබ් - පරිවර්තන පටුන

මෙය අබ්දුල්ලාහ් හසන් යඃකූබ් විසින් පරිවර්තනය කරන ලදී.

වසන්න