Check out the new design

Përkthimi i kuptimeve të Kuranit Fisnik - Përkthimi somalisht - Abdullah Hasan Jakub * - Përmbajtja e përkthimeve

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

Përkthimi i kuptimeve Surja: El Isra   Ajeti:
ذَٰلِكَ مِمَّآ أَوۡحَىٰٓ إِلَيۡكَ رَبُّكَ مِنَ ٱلۡحِكۡمَةِۗ وَلَا تَجۡعَلۡ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ فَتُلۡقَىٰ فِي جَهَنَّمَ مَلُومٗا مَّدۡحُورًا
39. Kuwani waa (qaar) ka mid ah wuxuu Rabbigaa kuu waxyooday oo ka mid ah xikmadda. Ha yeelin la jirka Alle ilaah kale, si aan lagugu tuurin Naarta adigoo eedeysan, dayro ah.
Tefsiret në gjuhën arabe:
أَفَأَصۡفَىٰكُمۡ رَبُّكُم بِٱلۡبَنِينَ وَٱتَّخَذَ مِنَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ إِنَٰثًاۚ إِنَّكُمۡ لَتَقُولُونَ قَوۡلًا عَظِيمٗا
40. Ma wuxuu Rabbigaa idiin dooray wiilal, oo isagu ka yeeshay malaa’igta gabdho? Waxaad ku hadlaysaan wax daran oo baas.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَلَقَدۡ صَرَّفۡنَا فِي هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانِ لِيَذَّكَّرُواْ وَمَا يَزِيدُهُمۡ إِلَّا نُفُورٗا
41. Waxaan dhab ahaan ku soo celcelinnay (gooddimaha) Qur’aanka dhexdi, si ay u waansamaan, umase kordhiso (gaalada) waxaan aheyn didmo.
Tefsiret në gjuhën arabe:
قُل لَّوۡ كَانَ مَعَهُۥٓ ءَالِهَةٞ كَمَا يَقُولُونَ إِذٗا لَّٱبۡتَغَوۡاْ إِلَىٰ ذِي ٱلۡعَرۡشِ سَبِيلٗا
42. Dheh: Hadday jiri lahaayeen ilaahyo kale (Alle ka sokow) sida ay leeyihiin, markaas waxay dooni lahaayeen jid ay kaga adkaadaan (Alle) Rabbiga Carshiga weyn16.
16. Macno kale waxay dooni lahaayeen raalli gelinta iyo u dhowaanshaha Alle.
Tefsiret në gjuhën arabe:
سُبۡحَٰنَهُۥ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يَقُولُونَ عُلُوّٗا كَبِيرٗا
43. Xurmo oo dhan Isagaa (Alle) iska leh oo (xumaan ka) hufan, kana sarreeya waxay sheegayaan sarreyn weyn.
Tefsiret në gjuhën arabe:
تُسَبِّحُ لَهُ ٱلسَّمَٰوَٰتُ ٱلسَّبۡعُ وَٱلۡأَرۡضُ وَمَن فِيهِنَّۚ وَإِن مِّن شَيۡءٍ إِلَّا يُسَبِّحُ بِحَمۡدِهِۦ وَلَٰكِن لَّا تَفۡقَهُونَ تَسۡبِيحَهُمۡۚ إِنَّهُۥ كَانَ حَلِيمًا غَفُورٗا
44. Toddobada samo baa muujiya xurmaddiisa oo (xumaan ka) hufa iyo arlada iyo waxaa ku sugan. Ma jiraan wax aan ku tasbiixsan Ammaanahiisa, waydaanse garaneyn tasbiixdooda. Hubaal Alle waa Dulqaad Badane, Denbi Dhaaf Badan.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَإِذَا قَرَأۡتَ ٱلۡقُرۡءَانَ جَعَلۡنَا بَيۡنَكَ وَبَيۡنَ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ حِجَابٗا مَّسۡتُورٗا
45. Markaad akhrineyso Qur’aanka, waxaan dhignaa dhexdiinna adiga iyo kuwaan rumeysneyn Aakhirada xijaab astur ah17.
17. Markay soo degtay Suuradda Tabbad Yadaa Abii Lahab. Waxay xaaskii Abuu Lahab u timid Nabiga s.c.w. uu la joogo Abuu Bakar. Markuu arkay Abuu Bakar. Wuxuu yidhi: Rasuul Allow! Tani waa naag xun, waxaana ka baqayaa inay kuu geysato waxyeello ee ka warran haddaad ka kacdo halkaan. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ima arkeyso. Markaasay timid oo tidhi: Abuu Bakarow, ninkii saaxiibkaa ahaa wuxuu igu caayay gabay. Abuu Bakar wuxuu yidhi: ma gabyo. Waxay tidhi: Adiga xaggayga waxaad tahay runlow, oo iska tagtay. Waxaan idhi: Rasuul Allow! Kuma ayan arag. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Malag baa iiga asturayey labadiisa baal. W.w.Abuu Yaclaa.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَجَعَلۡنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ أَكِنَّةً أَن يَفۡقَهُوهُ وَفِيٓ ءَاذَانِهِمۡ وَقۡرٗاۚ وَإِذَا ذَكَرۡتَ رَبَّكَ فِي ٱلۡقُرۡءَانِ وَحۡدَهُۥ وَلَّوۡاْ عَلَىٰٓ أَدۡبَٰرِهِمۡ نُفُورٗا
46. Waxaanu yeellay quluubtooda dushooda daboollo iyo culeys dhegahooda si aanay u fahmin, markaadna ku xusto Rabbigaa Keliya Qur’aanka waxay jeediyaan dhabarradooda iyagoo didsan.
Tefsiret në gjuhën arabe:
نَّحۡنُ أَعۡلَمُ بِمَا يَسۡتَمِعُونَ بِهِۦٓ إِذۡ يَسۡتَمِعُونَ إِلَيۡكَ وَإِذۡ هُمۡ نَجۡوَىٰٓ إِذۡ يَقُولُ ٱلظَّٰلِمُونَ إِن تَتَّبِعُونَ إِلَّا رَجُلٗا مَّسۡحُورًا
47. Annagaa ogsoon waxay dhageystaan markay ku dhegaysanayaan iyo markay qabsadaanba shir qarsoodi ah oo ay ku faqaan, markay daalimiintu leeyihiin: Waxaad uun raacdaan nin sixran.
Tefsiret në gjuhën arabe:
ٱنظُرۡ كَيۡفَ ضَرَبُواْ لَكَ ٱلۡأَمۡثَالَ فَضَلُّواْ فَلَا يَسۡتَطِيعُونَ سَبِيلٗا
48. Fiiri siday kuugu yeelaan tusaalooyin kolba, sidaasayna ku lumeen, oy u heli karin Jidna.
Tefsiret në gjuhën arabe:
وَقَالُوٓاْ أَءِذَا كُنَّا عِظَٰمٗا وَرُفَٰتًا أَءِنَّا لَمَبۡعُوثُونَ خَلۡقٗا جَدِيدٗا
49. Waxayna (gaaladu) yidhaahdeen: Ma markaan noqonno lafo iyo boodh carro ah, miyaa nala sooo bixin abuur cusub ahaan?
Tefsiret në gjuhën arabe:
 
Përkthimi i kuptimeve Surja: El Isra
Përmbajtja e sureve Numri i faqes
 
Përkthimi i kuptimeve të Kuranit Fisnik - Përkthimi somalisht - Abdullah Hasan Jakub - Përmbajtja e përkthimeve

E përktheu Abdullah Hasan Jakub.

Mbyll