Check out the new design

పవిత్ర ఖురాన్ యొక్క భావార్థాల అనువాదం - సోమాలి అనువాదం - అబ్దుల్లాహ్ హసన్ యాఖుబ్ * - అనువాదాల విషయసూచిక

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

భావార్ధాల అనువాదం సూరహ్: అల్-ఇస్రా   వచనం:
ذَٰلِكَ مِمَّآ أَوۡحَىٰٓ إِلَيۡكَ رَبُّكَ مِنَ ٱلۡحِكۡمَةِۗ وَلَا تَجۡعَلۡ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ فَتُلۡقَىٰ فِي جَهَنَّمَ مَلُومٗا مَّدۡحُورًا
39. Kuwani waa (qaar) ka mid ah wuxuu Rabbigaa kuu waxyooday oo ka mid ah xikmadda, hana u shariig yeelin ilaah kale wuxuu ahaadaba Alle, si aan lagugu tuurin Naarta adigoo eedeysan, dayro ah.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
أَفَأَصۡفَىٰكُمۡ رَبُّكُم بِٱلۡبَنِينَ وَٱتَّخَذَ مِنَ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةِ إِنَٰثًاۚ إِنَّكُمۡ لَتَقُولُونَ قَوۡلًا عَظِيمٗا
40. Ma wuxuu Rabbigaa idiin dooray wiilal, oo isagu ka yeeshay malaa’igta gabdho? Waxaad ku hadlaysaan wax daran oo baas.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَلَقَدۡ صَرَّفۡنَا فِي هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانِ لِيَذَّكَّرُواْ وَمَا يَزِيدُهُمۡ إِلَّا نُفُورٗا
41. Waxaan dhab ahaan ku soo celcelinnay (gooddimaha) Qur’aanka dhexdi, si ay u waansamaan, umase kordhiso (gaalada) waxaan aheyn didmo.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
قُل لَّوۡ كَانَ مَعَهُۥٓ ءَالِهَةٞ كَمَا يَقُولُونَ إِذٗا لَّٱبۡتَغَوۡاْ إِلَىٰ ذِي ٱلۡعَرۡشِ سَبِيلٗا
42. Dheh: Hadday jiri lahaayeen ilaahyo kale (Alle ka sokow) sida ay leeyihiin, markaas waxay dooni lahaayeen jid ay kaga adkaadaan (Alle) Rabbiga Carshiga weyn (macno kale waxay dooni lahaayeen raalli gelinta iyo u dhowaanshaha Alle).
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
سُبۡحَٰنَهُۥ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يَقُولُونَ عُلُوّٗا كَبِيرٗا
43. Xurmo oo dhan Isagaa (Alle) iska leh oo (xumaan ka) hufan, kana sarreeya waxay leeyihiin sarreyn weyn.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
تُسَبِّحُ لَهُ ٱلسَّمَٰوَٰتُ ٱلسَّبۡعُ وَٱلۡأَرۡضُ وَمَن فِيهِنَّۚ وَإِن مِّن شَيۡءٍ إِلَّا يُسَبِّحُ بِحَمۡدِهِۦ وَلَٰكِن لَّا تَفۡقَهُونَ تَسۡبِيحَهُمۡۚ إِنَّهُۥ كَانَ حَلِيمًا غَفُورٗا
44.Toddobada samo baa muujiya xurmaddiisa oo (xumaan ka) hufa iyo arlada iyo waxaa ku sugan, ma jiraanna wax aan ku tasbiixsan Ammaanahiisa. Waydaanse garaneyn tasbiixdooda. Hubaal Alle waa Dulqaad Badane, Denbi Dhaaf Badan.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَإِذَا قَرَأۡتَ ٱلۡقُرۡءَانَ جَعَلۡنَا بَيۡنَكَ وَبَيۡنَ ٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ حِجَابٗا مَّسۡتُورٗا
