Check out the new design

அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப் * - மொழிபெயர்ப்பு அட்டவணை

XML CSV Excel API
Please review the Terms and Policies

மொழிபெயர்ப்பு அத்தியாயம்: அஸ்ஸாபாத்   வசனம்:
مَا لَكُمۡ لَا تَنَاصَرُونَ
25. Maxaad leedihiin oo aydaan isugu gargaareyn?
அரபு விரிவுரைகள்:
بَلۡ هُمُ ٱلۡيَوۡمَ مُسۡتَسۡلِمُونَ
26.Mayee, Maalintaa dhammaan way is dhiibi doonaan.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ يَتَسَآءَلُونَ
27. Waxay ku jeesan qaarkoodba qaar iyagoo is weydiin?.
அரபு விரிவுரைகள்:
قَالُوٓاْ إِنَّكُمۡ كُنتُمۡ تَأۡتُونَنَا عَنِ ٱلۡيَمِينِ
28. Waxay (raciyadii ku) odhan (madaxdoodii): Waxaad nooga iman jirteen dhanka midig5.
5. Idinkoo noo diidaya ku dhaqanka wanaagga iyo diinta oo xoog noo sheeganaya.
அரபு விரிவுரைகள்:
قَالُواْ بَل لَّمۡ تَكُونُواْ مُؤۡمِنِينَ
29. Waxay (madaxdii) odhan: Ma aha, ee idinkaan mu’miniin ahayn.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَمَا كَانَ لَنَا عَلَيۡكُم مِّن سُلۡطَٰنِۭۖ بَلۡ كُنتُمۡ قَوۡمٗا طَٰغِينَ
30. Kuma aanu laheyn wax awood ah korkiinna. Ee waxaad ahaydeen qolo xad gudub badan.
அரபு விரிவுரைகள்:
فَحَقَّ عَلَيۡنَا قَوۡلُ رَبِّنَآۖ إِنَّا لَذَآئِقُونَ
31. Sidaas awgeed waxaa nagu dhaboobay Qawlka Rabbigeen, xaqiiq waanu dhadhamin (Cadaabka).
அரபு விரிவுரைகள்:
فَأَغۡوَيۡنَٰكُمۡ إِنَّا كُنَّا غَٰوِينَ
32. Waan idin luminnay6, innaguna waa lunsanayn.
6. Waxay madaxda ula yimaadeen dadweynaha dhagar weyn.
அரபு விரிவுரைகள்:
فَإِنَّهُمۡ يَوۡمَئِذٖ فِي ٱلۡعَذَابِ مُشۡتَرِكُونَ
33. Iyagu (raciyaddii iyo kuwii la raacay) xaqiiq Maalinkaas cadaabkay wadaagi.
அரபு விரிவுரைகள்:
إِنَّا كَذَٰلِكَ نَفۡعَلُ بِٱلۡمُجۡرِمِينَ
34. Sidaasaan ku fallaa denbiilayaasha.
அரபு விரிவுரைகள்:
إِنَّهُمۡ كَانُوٓاْ إِذَا قِيلَ لَهُمۡ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا ٱللَّهُ يَسۡتَكۡبِرُونَ
35. Waxay ahaayeen marka lagu yidhaah- do: Ma jiro Ilaah (Xaq lagu caabudo) aan ahayn Allaah, kuwa iska weyneeya.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَيَقُولُونَ أَئِنَّا لَتَارِكُوٓاْ ءَالِهَتِنَا لِشَاعِرٖ مَّجۡنُونِۭ
36. Iyagoo leh: Ma waxaan isaga deynaa ilaahyadayada gabyaa Jinnoole ah?
அரபு விரிவுரைகள்:
بَلۡ جَآءَ بِٱلۡحَقِّ وَصَدَّقَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ
37. Mayee’ wuxuu (Nabigu) la yimid Xaq, oo rumeeyey Rusushii (Alle soo diray).
அரபு விரிவுரைகள்:
إِنَّكُمۡ لَذَآئِقُواْ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡأَلِيمِ
38. Waxaad idinku (gaaloy) dhadhamin cadaabka xanuunka badan.
அரபு விரிவுரைகள்:
وَمَا تُجۡزَوۡنَ إِلَّا مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ
39. La idinkamana abaal mariyo waxaan aheyn waxaad fasheen.
அரபு விரிவுரைகள்:
إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ
40. Addoommaha Alle maahee ee daacadda ah u Keli yeela Alle cibaadada.
அரபு விரிவுரைகள்:
أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ رِزۡقٞ مَّعۡلُومٞ
41. Kuwaasi waxay leeyihiin risiq la yaqaan aan go'eyn (Jannada gudaheeda).
அரபு விரிவுரைகள்:
فَوَٰكِهُ وَهُم مُّكۡرَمُونَ
42. Midho, iyagoo lagu sharfi.
அரபு விரிவுரைகள்:
فِي جَنَّٰتِ ٱلنَّعِيمِ
43. Beeraha barwaaqada (Jannada).
அரபு விரிவுரைகள்:
عَلَىٰ سُرُرٖ مُّتَقَٰبِلِينَ
44. Sariiro sarreeya korkooda is qaabilsan fool ka fool (si farxad iyo reyn reyn leh).
அரபு விரிவுரைகள்:
يُطَافُ عَلَيۡهِم بِكَأۡسٖ مِّن مَّعِينِۭ
45. Waxaa lagula wareegi koobab (khamri daahir ah) ka soo shubma il (webiyo) saafi ah.
அரபு விரிவுரைகள்:
بَيۡضَآءَ لَذَّةٖ لِّلشَّٰرِبِينَ
46. Cad, oo u macaan kuwa cabbi.
அரபு விரிவுரைகள்:
لَا فِيهَا غَوۡلٞ وَلَا هُمۡ عَنۡهَا يُنزَفُونَ
47. Ma leh wax dhibaato ah, lagumana sarkhaamo (khamrada Jannada).
அரபு விரிவுரைகள்:
وَعِندَهُمۡ قَٰصِرَٰتُ ٱلطَّرۡفِ عِينٞ
48. Waxaana la jirkood ahaan haween dhowrsoon soo kooba araggooda, leh indho aad u qurxoon.
அரபு விரிவுரைகள்:
كَأَنَّهُنَّ بَيۡضٞ مَّكۡنُونٞ
49. La moodo ukummo aad loo dhowray.
அரபு விரிவுரைகள்:
فَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ يَتَسَآءَلُونَ
50. Waxay qaabili qaarkoodba qaarka kale (ehlu Jannaha) iyagoo is weydiin.
அரபு விரிவுரைகள்:
قَالَ قَآئِلٞ مِّنۡهُمۡ إِنِّي كَانَ لِي قَرِينٞ
51. Midkood hadlaya baa odhan: Waxaan anigu lahaa saaxiib.
அரபு விரிவுரைகள்:
 
மொழிபெயர்ப்பு அத்தியாயம்: அஸ்ஸாபாத்
அத்தியாயங்களின் அட்டவணை பக்க எண்
 
அல்குர்ஆன் மொழிபெயர்ப்பு - சோமாலிய மொழிபெயர்ப்பு - அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப் - மொழிபெயர்ப்பு அட்டவணை

அதை மொழிபெயர்த்தது அப்துல்லாஹ் ஹஸன் யஃகூப்.

மூடுக