45. Markaad akhrineyso Qur’aanka, waxaan dhignaa dhexdiinna adiga iyo kuwaan rumeysneyn Aakhirada xijaab astur ah16.
16. Markay soo degtay Suuradda Tabbad Yadaa Abii Lahab. Waxay xaaskii Abuu Lahab u timid Nabiga s.c.w. uu la joogo Abuu Bakar. Markuu arkay Abuu Bakar. Wuxuu yidhi: Rasuul Allow! Tani waa naag xun, waxaana ka baqayaa inay kuu geysato waxyeello ee ka warran haddaad ka kacdo halkaan. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Ima arkeyso. Markaasay timid oo tidhi: Abuu Bakarow, ninkii saaxiibkaa ahaa wuxuu igu caayay gabay. Abuu Bakar wuxuu yidhi: ma gabyo. Waxay tidhi: Adiga xaggayga waxaad tahay runlow, oo iska tagtay. Waxaan idhi: Rasuul Allow! Kuma ayan arag. Nabigu s.c.w. wuxuu yidhi: Malag baa iiga asturayey labadiisa baal. W.w.Abuu Yaclaa.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَجَعَلۡنَا عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ أَكِنَّةً أَن يَفۡقَهُوهُ وَفِيٓ ءَاذَانِهِمۡ وَقۡرٗاۚ وَإِذَا ذَكَرۡتَ رَبَّكَ فِي ٱلۡقُرۡءَانِ وَحۡدَهُۥ وَلَّوۡاْ عَلَىٰٓ أَدۡبَٰرِهِمۡ نُفُورٗا
46. Waxaana yeellay quluubtooda dushooda daboollo iyo culeys dhegahooda si aanay u fahmin, markaadna ku xusto Rabbigaa Keliya Qur’aanka waxay jeediyaan dhabarradooda iyagoo didsan.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
نَّحۡنُ أَعۡلَمُ بِمَا يَسۡتَمِعُونَ بِهِۦٓ إِذۡ يَسۡتَمِعُونَ إِلَيۡكَ وَإِذۡ هُمۡ نَجۡوَىٰٓ إِذۡ يَقُولُ ٱلظَّٰلِمُونَ إِن تَتَّبِعُونَ إِلَّا رَجُلٗا مَّسۡحُورًا
47. Annagaa ogsoon waxay dhageystaan markay ku dhegaysanayaan iyo markay qabsadaanba shir qarsoodi ah oo ay ku faqaan, markay daalimiintu leeyihiin: Waxaad uun raacdaan nin sixran.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
ٱنظُرۡ كَيۡفَ ضَرَبُواْ لَكَ ٱلۡأَمۡثَالَ فَضَلُّواْ فَلَا يَسۡتَطِيعُونَ سَبِيلٗا
48. Fiiri siday kuugu yeelaan tusaalooyin kolba, sidaasayna ku lumeen, oy u heli karin Jid.
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
وَقَالُوٓاْ أَءِذَا كُنَّا عِظَٰمٗا وَرُفَٰتًا أَءِنَّا لَمَبۡعُوثُونَ خَلۡقٗا جَدِيدٗا
49. Waxayna (gaaladu) yidhaahdeen: Ma markaan noqonno lafo iyo boodh carro ah, miyaa nala sooo bixin abuur cusub ahaan?
అరబీ భాషలోని ఖుర్ఆన్ వ్యాఖ్యానాలు:
 
భావార్ధాల అనువాదం సూరహ్: అల్-ఇస్రా
సూరాల విషయసూచిక పేజీ నెంబరు
 
పవిత్ర ఖురాన్ యొక్క భావార్థాల అనువాదం - సోమాలి అనువాదం - అబ్దుల్లాహ్ హసన్ యాఖుబ్ - అనువాదాల విషయసూచిక

దానిని అబ్దుల్లాహ్ హసన్ యాఖూబ్ అనువదించారు.

మూసివేయటం